Hiiraan online - News and information about Somalia
 HyperLink HyperLink  HyperLink     

 

 

Xaflad lagu xusayay Maalinta Xuquuqda Banaanbax looga soo horjeeday ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya galay oo maanta Muqdisho ka dhacay Warbixin iyo Sawirro


Isniin, July 24, 2006 (HOL): Banaanbaxan oo ay ka qeybgaleen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa Maanta waxaa uu ka dhacay Garoonka Kubada Cagta Conis ee Degmada C/Casiis.

Banaanbaxan oo ay soo qaban qaabiyeen Golayaasha kacdoonka Shacabka iyo midka Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa ka qeybgalay mas'uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo uu horkacayay Guddoomiyaha Guddiga Fulinka Shiikh Shariif Shiikh Axmed, sidoo kale waxaa ka qeybgalay abwaanno ay ka mid ahaayeen Abshir Nuur Faarax Bacadle iyo Xuseen Guure.

Markii abwaaniintii banaanbaxa ka qeybgashay ay jeebiyeen tixahoodii ay ku cambaareynayeen, isla markaana ay hadleen mas'uuliyiin kale oo ka socotay Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Maxkamadaha Islaamka ayaa waxaa cod baahiyaha lagu soo dhaweeyay Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo Golaha Maxkamadaha u qaabilsan dhinaca Ammaanka, wuxuuna Abuu Mansuur qudbaddiisa si kulul ugu weeraray Dowladda Itoobiya oo uu sheegay in ay dooneyso in ay dalka Soomaaliya xoog ku qabsato.

Shiikh Roobow wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay isku ogyihiin in ay ammaankooda sugaan, isla markaana ay u soo celiyaan adeegyadii dadweynaha, gaar ahaana loo furo dekedda iyo garoonka diyaaradaha Muqdisho, “Itoobiya iyO C/llaahi Yuusuf waxay ka xun yihiin dekedda iyo garoonka aan furnay iyo nabadda aan Muqdisho ka hirgelinay, Itoobiya waxaan leenahay dalkeena idiinma rabno ee nooga baxa”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow

Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa kale oo uu intaas ku daray in aaney yeeli doonin in Itoobiya ay gobollada Bakool iyo Bay ay ka dhigato Kilinka shanaad iyo kilinka lixaad, “haddii aad dalka nooga bixi weysaan waxaa halkaan diyaar noogu ah ciidamo mujaahidiin ah oo haddii ay shahiidaan soo carfaya sida aad u soo urtaan haddii aad baqtisaan, sidoo kale waxaa diyaar noo ah dad janno u cararaya sida aad idinku naarta ugu carartaan”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow.

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa isna hadlkaas ka hadlay wuxuuna sheegay in markii ay dadka soomaaliyeed bilaabeen in ay wax qabsadaan oo ay amnigii sugteen, dekeddii iyo garoonkiina furteen in la yiraahdo waxaa joogta argagixiso, iyadoo taasina looga gol leeyahay in aaney xasilin xaaladda Soomaaliya, waxaan leenahay dadkani wuu sii wadanayaa nabadda uu hirgashaday, waxayna isu qeybin doonaan kuwo dalkooda difaaca iyo kuwo sii wada howsha adeegga bulshada ah ee shacabka lo ohayo”ayuu Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in Shacabka Itoobiya uusan raali ka wada ahayn in la dulmo dadka soomaaliyeed isla markaana dalkooda la qabsado, “3 Milyan oo Tigree ah oo Waqooyiga Itoobiya jooga ayaa hormuud u ah ciidamada soo galay Soomaaliya, inta badan Shacabka Itoobiyana waa kuwo dulman oo xaqoodii la duudsiiyay”ayuu yiri Shiikh Shariif oo sheegay in Itoobiya soo galay Soomaaliya uu madax u yahay nin wax ku soo bartay Dhaqaalaha Soomaaliya oo uu Meles Zenawi ula jeeday, isagoo dhinaca kalena farta ku fiiqay in Ciidamada Itoobiya ay la safan yihiin kuwo kale oo la soo kireystay, kuwaasi oo uu sheegay in uusan dooneyn in uu caddeeyo cidda ay yihiin.

“Waxaan u sheegeynaa Shacabka Itoobiya in aan Meles Zenawi gacan lagu siinin dulmiga lagu sameynayo deriskiisa, Qowmiyadda Tigreegana waxaan u sheegeynaa ku laabta dhulkiina oo kala garta xabadda meesha aad ku rideysaan”ayuu mar kale yiri Shiikha.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaa laga rabaa in ay is-cafiyaan, alle ka cabsiga badiyaan, isla markaana ay u diyaargaroobaan in ay iska difaacaan cadawga ku soo duulay”ayuu yiri Shiikh Shariif oo carrabka ku adkeeyay in mar kasta uu xaqa adkaan doono, kuwa baadilka wadana laga awood roonaan doono.

Shiikh Shariif waa uu sii hadlay waxaa uuna sheegay “waxaan wada hadalka u fureynay oo nabadda aan u raadineynay oo dowladda aan u aqoonsaneynay ujeedadeena waxay ahayd in aan dalkan laga faa'iideysan oo ay amxaaro soo gelin, soomaali wada hadasho, isla markaana ay meel wada dhigato”ayuu yiri Shiikh Shariif oo ku cel celiyay in ay mar walba diyaar u yihiin wada hadal iyo nabad in wax walba lagu dhameeyo.

Intaas kadib Shiikh Shariif waxaa uu la dardaarmay dadka Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay in nabadda sii adkeeyaan, isla markaana ay soo sheegaan dadka nabadda ka soo horjeeda ee ay dhici karto in ay magaalada ku dhuumanayaan, wuxuuna caddeeyay in maxkamadaha ay diyaar u yihiin in ay shacabka kaalmeeyaan. “Dadku waxay u baahan yihiin nidaam iyo kala dambeyn, dad badan ayaad moodeysaa in ay aad u deg degsan yihiin, runtii in maamul la dhiso waxay u baahan daraasaad dheer, aqoonyahanno badan oo qiimeyn ka bixiyay fashilladii ku dhacay halgannadii hore waxay sheegeen in ay sabab u ahaayeen aqoon darro maamul, hayeeshee waxaan idiin xaqiijinayaa in howshaas maamul u sameynta aan ku guda jirno, haddii Alle idmana aan dhaqsi ku soo bandhigi doono”ayuu yiri Shiikh Shariif oo intaas ku daray in loo baahan yahay in kalsooni la helo, in aad loo wada shaqeeyo.

Shiikh Shariif waxaa uu ka hadlay arrin uu muhiim iyo cadaalad u arkayay, taasi oo ah guryaha iyo beeraha la kala heysto, “guryaha lagu jiro waa in laga baxaa, beeraha dadka oo la heystana waa in laga baxaa, maxaa yeelay cadaalad ayaa loo baahan yahay, waxaad ogaataan Soomaali oo dhan maanta idinka oo caasimaddii degan ayay idin soo eegeysaa, waxa la idinka rabana waa in cadaaladdii ay shaqeyso”ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Ugu dambeyntiina gunaanadkii Banaanbaxa ayaa waxaa gudaha Garoonka Kubadda Cagta Conis Stadium lagu gubay Calamka Itoobiya, iyadoo halkii lagu gubayayna ka xaadireen dad muujinayay naceybka ay u qabaan Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo ku istaagayay Calankii Itoobiya oo gubanaya.







Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia

Hiiraan Online: The Most Trusted Website

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online