Laanta Afka-Soomaaliga ee BBCda Barnaamijka - Sagaalka Habeenimo - G. Afrika Barnaamika - Shanta Galabnimo G. Afrika Barnaamika - Labada Duhurnimo - G. Afrika




Wararka Maanta- Khamiis, Aug 03, 2006










· Maxkamadaha Islaamka oo ciidamo geeyay Saldhigyadii Booliska Muqdisho
· Diyaaraddii seddexaad oo dad rakaab ah sida oo maanta ka degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho
· Ra'iisal Wasaare Geedi oo sheegay in uu dhaqsi u soo magacaabayo xubnihii uu ku bedeli lahaa Wasiirro iska casilay Xukuumaddiisa
  Mas'uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan oo muujinaya wel wel amaan darro












Maxkamadaha Islaamka oo ciidamo geeyay Saldhigyadii Booliska Muqdisho

Khamiis, August 03, 2006(HOL): Golaha Maxkamadaha Islaamka ee la wareegay gacan ku heynta magaalada Muqdisho ayaa maanta waxay u qeybiyeen saldhigyada Booliska Magaalada Muqdisho ciidamo ka amar qaata maxkamadaha Islaamka oo u shaqeyn doona sida Booliskii hore.

Shiikh C/llaahi Macallin (Abuu Cunteyba) oo Maxkamadaha Islaamka u qaabilsan dhinaca difaaca ayaa wuxuu sheegay in ciidamadaas la geeyay dhamaan saldhigyada Muqdisho marka laga reebo saldhigyada Huriwaa iyo Howl-wadaag oo iyana la howlgelin doono.

Shiikh C/llaahi waxaa uu sheegay in Ciidamada Maxkamaduhu ay horay u shaqeyn jireen, isla markaana ay ku guuleysteen in ay sugaan ammaanka balse haatan ay u shaqeyn doonaan sida Ciidamadii Booliska oo ay dadku u dacwoon jireen ama ay ku wargelin jireen waxyaabaha ay dhibsanayaan.

�Ciidamada Maxkamadaha waxaa ay dhawaan ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan rag maleeshiyo ah oo doonayay in ay dilaan nin ganacsade ah, kaasi oo dhaawac ahaan dalka dibaddiisa loogu qaaday, raggii dhaawaciisa ka dambeeyayna gacanta ayaan ku heynaa�ayuu yiri Abuu Cuteyba.

Maxkamadaha Islaamka ayaa tan iyo markii ay qabsadeen magaalada Muqdisho waxay dib u howlgeliyeen Garoon weyn ee Muqdisho, Dekeddana wey u qorsheysan tahay, sidoo kalena waxay magacaabeen guddi ka shaqeeya nadaafadda magaalada, kaasi oo howshiisa wata, haatana waxay dib u howlgelinayaan Saldhigyadii Booliska Gobolka Banaadir, dhamaan tallaabooyinkaasna waa kuwo ay dadku soo dhaweynayaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia





 




Diyaaraddii seddexaad oo dad rakaab ah sida oo maanta ka degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Khamiis, August 03, 2006(HOL): Diyaaraddan oo ay lahayd shirkadda Diyaaradaha African Airways ayaa maanta waxay ku degtay garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dad rakaab ah oo ay ka keentay magaalada Nairobi siday.

Diyaaraddan ayaa waxay noqoneysaa diyaaraddii seddexaad oo shirkad diyaaradeed ay leedahay, isla markaana dad rakaab ah ka dejisa garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo horayna garoonkaas ay uga howl bilaabeen Shirkadaha Diyaaradaha Jubba Airways iyo Daallo Airlines.

Bashiir Feyte oo ka tirsan saraakiisha shirkadda African Airways ayaa sheegay in ay diyaaraddooda si rasmi ah uga howl bilowday garoonka Muqdisho, wuxuuna intaas ku daray in diyaaraddooda ay ahayd diyaaraddii ugu horeysay oo sanadkii 1992-kii ku degtay garoonka Muqdisho, weliba xili aad looga baqayay in ay diyaarad ka duusho ama ka soo degto.

Seddexdan diyaaradood ee ka howl bilaabay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxay horay u isticmaali jireen Garoomo macmal ah oo ku yaala gobolka Shabeelaha Hoose, kuwaasi oo kala ah No. 50 iyo Balli-Doogle.

Dad horay uga dhoofay garoomadaas oo dhawaan ka dhoofayay garoonka Muqdisho ayaa waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin in loo soo dhaweeyay halka ka duulayeen, wuxuuna mid ka mid ah dadkaasi uu sheegay in markii hore ay socdaal dheer geli jireen inta aysan diyaaradda raacin, balse haatan ay dhoofayaan iyagoo aan wax daal ah dareemeynin, isla markaana guryahooda ka soo tegi kara kadib marka ay diyaaradda soo caga dhigato.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Ra'iisal Wasaare Geedi oo sheegay in uu dhaqsi u soo magacaabayo xubnihii uu ku bedeli lahaa Wasiirro iska casilay Xukuumaddiisa

Khamiis, August 03, 2006(HOL): Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo u waramayay Barnaamijka Focus on Africa ee BBC-da ka baxa ayaa sheegay in uu dhawaan soo magacaabayo xubnihii uu ku bedelay Wasiirro iska casilay Xukuumaddiisa.

Ra'iisal Wasaaraha oo iska fogeeyay eedo ay u jeediyeen wasiirrada is-casilay ayaa sheegay in aysan wax wel wel ah ku heynin is-casilaadda xubnaha ka baxay Xukuumaddiisa.

Prof. Geedi waxyaabaha ay ku eedeeyeen wasiirrada is-casilay waxaa ka mid ah in uu la shaqeyn waayay, isla markaana uu wax kasta isaga isku koobay, hayeeshee Ra'iisal Wasaaruhu warkaas gaashaanka ayuu u daruuray, wuxuuna sheegay in aaney jirin xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo u soo gudbiyay qoraal ay ku sheegayaan waxa ay ka doonayaan.

Mar wax laga weydiiyay waxa uu ku diidan yahay in ay la fariistaan Maxkamadaha Islaamka waxaa uu sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay fursad siiyaan wax uu ku tilmaamay koox mayal adag oo aan dooneyn dowladnimo, doorashooyin xor ah iyo nidaamka dimoqraadiyadda.

Ra'iisal Wasaare Geedi waxaa uu dorraad u diray Jaamacadda Carabta qoraal uu uga codsanayay in dib loogu dhigo shirka Khartoum ee lagu dhexdhexaadinayo maxkamadaha Islaamka iyo Dowladda Federaalka, waxaana codsiga Prof. Geedi ku xigay qoraal kale oo ay direen Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo sheegay in Dowladda ay diyaar u tahay in ay ka qeybgasho shirka Khartoum, taasina waxay Jaamacadda Carabta u muujisay in Mas'uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka ay is-khilaafsan yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis) Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia






 




Mas'uuliyiinta Maxkamadda Islaamiga ah ee Gobolka Hiiraan oo muujinaya wel wel amaan darro

Khamiis, August 03, 2006(HOL): Maxkamada curdanka ah ee dhowrka bilood uun jirta ayaa hadda u muuqata mid mas'uuliyiinta ugu sareysa ay soo food saartay xaalada amaan daro tii ugu xumeyd tan iyo wixii ka danbeeyay markii lagu dhawaaqay.

Xiliga habeenkii ayaa intooda badan la arkayaa markii uu gabalku dhaco iyaga oo isaga sii hayaamaya magaalada, Gaar ahaan caqabada ugu weyn ayaa la oran karaa waxaa ay soo food  saartay Kuwa maamula shirkadaha xawaaladaha islamarkaana gacan saarka tooska ah la leh maxkamada oo marka ay magaalada isaga tagayaa ku qasban in Raraan dhamaanba Qalabka u yaala shirkadaha halka markii uu subaxii waagu baryana dib loogu soo celiyo shirkada.

Arimahan oo dhan ayaa soo Ifbaxay kadib markii khilaaf xoogan uu soo kala dhax-galay Ma'uuliyiinta Maxkamada iyo Gudomiyaha degmada B/weyn Aadan Cabadi Ciise,"Aadan Garaaso" oo hadda u muuqda  nin u wareegay dhinaca Itoobiya  kuna jira sida ay wararku sheegayaan abaabul ciidan.

Raga ka tirsan maxkamada ayaa tilmaamaya in laga yaabo  Aadan Cabdi ciise  oo hadda gacan saar wanaagsan la leh Itoobiya in si qarsoodi ah uu ku soo galo xili habeenimo ah isaga oo wata ciidamo itoobiyaan ah, waxaana ay intaa ku darayaan in  si taa looga foojignaado ay qasab tahay in la adkeeyo xaalada nabad galyo.

Maxkamadda Islaamiga oo inta badan Taageerayaasheedu yihiin  dad ganacsato ah ayaa marka ay ka soo baxaan howl-maal meedkooda caadiga ah waxaa la arkaa iyaga oo si raxan raxan ah u lugeynaya  kuna hubeysan Qoryaha fudud  si markaa ay ugu biiraan difaaca loogu jiro ciidamo itoobiyaan ah oo soo gala Gudaha magaalada.

Kulan arimahaa ku saabsan oo ay yeesheen  Ma'uuliyiinta maxkamada iyo golaha odayaasha dhaqanka oo ah markii ugu horeysay oo ay isa soo hor fariistaan tan iyo markii dhawaan uu khilaaf soo kala dhax-galay ayaa looga wadda hadlay arimaha la xirira  Ciidamada itoobiya, waxaana wadda hadalka labada dhinac si wadda jir ah laysugu afgartay in laga hortago fara galinta dowlada Itoobiya laguna taageero maxkamada howlaha la xiriira sugida nabad-galyada.

Si kastaba xaaladda amaan daro ee soo wajahday mas'uuuliyiinta maxkamada ayaa la oran karaa dhanka kale waxaa ay sameytii ugu darneyd ku yeelatay dadka shacbka ah ee ku dhaqan gudaha magaalada oo hadal heyntoodu tahay sida xaaladu isku badali karto hadii ciidamada maxkamada iyo kuwa dowlada Itoobiya isku farasaaraan  xuduuda gobalku uu la wadaago xukuumada Itoobiya iyo waliba sameyta  colaadaa oo kale ay ku yeelan karto shacbka aan hubeysneyn.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2006 Hiiraan Online