Wararka Maanta(Qeyb Labaad- Axad 16, 2006










· XUSKA SANADGUURADA KOOWAAD EE MARXUUM C/QAADIR YAXYE OO MAANTA MUQDISHO LAGU QABTAY (Marxuum C/qaadir Yaxye nin ceynkee ah buu ahaa?)
· Xarunta Dowladda Federaalka oo ay ka bilaabatay Hadal heynta Saamigii la siin lahaa Maxaakiimta Islaamka
· Suudaan iyo Jaamacadda Carabta oo ka carooday dib u dhaca Shirka Khartoum ee Dowladda Federaaka iyo Maxkamadaha Islaamka
  Maxkamadaha Islaamka oo olole Madax Xiirid ah ka bilaabay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho












XUSKA SANADGUURADA KOOWAAD EE MARXUUM C/QAADIR YAXYE OO MAANTA MUQDISHO LAGU QABTAY (Marxuum C/qaadir Yaxye nin ceynkee ah buu ahaa?)


Axad,July 16, 2006(HOL): Munaasabad lagu xusayay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii ay gacan ka gar-daran Muqdisho ku dhisay C/qaadir Yaxye Cali ayaa maanta lagu qabtay Hotelka Naasa-Hablood ee magaalada Muqdisho, iyadoo xuskaasina ay ka qeybgaleen mas'uuliyin ka socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Dadkii xuska isugu tegay ayaa waxay ahaayeen kuwo aqoon fiican u lahaa marxuumka, waxayna qaar ka mid ah oo hadlay ay ka warbixiyeen ceynka uu ahaa marxuum C/qaadir Yaxye oo 11-kii July sanadkii hore lagu dilay xaafadda Buulo Xuubeey ee magaalada Muqdisho.

Kadib markii aayado qur'aan ah lagu furay munaasabadda xuska marxuumka ayaa waxa cod baahiyaha lagu wareejiyay Ku simaha Agaasimaha CRD Inj. Xasan Shiikh oo ku dheeraaday ka hadalka marxuum C/qaadir, wuxuuna xusay in C/qaadir ahaa shakhsi la xusuusto wax badan oo wanaag ah, isla markaana ahaa nin qabyaaladda si weyn uga soo horjeeday, "C/qaadir mar kasta wuxuu dhihi jiray marka uu shirarka caalamiga ah ka qeybgelayo dadka Soomaaliyeed iyaga ayaa danahooda yaqaana ee ha loo daayo, wuxuu ahaa nin shaqaalaha Hay'adda CRD si wanaagsan ula macaamila oo aan u kala soocin kanaa sareeya iyo kanaa hooseeya, marka uu dibadda ka soo laabto wuxuu shaqaalaha dhamaantood u keeni jiray hadiyado isku mid ah, waxyaabaha cajiibka ah ee lagu xusuusto waxaa ka mid ah in uu shaqaalaha kala sheekeysan jiray haddii ay shaqada ku badan tahay, haddii ay dhibaato kala kulmaan iyo weliba haddii dhinaca aqoonta laga heysto"ayuu yiri Inj. Xasan Shiikh oo carrabka ku dhuftay in haatan la qorsheynayo in la sameeyo sanduuq dhaqaale lagu uruurin doono, kaasi oo lagu saacidi doono cid kasta oo garab qabasho u baahan, gaar ahaan dadka waxbaranaya ee aan dhaqaale ahaanta awoodin.

Inj Xasan Shiikh waxaa uu sheegay in marxuum C/qaadir ay halku dhig u ahayd in dadka la xiriiriyo in danaha dadka Soomaaliyeed laga shaqeeyo, "sidaas darteed waxaa nalooga baahan yahay in aan sii wadno wixii wanaag ahaa ee uu C/qaadir wadi jiray"ayuu mar kale yiri Inj. Xasan Shiikh oo sheegay in xusas marxuumka loo qabtay ay 11kii bishan ka dhaceen magaalooyinka Garowe, Hargeysa iyo Nairobi, iyadoo 15-kii bishan xus loogu dhigay Magaalada London ee dalka Britain.

