Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Xaflad lagu xusayay Maalinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, Geeridii Garyaqaan Ismaaciil Jimcaale Cosoble iyo Aas aaskii Xarunta loogu magac-daray oo Muqdisho lagu qabtay Warbixin iyo Sawirro

Maryan AwreeyeDrs. Nuurto ShiikhC/llaahi ShirwacKhadiijo CosobleMaxamuud Cali UgaasBatuulo Maxamed Mursal
Axad, July 23, 2006(HOL): Xaflad lagu xusayo maalinta xuquuqda Aadamiga Soomaaliyeed, aas-aaskii Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha iyo 16 guuradii ka soo wareegtay geeridii garyaqaan/halyeey Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble ayaa shalay lagu qabtay Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho, waxaana xuska munaasabadahaas isu tegay ka soo qeybgalay mas'uuliyiin aad u badan oo ay ka mid yihiin kuwa Ururrada Bulshada Rayidka, Mas'uuliyiinta Gobolka Banaadir, Suxufiyiin iyo marti sharaf kale.

Marxuum Ismaaciil Jimcaale CosobleGuddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale Marwo Maryan Xuseen Awreeye ayaa sheegtay in 37-dii sano ee tagtay ay dhaceen xadgudubyo aad u xoog badan, iyadoo xustay in kacdoonkii 1991-kii lagu riday Xukuumaddii Mileteriga uu noqday mid lagu hungoobay, maadaama ayay tiri ay dhaceen xadgudubyo ka badan kuwii hore, balse uu mar kale dhacay kacdoon shacbi oo ay Maxaakiimta Islaamiga hormuud ka yihiin, loogana guuleystay hoggaamiye kooxeedyadii15 sano dalka iyo dadka u af-duubnaayeen, iyadoo xustay in loo baahan yahay in laga digtoonaado waxyaabihii dhacay iyo xadgudubyadii loo geysanayay dadka iyo dalkaba, waxaana qoraal ay xarunta soo saartay lagu sheegay in muddo sanad ah gudahood ay dhaceen 719 xadgudub oo noocyo kala duwan leh.

Cadde GaabowWaxaa sidoo kale halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Cadde Gaabow oo sheegay in uu Xarunta ugu hambalyeynayo dadaalka ay ku diiwaangelinayaan xadgudubyada dhacaya, isagoo dhanka kalena sheegay in Bulshada rayidka iyo dadka u dooda xuquuqda Aadanaha ay hadda shaqo kow u tahay, “waxaa loo baahan yahay nabadeyn, deriseyn iyo in bulshadii 16 sano kala xirneyd la isu furo”ayuu yiri Cadde Gaabow oo mar uu ka hadlayay xaaladaha ka taagan dalka Soomaaliya ka codsaday maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka in ay sameynin wax dagaal ka dhaca sababi kara, si gaar ahna wuxuu u codsaday in ay labadooda ciidan kala xakameeyaan, deetana ay joojiyaan hadallada qadafka ah ee ay Idaacadaha isaga gudbinayaan.


Drs. Nuurto Shiikh Maxamed oo Guddoomiye ka ah Isbaheysiga Xoriyadda Ra'yiga Soomaaliya, waxayna ku baaqday in Marwo Maryan Awreeye oo uu ka geeriyooday Dr. Ismaaciil Jimcaale Cosoble loo aqoonsado Halyeeyad ay Soomaalida ku faanaan meel kasta oo ay joogaan bacdamaa ay u bareertay howl ay ka baqeen dad badan oo Xuquuqda Aadanaha u dooda.

“Maryan Awreeye waxaa hooyada Ururro badan oo hadda jira, kuwaasi oo qaar ay ka saaciday in ay aqoonsi helaan, kuwo kalena ay ku xirtay ururro caalami ah, marka waxaan qabaa in aan maantaba u aqoonsanno in ay Halyeeyad tahay”ayay mar kale tiri Drs. Nuurto Shiikh Maxamed

Sidoo kale waxay fasir ka bixisay Drs. Nuurto shaqada uu ururkoodu hayo ee difaaca xoriyadda hadalka, “howsha aan heyno ee ah difaacidda xoriyadda hadalka kuma jirto in aan difaacno fikir dad kale lagu waxyeeleynayay, mana ahan in qofta intuu ruux kale ku xadgudbo uu yiraahdo waxaan cabirayay ra'yigeyga xor ayaana u ahay”ayay tiri Drs. Nuurto oo caddeysay in Isbaheysigaas aan lagu difaacin kaliya Suxufiyiinta.

Guddoomiyaha Hay'adda Tubta Nabadda C/llaahi Maxamed Shirwac ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, ugu horeyn wuxuu u duceeyay Ismaaciil Jimcaale, kadibna wuxuu hambalyo iyo ammaan u jeediyay Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale oo uu sheegay in ay mudadii bur burka soo qabatay howl baaxad leh oo aysan jirin qabatay.

Intaas kadib Shirwac waxaa uu ka hadlay xaaladda dalka uu ku sugan iyo ciidamada Itoobiyaan ah ee la sheegay in ay gudaha Soomaaliya soo galeen iyo weliba mowqifyada ay kala joogaan Dowladda Federaalka iyo Golaha maxkamadaha Islaamka, “Waxaan mareynaa meel kala beyr ah oo loo baahan yahay in talada la wadaago, isla markaana dowlad shaqeyso la helo, waxaan qabaa halkan (Muqdisho)nabad ayaa ka jirta hayeeshee Maxkamadaha Islaamka ee ka taliya iyo Annaga Bulshada rayidka ah ayaa waxaa na sugeysa howl aad u baaxad leh oo ah in nabadda la sii adkeeyo iyo in aanu dagaal dambe magaaladan ka dhicin”ayuu yiri Shirwac oo ka codsaday xubnihii Bulshada Rayidka ka socday ee uu la hadlayay in la sameeyo banaanbax lagu muujinayo in aan dagaal dambe loo baahneyn.

“Taas waxaan u leeyahay maalin dhaweyd waxaan u dabaal degeynay nabadda Muqdisho gaartay iyo isu soo dhawaashaha dhexmaray Dowladda iyo maxkamadaha, hadda dareen colaadeed ayaa jira iyo isu hub uruursi ay sameynayaan Dowladda iyo maxkamadaha, waa in aan u istaagnaa sidii aan u baajin lahayd in dagaal ka dhex dhaco labadaas dhinac halkii intee wax laga bilaabaa aan is-weydiin lahayn mar taladu faraha ka baxday”ayuu mar kale yiri C/llaahi Maxamed Shirwac.


Drs. Khadiijo Cosoble ayaa iyaduna ka hadashay xuskii loo sameeyay marxuum Ismaaciil Jimcaale iyo aas aaskii xarunta loogu magac-daray, “Ismaaciil Jimcaale dhimashadiisi kadib waxaa dalkan ka dhacay bur bur iyo xadgudubyo fara badan, waxaa la soo maray dagaallo la isugu adeegsanayay hub waa weyn oo ku dhacay dad rayid ah oo aan waxba galabsan, xadgudbyadaas waxaa noo diiwaangelisay oo noo heysa Xarunta Xuquuqda Aadanaha Dr. Ismaaciil Jimcaale, weyna ku amaanan tahay”ayay tiri Drs. Khadiijo Cosoble oo sheegtay in ay muhiim tahay in xuskan oo kale looga hadlo sidii loogu tabaabusheysan lahaa ilaalinta Xuquuqda Aadanaha iyadoo la sameynayo nidaam laga shaqeeyo.

