5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 12, 2006
Maxaa ka jira in Qariidadii ay soo Bandhigeen Xildhibaanada Dowladda Federaalka ee Muqdisho ku sugan ay ahayd mid la been abuuray?

Talaado, December 12, 2006(HOL): Maalintii dorraad ahayd waxaa magaalada Muqdisho shir jaraa’id ku qabaty Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo shirkooda jaraa’id ku soo bandhigay Qariidad ay sheegeen in ay heleen Xafiiska Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, taasi oo muujineysa sida ay yiraadheen in uu jiro qorshe ay ku heshiiyeen Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Itoobiya.

 

Qariidada ay soo bandhigeen Xildhibaanada ayaa waxay u sawiran tahay qaab ka gedisan sida ay Soomaaliya ugu jirto Qariidada  Afrika oo ah in dalka Soomaaliya lagu daray dalka Itoobiya, isla markaana ay Soomaaliya u muuqato gobol ka mid ah Itoobiya.

 

Xildhibaanadu waxay sheegeen in ay Qariidadaas ka heleen dad ku dhow dhow xafiiska Ra’iisal Wasaare Geedi, waxayna intaas ku dareen in ay jiraan heshiisyo kale oo u socda labada dhinac, kuwaasi oo ay ballan qaadeen Xildhibaanadu in iyana u soo bandhigi doonaan Shacabka Soomaaliyeed marka ay helaan.

 

Haddaba markii ay Qariidadaas baahiyeen Website-yo badan oo uu ka mid yahay Website-kan Hiiraan Online ayaa waxaa nala soo xiriiray dad badan oo ka mid ah aqristayaasheena, kuwaasi oo qaarkood la dhacsanaayeen howsha ay Xildhibaanada qabteen, halka ay sidoo kalena ay jireen aqristayaal kale oo shaki geliyay dhab ahaanta Qariidada ay Xildhibaanada soo bandhigeen.

 

Aqristayaasha beeniyay sax ahaan Qariidadaas waxaa ka mid ah Aqriste magaciisa ku soo gaabiyay Dr. Shidane oo aan noo soo sheegin halka uu Dunida kaga nool yahay, wuxuuna sheegay in Map-ka ay soo bandhigeen Xildhibaanada uu yahay mid been abuur ah, intaas kuma ekeysane wuxuu noo soo diray oo uu qoraalkiisa ku soo lifaaqay Qariidad uu ku sheegay in ay tahay midda saxda ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, haatan waxaan soo daabacnay labada Qariidadood, wuxuuna markan garsoorka u yaallaa Dadweynaha Soomaaliyeed ee iyagu arkaya labada Qariidadood.


Salaad Iidow Xasan (Xiis),Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia