Ninkow,ama naagta,
Waxaad ka hadashay waa aniga iyo maqaalaad iyo siddi wax loo dharbaaxi lahaay.
Waxaan kugu haaystaa taad ku bilaawday sheekada, Halkeed kala timid inaad Donmeh concept aad muslimka u ximbaariso.
How do you apply frankists hidden believe into Islam.
Taas ay ahayd sheekadeen ee ma ahayn inaad sharaxdo saad muslinka u neceb tahay ,dharbaaxo iyo aniga.
|
|
Sxb aniga dadka kama caqli badni si aan wax ugu sheego, Aragtidayda ayaan ka hadlay,Islamku maahan diin qof si gooni ah u sheegan kara, Hadii aad Xanaaqi lahayd ama hadii kale aday kuu taalaa , Dadka adigoo kale ah Runtaa in wajiga looga dharbaaxo ayaa fiican,Maqaal walba oo aad meesha soo galisaan insha allah waan daba dhigan doonaa anigoo umadda soomaaliyeed xaqiiqadiina u bandhigi doona iyo qorshooyinkiina Qarsoon , Ururkii ugu horeeya ee diin ku qaraabta ma tihiin , Kan ugu dambeeyana ma noqon doontaan, Laakin hal arrin ayaad wadaagtaan hadii aad tihiin ururada Magaca Islaamka ku qaraabta , taas oo ah inaad qorshooyin Hoose wadataan, Ururrada islaamiga ah ee aduunyada qaska iyo labta ka wada taariikh ahaan hadii aan u tix raacno, Waxaa cadaanaya inay ka soo farcameen afkaartii lunsanaa ee Sayd Qudub, Xasan Al banna Iyo waliba Cumar al Telmesaani, runtii sheekadaasi waa sheeko dheer waxaan jeclaan lahaa in fursad websitekaan qiimaha badan aan ka helo si aan dadka ugu soo bandhigo Qoraalo badan oo aan rajaynaayo in wax badan ay ka faaiidaysan doonaan, Qoraaladaas waxaa ka mid ah kitaab e-book ah oo aan wali qoritaankiisa ku jiro oo la yiraahdo "Cimaamad, Kitaab Iyo Bunduq" kitaabkaas oo qofkii aqriya uu kala fahmi doono Ururadaan waxay yihiin, Fikirkooda muuqda iyo ka Qarsoon, !@ Insha allah Hadii aan xitaa websitekaan fursad ka heli waayo , Websiteyo kale ayaan galin doonaa hadii EEBBE idmo.!@ Waxaan Ku jirnaa Casrigii Fitnada, Nimankaan sheekooyinka caatada ah la war wareegaysanaaya waxay rabaan inay Jahligeena ka faaiidaystaan, Laakin waxaan ku dadaali doonaa inaan luuq walba ay galaan inaan ka daba galno , Mara kasta oo ay isku dadaan inaan ka faydno si cawradooda iyo beentooda Somalidu u aragto,,! abdi4017@yahoo.com
|
|
Logos,
Wali dadka afsomaliga ku hadlaad jihada inaad ka dhumin karto is mooddaa!!
Maxay tahay qaabka fikirka loo qariyo Al-taqiyah aad hoos ku qortay?!
War waxaan ku leeyahay sheekadaas ula tag Frankists aniga ha nooga soo guurinin.
Dad mulim ah oo fikirkooda qayaano u qarsado maad adiga aragtay!.
|
|
Logs,
Sorry, Abti inaad ii noqon karto in theory Ma ogoli, raali ahaw.
Islaaxa aad sheegayso waxaan ka aqriyaa HOL, wax aan amuurahood kaala hadlayna ma leh oo dadka kaloo ka hadlayba uma jawaabin.
I dhagayso Logos, Beentaad ku hadashay waa lagula fahmay,jawaabtaad af carabi ku bixisayna waa qoran tahay oo laguu soo qoray waliba.
Markaan kugu qabtay sunta aad afuufayso oo an Islaaxa aad sheegaysaba shaqo ku lahayn waxaad ku jawaabtay inaan run sheegay waxaa ka marqaati ah sadex comment aad soo qortay.