Drs. Khadiijo waxay ka hadashay nabadgelyada Xamar oo ay ka keentay su'aal ah in ay sii jiri karto iyo waxa ay dadku u baahan yihiin, “Nabadgelyada aan hadda Xamar ku heysano ma tahay mid sii jiri karta, anigu waxaan qabaa in aan u baahannahay in aan ka wada shaqeyno sidii aan Dowlad shaqeysa u heli lahayn waayo maamul yar oo degmo ama gobol laga sameeyay wax badan ma qaban karo”ayay mar kale tiri Khadiijo Cosoble oo sheegtay in nabadda hadda ka jirto Muqdisho ay u baahan tahay in la hubiyo in ay dhabowday, “Bulshada Rayidka iyadana waxaa saaran xil gaar ah, kaasi oo ah in ay dowladda iyo Maxkamadaha ka dhaadhiciyaan in aysan wax dagaal ah dhicin.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo isaguna xuskan ka hadlay ayaa sheegay in Marxuum Ismaaciil Jimcaale uu ahaa halyey u hiilin jiray xaqa isla markaana ka soo horjeedi jiray xaq-darrada, “Marxuum Ismaaciil Jimcaale Alle ha u naxariistee wuxuu helay dad sii wada howshii uu waday waana Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale oo runtii wax badan oo xadgudubyo oo dalkan ka dhacay uruurisay.

Ugaaska waxaa uu soo hadal qaaday is-bedelkii ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay in waxa Xamar ka dhacay ay yihiin Guul Mileteri oo hoggaamiyayaal joogay looga saaray balse haatan kadib ay dadku u baahan yihiin guul maamul iyo kala dambeyn.

Guddoomiyaha Dalladda Haweenka Cogwo Marwo Batuulo Maxamed Mursal ayaa iyaduna xuskii loo qabtay Marxuum Ismaaciil Jimcaale ka hadashay “qof kasta oo bulshada wax u qabta sidan oo kale ayaa loo xusuusan doonaa, qofkii lug gooyana taariikhda waa qori doontaa, Alle ha u naxariisto Ismaaciil Jimcaale wax badan ayuu dadka dalka Soomaaliyeed u soo qabtay, sanad kastana waan u duceynaa”ayay tiri Batuulo Maxamed Mursal oo carrabka ku dhufatay in Xarunta loogu magac daray ay iyaduna dadaal xooggan gelisay sidii ay u diiwaangelin lahayd, isla markaana uga dhiidhin lahayd xadgudubyo badan oo dalka ka dhacay, “Maalin walba waxaan aragnaa ama maqalnaa baaqyo cabasho, digniin, codsi iyo wel wel muujin ah oo ay soo saartay Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha, waana uga mahadcelineynaa howshaas baaxadda leh ee ay bulshada u heyso xili aysan dalka dowlad awood leh oo shaqeysa ka jirin”ayay mar kale yiri Marwo Batuulo Maxamed Mursal.

Batuulo waxay ka hadashay xaaladda qirin-qiirka ee u dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo golaha Maxkamadaha Islaamka, waxayna xustay in xaalad wel wel leh ay ku nool yihiin dadka Soomaaliyeed, “Shalay (Jimcihii) waxay ahayd maalin farxad iyo murugo isku wadatay waayo Xamar waxaa ka socday socod nabadeed oo lagu muujinayay Muqdisho in ay tahay meel ammaan ah, dhinaca kalena waxaa la qabay cabsi dagaal, sidaas darteed anigu waxaan talo ku soo jeedin lahaa si dagaal qarxa loo baajiyo in aan ka hortagno isla markaana aan baaqyo soo saarno Adduunka iyo meel kastana aan u kala dirno”ayay tiri Guddoomiyaha COGWO Batuulo Maxamed Mursal oo hoosta ka xariiqday in Bulshada Rayidka looga baahan yahay in ay noqdaan kuwo uu doorkooda dhexdhexaad yahay.

Ugu dambeyntiina waxaa munaasabaddii xuska laga aqriyay dhambaal ay hay'adda Amnesty International u soo dirtay difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee ku sugan gudaha Soomaaliya, iyadoo xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Dr. Ismaaciil Jimcaale si gaar ah looga mahadceliyay isku dubaridka xuska maalinta Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed oo ku beegan 22 July, tiiyo ay gacan ka geysanayaan Hay'adda INXA iyo Ururrada Bulshada Rayidka ee Gobollada Dalka ku sugan.

Amnesty International waxay dhambaalkeeda tacsi ugu dirtay qoysaska dadkii ku naf waayay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo ay tiradooda boqolaal dhameyd, isla markaana isugu jiray Rag Dumar iyo Caruur.



Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

Hiiraan Online: The Most Trusted Somali Website


Add Comment-- View Comment 
13 comment(s) with
7 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online