C/llaahi Maxamed Shirwac oo Guddoomiye ka ah Hay'adda Tubta Nabadda (Peace Line), isla markaana C/qaadir Yaxye saaxib la ahaa ayaa ka faaleeyay waxyaabihii uu ku yaqiinay marxuumka, "C/qaadir waxaa uu ahaa nin leh karti uu qofka wax kaga dhaadhicin karo,yacni qof gaari kara waxa uu rabo. Maalin annaga oo wada joogna Nairobi ayaa waxaan la kulannay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Francois Lonseny Fall oo ku cusub xafiiska Soomaaliya ee loo soo xil saaray.

Ambassador Fall waxaa uu qabay fikir ah in dowladda Federaalka ay kala tagsan tahay, rajada Soomaaliyana ay xun tahay, hayeeshee C/qaadir Yaxye Alle ha u naxariistee waxaa uu dood dheer kadib ka dhaadhiciyay in dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo xiligaas khilaaf xooggan uu u dhaxeeyay, isla markaana labo magaalo kala degtay ay ugu dambeynta heshiin doonto, balse waxa loo baahan yahay ay tahay in la caawiyo dad is-xilqaamay oo u ololeynaya nabadeynta Magaalada Muqdisho oo berigaas maleeshiyooyin xareeyay, C/qaadir naxariisti Janno alle ha siiyo wuxuu u dhintay wax uu aaminsanaa"ayuu yiri Shirwac oo intaas ku sii daray, "qofka mar buu dhimanayaa waxaase loo baahan yahay in uusan fikirkiisa la dhiman".

C/llaahi Maxamed Shirwac waxaa uu nasiib wanaag ku tilmaamay in reer Muqisho ay maanta heystaan wixii uu C/qaadir Yaxye u ololeyn jiray oo ahaa nabad, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo baahan yahay in dadka nabadda iyo xuquuqda adanaha u ololeynaya in ay ku dadaalaan sidii loo sii adkeyn lahaa neecaawda nabadeed ee la helay, "Soomaaliya maanta uma baahna dhibaato kale iyo ciidamo ay dhibsanayaan, dhibaato wixii aan geysanay ayaan noogu filan, sidaas darteed qof walba waa in uu ku dadaalaa sidii uu uga qeybqaadan lahaa soo celinta nabaddii iyo kala dambeyntii iyo weliba arrin kale oo muhiim ah oo ah in aan caruurta waddooyinka daadsan ka xanaaneyno, isla markaana aan waxbarasho iyo nolol u saamaxno"ayuu hadalkiisa ku soo gebagebeeyay C/llaahi Shirwac.

Faarax Shiikh C/qaadir oo ku hadlay magaca saaxibadii marxuum C/qaadir Yaxye ayaa isagana wuxuu ka hadlay waxyaabihii laabtiisa ka go'i waayay ee uu ku yaqiinay, "Saaxibada C/qaadir waxay ahaayeen kuwo aad u kala duwan, wuxuu ahaa nin cid kasta la saaxib ah, weligey ma arkin isagoo ay cid is-heystaan, waxaan leeyahay kuwii dilay C/qaadir Yaxye ma ahayn kuwo yaqaanay ee haddii ay aqooni lahaayeen waxay noqon lahaayeen saaxibo, C/qaadir calool ku qaad iyo cuqdo ma lahayn, run ahaan C/qaadir waa la tebay, balse waxaa nasiib wanaagsan in dhabihii uu ku socday aan weli ku socono"ayuu yiri Faarax Shiikh C/qaadir.

Marwo Shamso Cabdulle Butugey oo ku hadashay Magaca Haweenka Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sheegtay in marxuumka uu wax badan u soo qabtay haweenka ganacsatada ah, iyadoo tilmaantay in uu u agaasimay shirar badan oo heer caalami ah oo ay haweenka ganacsatada faa'iido badan ka heleen, "wuxuu tusay caalamka in aan cod leenahay, dad jirana aan nahay, weli waa noo dhiman yahay wiil C/qaadir oo kale ah, alle ha soo aruuriyo ayaan leenahay"ayay tiri Shamso Cabdulle Butugey oo intaas ku sii dartay "Haweenka Ganacsatada Gobolka Banaadir iyo kuwa Webi Shabeelle waxaan dhihi karaa C/qaadir wax badan ayuu u qabtay, la taliye-na wuu u ahaa marka aan dib u eego sidii uu xaaladdeena ula socday, talooyinkana uu noo siin jiray.

