Dadka aan Indhaha wax ka arki karin xaq sow uma lahan in ay Waxbartaan?

C/raxmaan Maxamed Faarax (Luunge)Arbaco, January 04, 2006(HOL): Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo fadhigoodu yahay magaalada Muqdishu ayaa maanta xusay maalinta adduunka uu si rasmi ah u aqoonsaday farta Indhoolayaasha ay wax ku qoraan ayna wax ku aqriyaan oo ku beegan maanta oo 4-ta Janaayo ah.

Gudoomiyaha ururka indhoolayaasha Soomaaliyeed C/raxmaan Maxamed Faarax Luunge oo maanta u waramayey HOL ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhoweenayaan maalinta farta Indhoolayaasha adduunka, ayna dadka Soomalaiyeed ku baraarujiyaan maalintaasi inay faraxd u tahay Indhoolayaasha Soomaaliyeed oo markii ugu horeysay helay far ay wax ku qori karaan, ayna wax kuna aqrin karaan.

Macalimiinta Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur ee Magaalada Muqdisho ku yaala

Ibraahim C/llaahi Maxamuud Maxamed Axmed MaxamuudC/fataax Maxamed DaahirFartuun Maxamuud Cali

C/raxmaan Luunge waxaa uu sheegay in 4-ta Janaayo lagu xusuusto ninkii sameeyay Farta ay Indhoolayaasha wax ku bartaan oo Dalka Faransiiska u dhashay, kaasi oo lagu magacaabi jiray Louis Braille, isla markaana isagoo 3 sano jir ah indho beelay kadib markii uu musbaar isha ka muday ishii kalena ee infection gaaray aawgeed uga dhacay.

“Ninkaasi waxaa la yiraahdaa Louis Braille, wuxuu dhashay 4-ta Janaayo maanta oo kale, sida magaciisa ka muuqatana waxaa loogu magacdaray farta Praille-ka oo ah farta ay wax ku bartaan dadka indhaha la', waana far taabashada ay ku aqriyaan dadka aan indhaha la'ayn”ayuu yiri C/raxmaan Luunge Guddoomiyaha Ururka Indhoolayaasha Soomaaliyeed.

Dad badan ayaa waxay is-weydiin karaan sida ay dad aan indho qabin wax ku baran karaan hayeeshee xaqiiqadaas wey arki kartaa qofkii booqda Dugsiga Indhoolayaasha Al-Nuur oo ku yaala agagaarka KM4 ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay haatan wax ku bartaan Arday tiro badan oo wiilal iyo gabdho isugu jira.

Intii aan ku guda jiray xog-uruurintii aan u tegay Dugsigaas ayaan soo arkay Caruur wiilal iyo Gabdho isugu jiray oo siyaabo kala duwan u indho beelay, kuwaasi oo intey qoreen farta Praille-ka, kadibna aqriyay iyadoo ay dul taagan yihiin Macalimiintii wax bareysay oo qudhood aan indho lahayn balse wax soo bartay ilaa heer Jaamacadeed.

C/raxmaan Luunge oo aan wax ka weydiinay sida ay ku suurtagashay in ay Dugsigan furaan ayaa wuxuu inoo sheegay in ay arrintan in muddo ah ku howlanaayeen, aakhiritaankiina ay ku guuleysteen in Dugsi u furaan Dadka Indhaha la', iyadoo sida uu xusay ay gacan ka heleen Dugsiga Imaamu Shaafici, Shirkadda Isgaarsiinta Telecom iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Brimingham ee dalka Ingiriiska.

“Dad badan oo sharaf leh, wax soo bartay, isla markaana nolosha Adduunyada meel sare ka gaaray ayaa marka ay noo yimaadaan waxay la yaabaan sida aan wax ku bari karno dad aan Indho qabin, taasina waxay qeyb ka tahay sida la isaga iloobay amaba ay xaqiraadda ugu hoos nool yihiin dadka Indhaha la' oo bulshada qeyb ka ah”ayuu yiri C/raxmaan Luunge oo sheegay in Dugsigan ay wax ka dhigaan afar Macallin oo 3 ka mid ah ay indho la' yihiin iyo Macalimad indho qabta, kuwaasi oo dhamaantood qaba aqoontii Macallin looga baahnaa oo weliba heer Jaamacadeed ah.

