Ugaasyada Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo heshiisyo colaad joojin ah kala saxiixday

Jimco, July 21, 2006 (HOL): Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif iyo Ugaas C/qaadir Ugaas xaashi (Fara-cadde) ayaa kala saxiixday Heshiis dhawaan ay ku gaareen deegaanka Maxaas Beelaha Xawaadle iyo Murusade oo bartimihii sanadkan dagaal ku dhax maray Deegaano ka tirsan gobalada Gal-gaduud iyo Hiiraan.
Heshiiska oo ay ka soo shaqeeyeen waxgarad iyo odayaal ka soo jeeda labada dhinac Islamarkaana hordhaciisa lagu qabtay magaalada B/weyn, ayay labada Ugaas si buuxda Qalinka ugu wadda duugeen heshiis kama dambeys ah oo laga gaaray Colaaddii labada dhinac,
Labada Ugaas oo intii ay socdeen kulamada Deegaanka Maxaas aan inta badan goob joog ka aheyn ayaa ugu dambeytii isla arkay Qodobada lagu heshiiyay, kaasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen.
Intii ay socdeen kulamada ayay labada dhinac si weyn iskula lafa-gureen wax-yabihii dhaliyay dagaaladii u dambeeyay, iyadoo meel layska dhigayo khilaafkii u dhaxeeyay labada Beelood wixii ka horeeyay Dagaalkii u dambeeyay ee dhacay, waxaana xusid mudan in si fudud labada dhinac uga gudbeen arimo marka dhan laga eego culeyskooda lahaa.
Qodobada laga wada hadlay isla markaana heshiiska laga gaaray ayaa waxaa ugu muhiimsanaa, Deegaanka, Isku Celinta hantidii la kala dhacay xiligii dagaalka, iyo waliba Magta dadkii ku geeriyooday dagaaladii dhacay oo si laysla wadda qaatay looga gudbay.
Labada Ugaas oo saxiixa Heshiiska kadib Hadallo kooban jeediyay ayaa waxaa ay ku wargeliyeen labada Garab in la dhowro qodobada laysku af-garatay layskana ilaawo waxyaabihii horay u dhacay, gaar ahaan waxaa ay si weyn ula dardaarmeen dadka Reer Miyiga ah oo inta badan lagu tilmaamo in ay yihiin kuwa soo kiciya Colaadda Beelaha.
Hay'adda Cilmi Baarista iyo wadda Tashiga Soomaaliyeed CDR xafiiskeeda Gobolka Hiiraan oo si weyn ugu lug laheyd sidii Colaadda loo dhameyn lahaa ayaa madaxeeda Ing. Max'med Xasan Kulmiye waxaa uu Hiiraan Online u sheegay in dhinacyada ka qeyb-galay kulanka ahaayeen kuwo waxyaabo badan tanaasulaad ka sameynaya, gaar ahaan waxaa farta ku fiiqay Waxgaradkii kulamada ka qeyb-qaatay oo ku tilmaamay in ay u muqdeen kuwo daacad ka heshiis buuxa oo la gaaro.
Ing. Kulmiye waxaa uu intaas ku daray in lagama maarmaan ay tahay in mar walba laga doorto colaad aan dhamaad laheyn in ugu yaraan la gaaro is af-garad, waxaana uu intaas ku daray in Hay'adda CRD ay diyaar u tahay ka qeyb-galka wax kasta oo keeni kara nabad la gaaro.
Beelaha hadda heshiiska gaaray ayaa ah kuwo ood wadaag ah, isla markaana deegaan ahaan iyo daaqis ahaanba is dhexmara, waxaana xusid mudan in beelaha sidaa oo kala ah markiiba heshiiskoodu najaxo, iyadoo loo nisbeynayo is-dhexmarka labada Bulsho, gaar ahaan reer Guuraaga oo ah kuwo aan warba u heyn heshiisyada la gaaro.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
|