Avv. Cumar Cabdulle Dhegeey oo ah xiriiriyaha Hay'adda INXA, kana mid ahaa saaxibadii C/qaadir ayaa mar uu hadalkiisa xuska jeedinayay waxaa uu carrabka ku dhejiyay in uu C/qaadir ahaa qof marka uu shirarka caalamiga ah ka qeybgelo ka hadla waxyaabaha ay Soomaali u baahan tahay, wuxuu ahaa nin barnaamijyada nabadda ka hadla una ololeeya, "wuxuu difaaci jiray saaxibkeen Alle ha u naxariistee in ay Shacabka Soomaaliyeed iyaga nabadda la yimaadaan, waxayna ahayd nabaddii uu C/qaadir daba taagnaa nabad la macneeyay oo ah in qofku xor yahay, isla markaana aan lagu xad-gudbi karin xoriyaddiisa shakhsiga ah, naftiisa iyo maalkiisa"ayuu yiri Cumar Dhegeey.

Shiikh Yaxye Shiikh Cali oo ah Aabaha dhalay marxuum C/qaadir Yaxye ayaa isna munaasabadda xuska wiilkiisa laga siiyay in uu ka jeediyo hadal ku aadan taariikhdii barbaarineed ee wiilkisa, " Waxaan u mahadcelinaa marka hore inta xuskiisa isugu timid iyo inta soo qaban qaabisay, waxaan leeyahay Ilaahow waa ii roonaaye janatul firdowsa sii, dad badan ayuu iiga tegay, waana dhaqanahay, wuxuu dhalay 9 caruur ah (shan wiil iyo afar gabdhoow" ayuu yiri Shiikh Yaxye oo ka sii faaleeyay taariikhdii wiilkiisa.

"C/qaadir waxaa uu ku dhashay Degmada Wardhiigleey, gaar ahaan Xaafadda Xarar-yaale, wuxuu dhashay habeen ciid carafo ah oo weliba 10aad ah, waxaa soo korisay ayeeydiis Faadumo Xasan naxariistii Janno alle ha siiyo, kadibna wuxuu ku wareegay Abtigiis Axmed Iimaan Xalane oo ka mid ahaa 10 Wadaad oo ay Dowladdii Mileteriga toogan jirtay, aniga waxaa la ii keenay isagoo class-ka 3aad ee dugsiga hoose ah, intii ka dambeysayna aniga ayuu ila noolaa, hiwaayaddiisa waxay ahayd Isboortiga, dhinaca fanka heesaha wadaniga ah ayuu aad u jeclaa, meeshaas waxaa ii soo baxday haddii aan dib u xusuusto sidii uu heesaha wadaniga ah u jeclaa in uu wiilkeyga Wadani ahaa" ayuu yiri Shiikh Yaxye Cali Cibaar oo caddeeyay in haddii uu maanta baroorto uu noqonayo nin ku caasiyay Allihii abuurtay, sidaas darteedna uu wiilkiisa Alle uga baryayo in uu Janadii Firdowsa ahayd ka waraabiyo.

Intaas kadib waxaa cod baahiyihii lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamuud Xasan Cali Gaabow (Cadde)oo sheegay in habeenkii la dilayay C/qaadir ay kala tageen shan saac oo habeenimo, isla markaana ay maalinta meydkiisa la aasayo ay isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka gurigiisa qado ku lahaayeen.

"Anigu waxaan ku jiray dadkii uu ka geeriyooday C/qaadir Yaxye, walaalkeen dalka iyo dadka wax badan ayuu u soo qabtay taariikhda ayaana xusi doonta, hayeeshee waxaan kula dardaarmaa saaxibadiisa Hay'adda CRD in ay howshiisii sii wadaan"ayuu yiri Cadde Gaabow oo dhanka kale ka hadlay is-bedelka ka dhacay Magaalada Muqdisho.

