4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 14, 2006
Ciidamo Itoobiyaan ah oo la sheegay in ay ku soo siqayaan goobaha ay fadhiyaan Ciidamada Maxkamadda Islaamka Gobolka Hiiraan

Khamiis, December 14, 2006(HOL): Wararka laga helayo Qaar ka mid ah mas'uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga iyo  dadka ku safra xadka gobalku uu la wadaago Itoobiya, ayaa sheegaya in 48saac ee la soo dhaafay la arkayay ciidamo Itoobiyaan ah oo siweyn ugu soo durkaya goobaha ay fadhiyaan kuwa Maxkamada islaamiga.

 

Warku waxaa uu intaa ku darayaa in ciidamada oo ku hubeysan Gawaarida dagaalka ay bilaabeen in ay uga digaan dadka ku nool goobaha ay joogaan Qatar uga timaada dagaal dhax mara iyaga iyo Ciidamada maxkamadaha, taasoo cabsi weyn ku abuurtay dadka rayidka ah.

 

Mid ka mid ah saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee jooga goobaha laysku hor fadhiyo ayaa u sheegay HOL in xilliga habeenkii ay maqlaan Madaafiic ay ridayaan ciidamada Itoobiya, lakiin ma'uusan xaqiijin madaafiicdaa yihiin kuwo dhinacooda lagu soo rido iyo in kale, waxaana uu sarkaalkaa intaa ku daray in ciidamada maxkamada islaamigu ay ku jiraan Foojignaa ka badan intii hore, maadaama sida uu dalka u dhigay xaaladu aysan aheyn mid wanaagsan.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada B/weyn ee Xarunta gobalka Hiiraan ayaa saacadihii aynu soo dhaafnay waxaa ay si weyn u hadal hayeen dhaq-dhaqaaqa ciidamada maxkamada oo ah mid ka badan kii hora, iyadoo gudaha magaalada lagu arkayo gawaarida dagaalka oo ay saaran yihiin  ciidamo aad u hubaysan kuna sii qul-qulaya goobaha laysku hor fadhiyo.

 

Si kastaba arintu ahaatee maxdaxa nabad-galyada maxkamadaha ayaa dhawaan ku baaqay in ciidamada Itoobiya isaga baxaan dalka haddii kalena ay la kulmi doonaan cawaqib aan wanaagsaneyn, taasoo keentay in dadku siweyn isku siweyn isku waydiiyo waxa ka dhalan kara hadlkaa ka soo yeeray dhinac maxkamadaha.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

[email protected]

Beledweyne, Somalia