Haayee ma ka jawaabtay sadexda comment waxa ku qoran.
Dhagayso, horaan kuugu sheegay haddaana kuu sheegaa ilmaha yar ee 4 jirka ku saxaaya markay been ka sheegidda islaamka gaarto inaad noo soo guuriso Afkaarta Sabbatei tsvei.
Orodoo shaqa yeelo,tan ma kuu soconaysee, Sidaad hadda ku baddashay ku wad ,Islaax iyo xumaantooda ka hadal,arag in laguu jawaabo markaas. Laakiin markaad islam ka been sheegto,iga war sug aniga,waan ku tusaa meeshaad ka soo biya cabtay.
|
|
Soomaalijecle Kuwani ma xeer hoosaadka ururkaa?
1) Wadahadal iyo dibuheshiin Soomaalida dhexdeeda ah ayaa xal u ah dhibaatada Soomaaliya. 2) Taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo awood leh. 3) Xoojinta midnimada bulshada iyo ka hortegidda waxyaabaha kala qaybin kara 4) Xoojinta bulshada Rayidka ah 5) Ka fogaanshaha adeegsiga xoogga si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed 6) Adeegsiga habka nabadda iyo isqancinta si loo gaaro isbedel waara 7) Inaan la garabsan dawlado shisheeye oo faragelin Soomaaliya ku sameeya
haddi jawaabtu haa tahay, shareeco islaam iyo diin meelna kagama jirta'e xaa dhacay?
Xoog mar aan laga maarmin ma jiraa haba yaraatee? Markase kii xaq daradda waday uu xoog isticmaalayo kii Xaqa wadayna ma waxaad leedahay xoog ha isticmaaline hadal wanaag iyo suma salaax wax ku wad? Ilaa goorma?
|
|
Saba@ , Abti Somalidu waxay Tiraahdaa " Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhashao" Hadii ISLAAX Qorshahooda laga hor yimaado qofku wuxuu noqonaayaa "ANti ISlam" miyaa? ISlamka maxaa islaax ku koobay?? yaa idinka idinka dhigay afhayeenka Islaamka,! Abti Wax ha la Aqriyo ma xuma, Islaax(AKA Ikhwaan) waxaa siyaasadooda laga xukumaa Masar, Qorshoodii hore oo ahaa inay xoog ku qabsadaan dalalka islaamka waa dhicisoobay, Hada waxay wadaan Qorshe caato ah oo ah in Lala wada sheqeeyo dawladaha markaas jirta, si hoos hoos ahna loola wareego talada , mida kale aniga qof aan ku dirqinaayo inuu waxaan soo qoray aamino ma jiro, waxaan leeyahay waxaa weeye, Somaliyeey Indhaha kala Fura, Urur Markiisii Hore Qarsoodi ahaa, oo Dil iyo qaraxyo adeegsan jiray markii masar ka shaqayn jiray, Ma laga yaabaa inuu hada Noqdo Urur Xal iyo Nabad doon ah??! Waa kaarto Caato ah,! sababtoo ah tuug wayn hadii uu ku yiraahdo waa toobad keenay, waa inaad iska ilaalisaa , sababtoo ah "gacantii Tuugnimo Barata Gumadkeedaa dhaqaaqa"!!