"Dabeyl ayaa timid meel ay gaari doontase Allaa og, haatan hubkii magaalada yaaci jiray ma jiro, mana lagu wadan karo sida aan la wada socono hub aanan ahayn midka Maxkamadaha, ka warama haddii la dhihi lahaa dhaqaale hub ka dhigis lagu sameeyo ha laga sugo caalamka imisa ayaa la sugi lahaa, imisa ayaase ku bixi lahayd, waxaa dhamaanteed na looga baahan yahay in aan Allaah ku shukrino" ayuu mar kale yiri Cadde Gaagow oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay ka faa'iideystaan fursadda ay heystaan, isla markaana loo naxariisto Umadda dhibtootay.

Haddaba waxaa is-weydiin leh C/qaadir Yaxye CRD ka hor muxuu ahaa?

Alle ha u naxariistee C/qaadir Yaxye oo Muqdisho ku dhashay sanadkii 1958-kii wuxuu soo qabtaa intii uu noolaa shaqooyin iyo xilal kala duwan, isagoo ka shaqeeyay Hay'ado kala duwan oo isugu jira kuwo wadani ah iyo kuwo caalami ah intaba. Shaqooyinkii uu soo qabtay ayaa ahaa kuwo ka tarjumayay baahida dhabta ah ee Bulshada Soomaaliyeed, sida Nabadda, Dib u heshiisiinta, Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, Kobcinta Dhaqaalaha iyo habka Dowlad Wanaaga.

Hay'adihii uu ka soo shaqeeyay waxaa ka mid ahaa Wasaaraddii Beeraha ee Soomaaliya xiligii Dowladdii Mileteriga, wuxuu ka shaqeeyay Safaaraddii Mareykanka ku lahayd Soomaaliya, wuxuu ka shaqeeyay Xafiiskii Siyaasadda iyo Dhaqaalaha ee UnosomII iyo weliba Midowga Yurub. Hay'adaha uu Marxuum Yaxye ka shaqeeyay waxaa kale oo ka mid ah Hay'adda DBG (Diakonia Bread for the World Germay, Hay'adda Caalamiga ah ee WSP iyo kuwo kale.

Marxuum C/qaadir Yaxye waxaa uu ahaa maskaxdii ka dambeysay aas aasida Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga CRD, taasi oo uu ka noqday Agaasime, isagoo dhanka kalena ka tirsanaa guddiyada sare ee Xarunta Nabadda Elman iyo Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.

Waxaa jiro oraahyo maanta bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda caan ka ah oo laga xigtay marxuumka, kuwaasi oo uu ku tilmaamayay jidka horumarka iyo nabadda, kagana digayay dhibka iyo fowdada, "Ma jiro qof go'aansaday ama doortay qowskiisa ama qabiilkiisa, haddaba maxaan iskugu dileynaa qabyaaladda"ayaa ka mid ahayd oraahyadii marxuumka oo mar kale laga hayo in uu yiri "Waa dowladdii waxa guuldareystay ee ma ahan shacabka Soomaaliyeed", isagoo xiligaasina dhiirigelinayay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan mar ay fashilantay Dowladdii Carta.

Jabriil Ibraahim Cabdulle, Agaasimaha CRD oo marxuumka si aad ah u yaqiinay ayaa ku sifeeyay in uu ahaa muwaadin naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u ololeynta danta guud ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed, lahaana hadaf fog oo ku qotomay horseedida sidii dhibka Soomaalida looga saari laha, iyadoo la isticmaalayo maskax cafimaad qabta oo arki karta cudurka, kadibna dowladdii ku habooneyd, "wuxuu ahaa C/qaadir nin ku xiran bulshada oo danta Qaran ka hormariya wax kasta, wuxuu ka xishoon jiray in uu dantiisa gaarka ah ka hadlo"ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Ugu dambeyntiina, markii laga faaleeyay taariikhdii Marxuum C/qaadir Yaxye, isla markaana la daawaday filim si documentry ah loo soo diyaariyay oo taariikhdiisa soo koobayay ayaa waxaa soo if-baxday in marxuumka uu ahaa shakhsi u doodi jiray Shacabka Soomaaliyeed, weliba xili ay aad baahi ugu qabaan in codkooda banaanka la soo dhigo, waxaana hubaal ah in uusan kaliya ka dhiman inta samaha jecel balse xitaa kuwii dilay ay tebi doonaan waayo wuxuu ka shaqeynayay dantooda oo ah gaaridda nabad iyo horumar.




Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Xarunta Dowladda Federaalka oo ay ka bilaabatay Hadal heynta Saamigii la siin lahaa Maxaakiimta Islaamka

Axad, July 16, 2006(HOL): Xarunta KMG ah ee Dowladda Federaalka ayay maalmahaan ka bilaabatay hadal heynta saamigii dowladda laga siin lahaa Maxaakiimta Islaamiga, iyadoo ay soo baxayaan fikrado kala duwan oo ay kala qabaan xubnaha Dowladda Federaalka.

Qaar ka mid ah xubnaha Baarlamaanka ayaa soo jeediyay in marka ay timaado gorgortan dhexmara dowladda iyo Maxaakiimta ay noqoneyso in Maxaakiimta la siiyo xilalkii ay baneeyeen Wasiirradii hubeysnaa ee ka tirsanaa Isbaheysiga La-dagaalanka Argagixisada, walow ay jiraan fikrado kale oo taas ka duwan oo ay qabaan qaar kale oo ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka oo soo jeediyeen in howsha ay qabteen Maxaakiimta Islaamiga ay ku istaahilaan in la siiyo 61-ka xubnood oo uu ku jiro Ra’iisal Wasaaraha ee ay Dowladda Federaalka ku leeyihiin beelaha Hawiye, waxayna tahay fikraddani mid ay qabaan beelaha kale ee ku jira Dowladda Federaalka.

Qaar kale oo ka mid ah xubnaha Dowladda Federaalka ayaa aaminsan in Maxaakiimta Islaamigu aaney ahayn kuwo xitaa aan ku qanceynin in bar laga siiyo dowladda Federaalka, isla markaana ay yihiin kuwo doonaya in ay majoxaabiyaan dowladda Federaalka, waxaana fikraddan la wadaaga xubnahan Baarlamaanka qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo si weyn uga cararaya in ay Maxaakiimtu ka mid noqdaan Dowladdooda, taasoo la sheegayo in ay ugu wacan tahay in ay marka hore qaarkood ku weynayaan kuraastooda, sidoo kalena ay yihiin kuwo cadawtinimo gaar ah u qaba madaxda dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah xubnaha Dowladda, gaar ahaan kuwii u codeeyay in dalka la keeno ciidamada dalalka safka hore.

Warar kuwaas ka duwan ayaa sidoo kale sheegaya in gorgortan siyaasadeed aanu marna dhex imaan karin dowladda Federaalka iyo golaha maxaakiimta, taasoo lagu sababeynayo in maxaakiimtu ay yihiin kuwo doonaya in xitaa la bedelo Calanka Buluugga ah, inkastoo ay mas’uuliyiinta Maxaakiimtu ay yihiin kuwo mar kasta sheega in aanu halgankoodu ku jiheysneyn xukun raadis, balse ay yihiin kuwo u istaagay soo celinta nabadgelyada Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Suudaan iyo Jaamacadda Carabta oo ka carooday dib u dhaca Shirka Khartoum ee Dowladda Federaaka iyo Maxkamadaha Islaamka

Axad, July 16, 2006(HOL): Warar laga helay ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegaya in dowladda Suudaan iyo Jaamacadda Carabta ay ka caroodeen dib u dhaca shirka Khartoum ee ka yimid dhinaca Dowladda Federaalka, iyagoo la sheegay in ay dood kulul ka keeneen codsigii dib u dhigista Shirka ee uga yimid madaxweynaha Dowladda Federaalka.

