Hiiraan online - News and information about Somalia
`
HyperLink HyperLink HyperLink








 

 

Mashruuca Dhismaha Dekadda LASQORAY

Ottawa, July 11 (HOL) - Kulan ay soo qabanqaabisay hay’ada Sahan Releif & Development Organization ayaa  ka dhacay July 01, 2006 magaalada Ottawa ee dalkan Canada.

Shirkan oo ku saabsanaa mashruuca dekeda (jetty) ee Laasqoray oo ay hawsheeda wado hay’ada Horn Relief oo ah hay’ad wadani ah oo xarumo badan ku leh meelo badan oo ka tirsan wadanka Soomaliyeed iyo magaalada Nairobi. Kulankaas oo ahaa mid si heersare ah loosoo agaasimay ayaa waxaa kasoo qaybgalay dad fara badan oo ka kala socday bulshada reer Ottawa.

Waxaa halkaas warbixin aad u wanaagsan ka soo jeedisay madaxa hay’ada Horn Relief Degan Cabdiraxman oo kawarbixisay hawlaha guud ee ay hay’adu qabato iyo weliba mashruuca dekeda Laasqoray.

Sidoo kale waxaa isla shirka ka hadashay Fadumo Jibriil oo ah asaasihii hay’ada Horn Reilef horena u ahaan jirtay madaxa hay’ada ayaa Hiiraan Online uga warantay  mashruuca dekeda (jetty) Laasqoray. Fadumo waxa ay sheegtay in dekedani ay noqondoonto mashruuc ay kawada faaiidaysan doonaan dadka degan gobollada ku dhow dhow Laasqoray iyo dhamaan bulshada Soomaaliyeed. Mashruucan dekeda waxaa maamuli doona dad aqoon iyo khibrad u leh maamulka iyo maaraynta dekedaha, waxaana uu ahaan doonaa mid ka madax banana siyaasadaha wadankan ka jira.  Waxaa kale oo ay intaa ku dartay in labada maamul ee Puntland iyo Somaliland ay labaduba taageersan yihiin mashruucan oo ay u arkaan mid wax wayn u tari doona dhamaan dadka degan degaanadaas.

Dhamaan dadkii ka soo qayb galay shirkan ayaa waxay aad ugu amaaneen hay’ada Horn Relief hawsha aay ka wado Somalia iyo sida hagar la’aanta ah oo ay had iyo jeer diyaarka ugu yihiin waxtarka iyo wax qabadka bulshada.

Mar Hiiraan Online ay waxka waydiisay in hay’ada Horn Relief wax mashaariic ah ka wado gobollada kale ee Soomaaliyeed gaar ahaan koonfurta Soomaliya, waxa ay Fadumo ku jawaabtay in ay hada ka wadaan mashaariic meelo badan oo ka tirsan gobollada koonfureed ee Somalia. Waxay hadlkeedi sii raacisay in hadii uu mashruucan dekeda Laasqoray uu hirgelo ay ka kaalmeen doonto dhisida dekeda yar yar oo ku yaala koonfurta Soomaaliya.

Ugu danbeeyntii sida ay noo sheegaan madaxda Horn Relief waxa ay ka codsanayaan dhamaan bulsha waynta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba in ay gacan ka gaystaan mashruucan dekeda Laasqoray. Waxa kale oo ay intaa ku dareen  in ay safaro ku mari doonaan Toronto iyo qaybo badan oo ka mid ah wadankan Maraykanka.

Haddii aad jeceshahay inaad ka qayb qaadato mashruuca Dekkedda (Jetty) Lasqoray, waxaad la xiriiri kartaa: Agaasinka Hay'adda Samafalka ee Horn Relief - Deggan Ali - E-mail: [email protected]. Magaalada Ottawa kala xiriira e-mailka: [email protected]

Hiiraan Online


Add Comment-- View Comment 
46 comment(s) with
85 replies.



   

   

Hiiraan Online 

Contact:[email protected]
Copyright © 1999-2006 Hiiraan Online