Wararka Maanta - Talaado- Jan. 31, 2006










· Ra'iisal Wasaare Geedi oo si cad u sheegay in ay Guddoomiyaha Baarlamaanka isku af-garan waayeen in kulanka Baarlamaanka Baydhabo lagu qabto
· Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay Ra'iisal Wasaare Geedi ka qanciyaan waxa uu ka boodsan yahay
· Maxamed Dheere oo booqasho ugu tegay Ciidamada ku xareysan Xerada Koongo ee duleedka Magaalada Jowhar
·












Ra'iisal Wasaare Geedi oo si cad u sheegay in ay Guddoomiyaha Baarlamaanka isku af-garan waayeen in kulanka Baarlamaanka Baydhabo lagu qabto

Talaado, January 31, 2006(HOL): Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyeed Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa sheegay in Guddomiyaha Baarlamaanka uu ku madax adeygay in uu kaligiis isaga dhawaaqo in kulanka Baarlamaanka uu ka dhaco magaalada Baydhabo ujeeddo kasta oo uu ka lahaa.

Ra'iisal wasaaraha ayaa hadalkan maanta waxaa uu ka sheegay shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Jowhar kadib kulan ay albaabada u xirnaayeen oo uu la yeeshaya Xubnaha labada gole ee Jowhar.

Sida ka muuqatay hadalkiisa Ra'iisal wasaaraha raali kama ahan in kulanka Baarlamaanka lagu qabto magaalada Baydhabo, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kulamo ay sheegeen isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku soo jeediyay in aan ku dhawaaqista lagu deg degin oo marka hore wada tashiyo lala sameeyo dhamaan xildhibaanada Baarlamaanka Sooomaaliyeed ee ku kala sugan gobollada Dalka.

"Sida aan soo jeediyay wuxuu qorshuhu ahaa in aan gobollada dalka soo mar marno, guddoomiyahana uu wada tashiyo la soo sameeyo Xildhibaanada uu Guddoomiyaha u yahay, kadibna aan Annaga oo wada socona u soo noqono Madaxweynaha dabadeedna si wada jir ah loogu dhawaaqo kulanka Baarlamaanka”ayuu yiri Prof. Geedi.

Hayeeshee wuxuu caddeeyay Prof. Geedi in uu soo jeedintiisaas ka madax adeygay Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sida uu yiri jeclaa in uu kaligiis ku dhawaaqo halka uu kulanka Baarlamaanka ka dhacayo oo ah magaalada Baydhabo.

Prof. Geedi waxaa uu caddeeyay in sababta uu u diidayo in magaalada Baydhabo lagu qabto kulanka Baarlamaanka ay tahay iyadoo aaney magaalada ammaan ahaan sugneyn, isla markaana ay tahay meel aan lagu aamini karin Madaxweynaha, Ra'iisal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuuna carrabka ku dhuftay in uusan magaalada Baydhabo sharcinimadeeda diidaneyn.

Ra'iisal Wasaare Geedi oo la weydiiyay sababta uu u diidayo in kulanka Baarlamaanka uu ka dhaco magaalada Baydhabo ay tahay isagoo ka baqaya in uu xilkiisa Ra'iisal wasaarenimo halkaas ku waayo ayaa wuxuu sheegay in aysan cabsi dhinacaas ah soo geli karin meesha, wuxuuna caddeeyay in haddii xilka laga qaadayo ay arrintaas u taalo Madaxweynaha oo gudbiya iyo Baarlamaanka oo ogolaada sida markii horeba ay magacaabistiisa u dhacday, loona ansixiyay.

Ra'iisal Wasaare Geedi intii uu shirka jar'aa'id ka hadlayay sooma hadal qaadin eedeyn uu u jeediyay madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu shalay ka caddeeyay kulankii looga dhawaaqay in kulanka baarlamaanka uu dhacayo magaalada Baydhabo in uu raacsan yahay go'aanka guddoomiyaha Baarlamaanka, isla markaana uu Baydhabo tegi doono 26-ka Febraayo, taasina waxaa loo qaadan karaa in Ra'iisal Wasaaraha uusan la dagaalsaneyn Madaxweynaha.

Sababtoo ah Ra'iisal Wasaaraha waxaa uu maanta ku tilmaamay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed odaygii ugu sareeyay ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, isla markaana wuxuu farta ku fiiqay in looga baahan yahay in uu dhexdhexaad ka noqodo arrinta khilaafka u dhaxeeya isaga iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Ugu dambeyntiina, waa khilaaf hor leh oo soo kala dhexgalay masa'uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, wuxuuna khilaafkan ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ay heshiiyeen madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo in muddo ah sii kala jeeday.


Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Beesha Caalamka ka codsaday in ay Ra'iisal Wasaare Geedi ka qanciyaan waxa uu ka boodsan yahay

Talaado, January 31, 2006(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliyeed C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay ka hadlayay kulankii looga dhawaaqay in magaalada Baydhabo ay 26-ka Febraayo isugu yimaadaan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa Beesha Caalamka iyo dalalka daneeya Arrimaha Soomaaliya ka codsaday in ay soo dhexgalaan khilaafka soo kala dhexgalay mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha oo ka gaabsaday markii uu shalay hadlayay in uu wax hadal ah ka yiraahdo sababtii keentay in uu Ra'iisal Wasaare Geedi ka tago xafladdii looga dhawaaqayay qabashada kulanka Baarlamaanka ayaa wuxuu sheegay in is-araggii ugu dambeeyay ee dhexmaray Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra'iisal Wasaaraha ay uga dhex muuqatay in ay labada mas'uul ku heshiiyeen halka uu ka dhacayo kulanka Baarlamaanka, bacdamaa sida uu hadalka u dhigay ay kulankoodii ugu dambeeyay ka soo baxeen iyagoo wada qoslaya oo gacmaha is-heysta.

Ilaa iyo hadda ma jiro khilaaf muuqda oo u dhaxeeya madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha, waxayna labadoodaba ay muujinayaan taxadar marka ay saxaafadda la hadlayaan, hayeeshee waa khilaaf xalintiisa loo baahan yahay in aan la sahashan oo deg deg loo wajaho sidii loo xalili lahaa, haddii kale xaalku wuu sii murgayaa waqti kalena wuu ka dhumi doonaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed.

Sida lala wada socdana muddo sanad iyo dheeraad ah ayay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed la kufaa kaceysay khilaaf soo kala dhexgalay mas'uuliyiinteeda ugu sareysa, iyadoo xiligaasna ay isku dhinac ahaayeen Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha oo fariisin ka dhigtay magaalada Jowhar iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isna xubno ka tirsan Baarlamaanka oo ay ku jiraan Wasiirrada hubeysan Muqdisho fariisan kala sameystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Maxamed Dheere oo booqasho ugu tegay Ciidamada ku xareysan Xerada Koongo ee duleedka Magaalada Jowhar

Talaado, January 31, 2006(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Siyaasadda Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayay warar ku dhow dhow maamulkiisa sheegayaan in uu saakay booqasho ugu tegay ciidamada ku xareysan xerada Koongo ee ku taala duleedka magaalada Jowhar, kuwaasi oo laga keenay deegaano ka tirsan Puntland iyo Gobolka Hiiraan.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in Maxamed Dheere uu Ciidamadaasi ugu qudbeeyay in aysan dheg jalaq u siinin warar ay faafinayaan dad si xun u fekera, isagoo u sheegay in markii la dejinayay xeradaas lagu dejiyay ogolaashada Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe, maantana ay ogolaashihiisa ku joogaan.

Maxamed Dheere oo Ciidamadaas ugu deeqay dhowr Neef oo geel si ay u qashaan waxaa kale oo uu u sheegay in ay yihiin Ciidamadii Qaranka Soomaaliyeed, isla markaana aysan wax shaqo ah ku lahayn khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliyeed, "si wanaag ah ayaad halkaan ku timaadeen, haddii aad baxeysaana si wanaag ah ayaad ku baxeysaan"ayuu yiri Maxamed Dheere oo la sheegay in markii uu ka laabtay xeradaas uu isla maanta socdaal ugu amba baxay deegaano ka tirsan gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.

Booqashada Maxamed Dheere ee Ciidamadaas iyo weliba hadalkiisa dabacsan ayaa wuxuu meesha ka saarayaa warar soo if-baxay markii uu Ra'iisal Wasaare Geedi shalay ka soo laabtay magaalada Nairobi kuwaasi oo sheegayay in Ciidamadaasi ay isku dhici doonaan maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe bacdamaa uu Jowhar ku soo laabtay Ra'iisal Wasaarihii oo kaligiis ah, hayeeshee xaalku haatan sidaasi waa uu ka duwan yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
 






 




Xubnaha labada Gole ee Muqdisho oo soo dhaweeyay in kulanka Baarlamaanka uu ka dhaco magaalada Baydhabo

Talaado, January 31, 2006(HOL): Shirkii caadiga ahaa ee ay xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan isugu imaan jireen maalmaha Talaadada iyo Sabtida ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Hotelka Saxafi ee magaalada Xamar, iyadoo kulankaasina looga wada hadlay seddex qodob oo ajende ahaan xubnaha Baarlamaanka loo soo hordhigay.

Afhayeenka xubnaha labada gole ee Muqdisho ku sugan Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo kulankaasi kadib saxaafadda la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in kulankoodii maanta ay uga doodeen qodobo ay ka mid ahaayeen ku dhawaaqistii Guddoomiyaha Baarlamaanka ee ku aadaneyd in xubnaha Baarlamaanka ay isugu tegayaan Magaalada Baydhabo, wuxuuna tilmaamay in qodobkaas si weyn loo taageeray, isla markaana heesta Soomaaliyeey Toosoo lagu ayiday.

Sidoo kalena wuxuu sheegay Xildhibaanka in ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka doodeen labo qodob oo kale, kuwaasi oo ku kala saabsanaa baaq loo jeediyay Deeqbixiyayaasha Caalamka oo laga dalbaday in ay gargaar deg deg ah la soo gaaraan dadka ku abaareysan gudaha dalka Soomaaliya iyo qodob kale oo isna guddi ka soo warbixiya loo saaray, kaasi oo ahaa gef uu Wargeys ka soo baxa Dalka Denmark uu u geystay Diinta Islaamka iyo Nabigeena Suuban ee Muxamed N.N.K.H.

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay in ay diyaar u yihiin Xildhibaanada Muqdisho ku sugan in ay tagaan meel kasta oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka ugu yeero, wuxuuna dib u qooraansaday in ay horay Guddoomiye Shariif Xasan wakaalad ugu dhiibteen intii uusan Muqdisho ka amba bixin, sidaas darteedna ay raali ka yihiin meel kasta oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka go'aamiyo in Xildhibaanada Baarlamaanka la isugu geeyo.

Dhanka kalena, Banaanbax aad u ballaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururrada Bulshada ee ku dhaqan magaalada Baydhabo ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaaladaas, waxaana halkaasi isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo si weyn ugu faraxsanaa in kulan ay isugu imaanayaan Baarlamaanka Soomaaliyeed uu dabayaaqada bisha Febraayo ee soo socota ka dhici doono magaaladooda, iyadoo qaar ka mid ah dadweynihii isu soo baxay oo uu ka mid ahaa Siyaasiga iyo Ganacsadaha Cali Aadan Marguus oo si weyn looga yaqaano gobollada Bay iyo Bakool-na uu sheegay in ay Baydhabo u diyaarsan tahay in lagu qabto kulanka Baarlamaanka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia   






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online