Sidoo kalena waxay aad uga caroodeen wafdigii ay Golaha Maxaakiimtu u dirsadeen ka qeybgalka wada hadallada Khartoum, iyagoo ahaa kuwo uu heerkoodu aad u hooseeyo, halka ay ka filayeen in ay madaxda Golaha Maxaakiimtu, gaar ahaan Guddoomiyaha Golahaas Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu isagu soo hoggaamin doono Wafdiga ka qeybgelaya kulanka la sugayo in uu mar kale Suudaan uga furmo Dowladda Fed-eraalka iyo Golaha Maxaakiimta.

Madaxweynaha Suudaan Jen. Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa la soo weriyay in uu aad uga xumaaday ballan ka baxa labada dhinac ee ay mid kaga baaqatay shirka, halka dhinaca kalena uu soo dirsaday wafdi aan ahayn kuwii ay horay ugula balameen in ay yimaadaan kulanka soo socda.

Dhanka kalena, wararka ka imaanaya Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya oo ay ku taalo Xarunta Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa sheegaya in todobaadkan ay xubnaha Golaha Ammaanka Afrika halkaasi kaga wada hadli doonaan sidii loo dhaqaajin lahaa ciidamo deg deg uga howlgala gudaha Soomaaliya. Wararku waxay sheegayaan in Golaha Ammaanka uu qorsheynayo in ciidamo aan ahayn kuwii horay loogu qorsheeyay in loo soo diro Soomaaliya ay u soo dhaqaajinayaan dhinaca Soomaaliya, inkastoo aan warkan si buuxda weli loo xaqiijin.

Arrintan ayay wararku sheegayaan in ay ka dhalatay Dowladda Suudaan oo sheegtay in aaney xiligan iyo xaaladda ka taagan Soomaaliya aaney ciidamo ka socda dalkeeda u soo diri donin gudaha Soomaaliya, iyadoo ay dhawaana Dowladda Uganda sheegtay in ay ka fiirsanayaan ciidamadii ay u soo diri lahaayeen Soomaaliya, iyagoo sheegay in marka hore loo baahan yahay is-faham ka yimaada qeybaha isaga soo horjeeda Soomaaliya ka hor inta aaney ciidankooda u soo amba bixin Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maxkamadaha Islaamka oo olole Madax Xiirid ah ka bilaabay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Axad, July 16, 2006(HOL): Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ayaa maalmihii tegay ka bilaabay degmooyinka Madiina iyo Dayniile olole madaxa looga xiirayo dhalinyarada xaafadahaas, gaar ahaan kuwa ay u arkaan in uu madaxooda u xiiran yahay qaabka dhalinyarada Reer Galbeedka.

Maleeshiyooyinka Maxkamadaha ayaa goobo ay kaga sugan yihiin deegaanadaas la arkayay iyagoo sakiin u qaadanaya in ay hool hoolaan timada dhalinyaradaas, halka qaarkoodna la sheegay in ay siinayeen lacag gaareysa 4 kun shillin Soomaali ah oo ay farayeen in ay madaxa isaga sii wada xiiraan kadib marka ay ka hool hoolaan.

Dhalinyarada xaafadahaas ayaa la soo weriyay in ay bilaabeen in ay ka dhuuntaan ama ay ka cararaan marka ay arkaan maleeshiyada Maxaakiimta, iyadoo sidoo kale jirtay in la karbaashayay haweenka xiran goonooyinka, inkastoo ay xirnaayeen jalaabiibka ay haweenka isku asturaan.

Sidoo kalena waxaa la soo weriyay in ay ciidamo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga ay dadweynaha deegaanka Afgooye uga digeen in ay xusaan caado dhaqameedka loo yaqaano is-tunka, halka la sheegay in qaar ka mid ah beelaha u badan Waqooyiga Muqdisho lagu wargeliyay in aaney sanadkan tegi karin isu imaatinka loogu yeero Sanada, kuwaasoo ay ku tilmaameen in ay yihiin caado dhaqameed aan la aqbali karin oo ka soo horjeeda Shareecada Islaamka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2006 Hiiraan Online