5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 21, 2006
Dowladda Federaalka iyo Maxkamadaha Islaamka oo kala sheeganaya guulo ay ka gaareen Dagaallo u dhaxeeya

Khamiis, December 21, 2006(HOL): Dagaallo xooggan oo khasaare geystay ayaa waxay ku dhexmarayaan deegaano ka tirsan Gobolka Bay Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka iyo kuwa taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ee dagaalka uu u dhaxeeyana ay kala sheeganayaan guulo ay dagaalka ka gaareen.

Golaha Maxkamadaha Islaamka ayaa sheegtay in ay dagaal xooggan oo saakay ka dhacay Deegaanada Idaale iyo Deynuunaay ay guulo ka soo hooyeen, isla markaana ay jab weyn u geysteen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku soo duulay.

Xoghayaha Golaha Shuurada Maxkamadaha Islaamka Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey iyo Afhayeenka Maxkamadaha Islaamka Gobollada Jubbooyinka Shiikh Ibraahim Shukri oo shir jaraa'id ku wada qabtay Xarunta Villa Baydhabo ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaallo saakay ka dhacay deegaanada Idaale iyo Deynuunaay ay ku soo qaadeen Ciidaamo Itoobiyaan ah, wuxuuna Shiikh Ibraahim Shukri uu sheegay in ay deegaanka Idaale ku dileen 70 nin iyo Sarkaalkii Hoggaaminayay oo Itoobiyaan ah, halka uu carrabka ku dhuftay in ay Maxkamadaha Islaamka halkaas ka soo gaareen 4 dhimasho ah iyo 13 dhaawac ah.

Shiikh Maxamuud Shiikh Ibraahim Suuleey ayaa sheegay in dagaalkan oo sida uu yiri ay ku soo qaadeen Ciidamo Itoobiyaan ah ay dowladda Itoobiya uga gol leedahay in aysan sal dhigan siyaasadda Soomaaliya oo uu sheegay in ay markeedii horena ka mid ahayd dowladda Itoobiya dowladihii wax ka bur buriyay Dowladdii Soomaaliyeed. Shiikh Maxamuud waxaa uu intaas ku daray in ay dagaalkan ku soo beegtay Dowladda Itoobiya xili uu dalka Soomaaliya ku soo jeeday Ergay ka socday Midowga Yurub oo dadaal ugu jira in xal loo helo dalka Soomaaliya.

Dhinaca Dowladda Federaalka ayaa iyaduna waxay sheegatay in ay dagaalka kala dhaxeeya Maxkamadaha Islaamka ay guulo ka soo hoysay, wuxuuna wasiir ku xigeenkeeda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle oo BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga u waramay uu sheegay in ay Ciidamada Dowladda Federaalka dileen 71 askari oo isugu jiray Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka iyo kuwo sida uu yiri Argagixiso ah oo la socday, halka khasaaraha Dowladda soo gaarayna uu ku sheegay in uu dhan yahay 3 dhimasho ah iyo dhaawac kale oo aan tiro badneyn.

Salaad Cali Jeelle mar uu ka jawaabayay weydiin ahayd sida uu ku caddeyn karo in ay Maxkamadaha u dagaalamayaan rag argagixiso ah waxaa uu sheegay in uu dhinaca Diinsoor dagaalka u hoggaaminayo maxkamadaha Islaamka nin ka soo jeedaa dalka Suudaan oo lagu magacaabo Cabdalla Suudaani, sidoo kalena uu dagaalka Deynuunaay hoggaaminayo Nin Gacamey la yiraahdo oo Pakistan u dhashay, halka uu dhinaca Bandiiradley ee gobolka Mudug-na uu sheegay in uu Maxkamadaha u joogo nin Ereteriyaan ah.

Aad ayaa loogu jaha wareersan yahay in war sugan laga helo khasaaraha ka dhashay dagaallada ay labada dhinac iskala soo horjeedaan, wuxuuna dhinac kasta marka aad la xiriirto uu kuu sheegayaa in uu jab iyo halaag u geystay dhinacii ka soo horjeeday hayeeshee khasaaraha dagaalkan ka soo gaaraya dadka rayidka ah ayaa aad u yar, waxayna sababtu tahay iyadoo meelaha lagu dagaalamayo ay yihiin deegaano baadiye ah oo aaney dadka ku badneyn.

Si kastaba arrinta ha ahaatee, waxaa xaqiiqo ah in dagaal xooggan uu u dhaxeeyo dowladda federaalka iyo maxkamadaha Islaamka oo iyagu haatan isugu soo haray aayo ka talinta dalka Soomaaliya, wuxuuna dagaalkoodan uu albaabada u soo laabayaa rajadii laga qabay in ay labada dhinac wada hadallo isugu soo laabtaan, walow ay mas'uuliyiinta sare ee labada dhinac ay maalintii shalay ahayd ka ballanqaadeen Mr. Louis Michel oo Midowga Yurub ka socday in ay ku laabanayaan wada hadalladii u socday.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia