Ku aqriso Read in English

Yaxya: Xusuusta Halyaay La Dilay

“Ma ahan shacabka Soomaaliyeed cidda guul-dareystay’e, waa madaxda Soomaalida ku guul-dareeyey shacabka” Cabdulqadir Yaxya

By: Taffatirayaasha HOL.

Cabdulqadir Yaxye Sh. Cali Cibaar, oo ku magac dheeraa Yaxya, kana mid ahaa firfircoonayaashii dhanka nabadda ugu cadcaddaa Somalia, geeridiisuna ay bishii July 11, 2005 murugeysay Qaranka oo dhan, wuxuu ahaa wadani ah Soomaali dhab ah. Isagoo ku faana dhaqankiisa, dadkiisa iyo dalkiisa, wuxuu si aan ka daalid laheyn isugu taxallujiyey inuu wanaajiyo nolosha dadkiisa, taas oo ugu dambeyntii gallaafatay naftiisa qaaliga ah.

Allaha u raxmadee Yaxye wuxuu curad u ahaa nin macallin dugsi ah, wuxuuna 1957 ku dhasha Isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho. Dugsigii hoose ee Forta Sheikh ee waagaas kaabadda ku hayey dhismihii Baarlamaanka ee degmada Howl-wadaag ayuu ka aqoon billaabay. Markii uu dhameeyeyna, Dugsigii dhex ee Afgoye ayuu galay, halkaas oo uu Aabihii macallin ka ahaa. Deedna, Dugsigii Sare ee Beeraha ee Afgoye ayuu ka qalin jabiyey.

Yaxye, horaantii noloshiisa ayuu la soo if-baxay karti uu ku abuurtay asxaab fara badan. Akhriye iyo sawire ayuu noqday intii uu dugsiga dhexe ku jiray. Qofkii u kuur gala, waxaa u caddeyd inuu Yaxye lahaa tayo aan caadi aheyn, taas oo ka gaar yeeleysay dhiggiis. Wuxuu lahaa awood aan ka daalin naxariista dadka beni’aadam-ka ah, isagoo aan u kala sooci jirin midab iyo aragti toona. Jaceyl aan soohdimo laheyn ayuu cadowgiisa caano macaan dhansiiyey, taasoo asxaab ka dhigtay.

Sanadkii 1978, markii uu ka qalin jabiyey dugsiga sare ayaa shaqo qaran loogu diray Mashruucii Jilib-Faanoole ee Jubbada Hoose, halkaas oo uu laba sano u dhaxeeyey Faanoole iyo Warshaddii Sonkorta ee Mareerey. Kadib ayuu ku soo noqday Muqdisho, isagoo galay Kulliyaddii Beeraha ee Jaamacaddii Lafoole.

Yaxye ubadkiisii ugu horeeyey ayaa u curtay bishii August ee sanadkii 1982 oo ku dhashay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Benadir. Ifka wuxuu kaga tagay 9 caruur ah, oo kan ugu yar, Khalid, uu dhashay January 2004.

Bartamihii Siddeetameeyadii ayuu Yaxye shaqo ka billaabay Safaaraddii Mareykanka ee Muqdisho, halkaas oo durbadiiba loo dallacsiiyey jagada Isku Xiraha Dowladda Somaliya iyo Safaaradda Mareykanka.

15 sano ee dagaallada, Yaxye wuxuu noloshiisa u gaar yeelay xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya. Dalka ayuu dhan walba u aaday, isagoo la hadlay dadka caadiga ah, si uu u helo ubucda khilaafka Soomaalida. Isagoo baadi goobaya inuu xiriir iyo kalsooni ka dhex askumo beelaha dagaalamaya ayuu dhidibbada u aasay Xarunta Cilmi Baarista iyo Doodda (CRD) oo hoy u noqotay dood wanaagga iyo dibu heshiisiinta.

Isagoo ku kalsoon in Soomaalidu wada hadal ku dhameyn karaan khilaafkooda, aaminsanna inuu wanaag haray, ayuu Yaxye har iyo habeen, casir iyo cisho uu mashquulsanaa nabadeyn. Wuxuu ahaa madaale aan ka nasan inuu danta Soomaaliyeed ku matalo saaxadda caalamiga ah iyo midda gudaha-ba. Wuxuuna ka biyo diiday inuu dalka isaga dhoofo, isagoo awooddeeda lahaa, naftiisuna ay halis joogto ah ku jirtay.

Wareysi ay BBCda la yeela Jabriil Ibrahim Cabdulle oo ka tirsan hay'adda CRD ee xuska munaasabadda Cabdulqadir Yaxye Cali oo ka dhacay magaalada Wasahington

Isu-geynta tayadiisa, dabeecadiisa iyo daacadnimadiisa dhanka nabadeynta, walaaleynta iyo wanaagga guud, oo aysan kala dhantaalin yididiilo siyaasadeed ama dane gaar ah, Yaxye wuxuu kalsooni buuxda kal helay dadkiisa, isagoo kamid noqday firfircoonayaasha dhanka nabadda ee loogu xushmada badan yahay Soomaaliya oo idil.

Dhimashada Yaxye dalka iyo dibaddaba si weyn ayaa looga baroor diiqay. Waa kuwan qaar kamid ah ereyadii naxdinta lahaa ee laga yiri dilkiisa naxariis darada ahaa:

“Waxaan ku xasuusan doonaa C/qadir Yaxye Cali inuu ahaa halyaay aan daniiste aheyn oo u dabran howlaha nabadeynta, wada hadalka iyo dibu-heshiisiinta Soomaalida iyo beni’aadam-ka guud ahaan”. Machadka Caalamiga ah ee Dimoqraadiyadda iyo Taageerada Doorashooyinka (IDEA) War Saxaafadeed.

“Midowga Yurub wuxuu codkiisa ku darayaa kuwa kale ee sida aan dahsooneyn u cambaareeyey dilkii waxashnimada ahaa ee waaberigii July 10 lagula kacay C/qadir Yaxye Cali oo ahaa firfircoone nabadda iyo dibu heshiisiinta ka howl gala. Falakani wuxuu Soomaaliya ka dhimay shakhsi gacan ka geystay sidii kala dambeyn iyo Dowlad wanaagsan loo heli lahaa”. War Murtiyeed. Madaxda Midowga Yurub.

“Yaxye waxaa ka go’oneyd u ololeynta nabadda iyo dibu heshiisiinta. Yididiiladiisu marnaba ma hakan. Guuldarro weyn ayeey Muqdisho iyo Somaliyaba u tahay dilkiisa, xilli loo baahi qabo dad leh geesinimadiisa iyo ma daale-nimadiisa oo kale”. Max Gaylard. Isku xiraha howlaha Benid’aadanimo ee Qaramada Midoobay u jooga Soomaaliya.

“ Mudane Yaxye wuxuu sanado badan u go’ay kobcinta nabadda iyo dibu heshiisiinta dalkiisa, sumacad weyn ayuuna ku lahaa Soomaaliya iyo Beesha Caalamka-ba”. Kofi Annan, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

“Wiilkeygu ma dhiman maanta, ee maanta ayuu-ba dhashay” Aabbe Yaxye Sh. Cali Cibaar ayaa ka yiri aaskii wiilkiisa C/qadir.

Dhan kasta marka laga eego, Soomaaliya waxaa ka dhintay wiil qaali ah oo ay howshiisa aad ugu baahi qabtay. Wax kaliya ee ku habboon waa in dadaalkiisii halkii uu kaga tagay aan kaga sii amba qaadno, si riyadisii loo rumeeyo. Allaha awoodda leh ha u naxariisto Yaxye, dalkanna ha badbaadiyo.

Hiiraan Online, iyadoo tacsi tiiraanyo leh u direysaa Soomaalida guud ahaan, gaar ahaan qoyska Yaxye, waxeey u aqoonsaneysaa inuu yahay shakhsiga Soomaaliyeed ugu qiimaha badnaa Sanadka 2005.






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online