Md. C/raxmaan Luunge waxaa uu u soo jeediyay waalidiinta Soomaaliyeed in ay wax baraan caruurtooda indhaha la', si aysan culeys ugu noqon bulshada inteeda kale oo markaasina aysan guryahooda maxbuus ugu noqonin, wuxuuna soo dhaweeyay in maanta ay indhoolayaasha Soomaaliyeed hiigsanayaan heerka waxbarasho ee ay gaareen indhoolayaasha caalamka, isagoo ka codsaday dadka wax heysta ee Soomaaliyeed in ay gacan ka geystaan sidii dadka indhaha la' loola simi lahaa walaalahooda.

Dugsiga Al-Nuur oo haatan Ardaydiisa ay ku jiraan fasaxa Term-ka ayaa wuxuu soo nooleeyay niyadda waalidiin badan oo dhalay ilmo indho la'aan ku dhashay amaba indho beelay kadib markii ay dhasheen, kuwaasi oo wel wel ka qabay sida uu noqonayo Mustaqbalka ilmahooda, iyadoo isla Dugsiga Al-nuur aan ku arkay seddex ka mid ah shan gabdhood oo aan indhaha wax ka arki karin kuwaasi oo hadana wada dhashay, waa mucjiso Allaah xaggiisa ka ahaatay.

C/fataax Maxamed Daahir, Maxamed Axmed Maxamuud, Ibraahim C/llaahi Maxamuud iyo Fartuun Maxamuud Cali waa Macalimiinta Dugsiga Indhoolayaasha Al-nuur, waxayna aad ugu faraxsan yihiin in ay aqoontooda u gudbiyaan Jiilka soo koraya ee aan iftiinka Dunida arki karin.

C/xakiin Maxamuud Xaashi waxaa uu ka mid yahay Ardayda wax ka barata dugsigaas, wuxuuna ka waramayay dhibaatada ay bulshad Indhaha qabta kala kulmaan haddii ay yihiin dadka aan indhaha wax ka arki karin, wuxuuna sheegay in xadgudub loo geysto, “mararka qaarkood waxaa dhacda in adigoo dhagax ama god ku dhici raba ay kugu qeyliyaan dadka, iyagoo si xoogan uu leh war haku dhicin godka, taasina ay keento in aad godkii ama dhagaxii ku dhacdo naxdin daraadeed iyadoo ay dhici kartay in aad si tartiib ah uga gudubto”ayuuna yiri C/xakiin oo ka codsaday dadka itaalka leh in ay dadka naafada ah u naxariistaan.

C/fataax Maxamed Daahir oo ka mid ah Macalimiinta ayaa isaguna wuxuu ka hadlay sida ay mar kasta xadgudubyada damiiriga ah ugu dhacaan dadka Naafada ah, gaar ahaan kuwa aan indhaha wax ka arki karin, wuxuuna sheegay in ay Dadka Soomaaliyeed maah-maahyo u sameysteen dadka itaalka yar, “Matalan waxay ku leeyihiin Ninkii Taag leh ayaa Taharo goosta, Miskiin ayaa Misko la fuulo leh, Cadkaanow ku cunay ama ku ciideey iyo kuw kale oo ka sii badan oo dhamaantood xadgudbid laga dheehan karo”ayuu yiri C/fataax Maxamed oo sheegay in ay Shucuubta Caalamka meel sare ka gaareen dhowrista xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tan Naafada.

Ugu dambeyntiina waxaan Warbixintan ku soo gunaanadayaa tix shirib iyo hadal dardaaran iyo codsi isugu jira oo uu Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle ka jeediyay Xafladdii lagu iclaaminayay in la furi doono Dugsi ay wax ku bartaan Dadka Indhaha la', wuxuuna yiri Abwaanka:

Indhaha qalbigaad qabtiin, kuwo indho lahaad ka roon tihiin haddaad kalsooni kaashataan. Illaahow Ummadda uga yeel Aabahood iyo Hooyadood. U sheega shanta qaaradood, shirkado iyo shakhsiyaad in ay dhaqaale soo shubaan.

Abwaanka waxaa uu ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed iyo dadka aan ganacsan ee lacagta heysta in ay ku sadaqeystaan Indhoolayaasha, si ay uga badbaadaan cudurrada Kaadi Macaanka iyo Dhiig Karka oo sida uu yiri sadaqada looga badbaadi karo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online