|
|
Saba@ , Abti Somalidu waxay Tiraahdaa " Hal xaaraan ah nirig xalaal ah ma dhashao" Hadii ISLAAX Qorshahooda laga hor yimaado qofku wuxuu noqonaayaa "ANti ISlam" miyaa? ISlamka maxaa islaax ku koobay?? yaa idinka idinka dhigay afhayeenka Islaamka,! Abti Wax ha la Aqriyo ma xuma, Islaax(AKA Ikhwaan) waxaa siyaasadooda laga xukumaa Masar, Qorshoodii hore oo ahaa inay xoog ku qabsadaan dalalka islaamka waa dhicisoobay, Hada waxay wadaan Qorshe caato ah oo ah in Lala wada sheqeeyo dawladaha markaas jirta, si hoos hoos ahna loola wareego talada , mida kale aniga qof aan ku dirqinaayo inuu waxaan soo qoray aamino ma jiro, waxaan leeyahay waxaa weeye, Somaliyeey Indhaha kala Fura, Urur Markiisii Hore Qarsoodi ahaa, oo Dil iyo qaraxyo adeegsan jiray markii masar ka shaqayn jiray, Ma laga yaabaa inuu hada Noqdo Urur Xal iyo Nabad doon ah??! Waa kaarto Caato ah,! sababtoo ah tuug wayn hadii uu ku yiraahdo waa toobad keenay, waa inaad iska ilaalisaa , sababtoo ah "gacantii Tuugnimo Barata Gumadkeedaa dhaqaaqa"!!
|
|
Mashaa Allah! Guleyso Cabdiraxmaan aad ayaan ugu bogay maqaalkaaga xaqiiqada xambaarsan. Dadkeenna wacdi iyo waxsheeg ayuu u baahan yahay. Waxaa loo baahan yahay adiga iyo inta kula midka ah in aad qoraalladaan u gudbisaan idaacadaha qaasatan kuwa gobollada aay dagaallada ka socdaan.
Liibaan ayaan ku leyahay adduun iyo Akhiro walaal.
|
|
Assalamu caleykum. waxaa la yaab leh in soomalidu xattaa wanaaga ay ceeb u taqaano, islaax dadkay wax bartaa ayuu mid ceeb ka dhigi midklena wuxuu yiri waa aqoon yahan esh calaa Al-ISLAAX. Bal akhristoy ila eeg siyasad AL-islaax ee wakhtigan xaadirka ah. ) Wadahadal iyo dibuheshiin Soomaalida dhexdeeda ah ayaa xal u ah dhibaatada Soomaaliya.
Soomaaliya dhibaato siyaasadeed ayaa ka taagan, waxaana halakeeyay dagaallo sokeeye oo sababay burbur guud. Waxaa la riday dowladdii dhexe ee kelitaliska ahayd Janaayo 1991. Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka dhacay dagaallo culus, waxaana xoogaystay tafaraaruq bulshada dhexdeeda ah. Dagaaladan sokeeye, oo ah fitno dhexmartay dad walaalo ah oo Muslim ah, cidina kuma guulaysan inay guulo siyaasadeed oo la taaban karo ku gaarto; mana keenin dagaaladani xal guud ee dhibaatada Soomaaliya. Haddaba, Islaax waxay rumaysan tahay in wadahadal iyo dibuheshiin lagu gaari karo xallinta khilaafka siyaasadeed ee Soomaalida dhexyaal, isla markaasna dib loogu soo celin karo dawlad Soomaaliyeed oo awood u leh gudashada xilkeeda. Dibuheshiisiintu (إصلاح ذات البين) waa waajib diini ah oo inna wada saaran, dalka iyo dadkuna waxay u qabaan baahi xoog leh. Cid kasta oo is haysa wuxuu Ilaahay –SW- faray inay heshiiyaan
قال تعالى: ((فاتقّوا الله وأصلحوا ذات بينكم ، وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين)) الأنفال : 1 ((Alle ka cabsada, wanaajiyana xaalka dhexdiina ah, Alle iyo Rasuulkiisana adeeca haddaad kuwo rumeeeyay tihiin)) Al- Anfaal: 1. Dhinacyada is haya maahane, bulshada inteeda kale wuxuu Ilaahay –SW- faray inay ka shaqeeyaan siday dibuheshiin u dhex dhigi lahaayeen:
قال تعالى: ((إنّما المؤمنون إخوة ، فأصلحوا بين أخويكم ، واتّقوا الله لعلّكم ترحمون)) الحجرات :10
((Mu`miniintu waa walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Allena ka cabsada, waxaad u dhowdihiin inuu idiin naxariisto e )) Al- Xujuraat : 10
Sidaas darteed siyaasaadka Islaax ee marxaladan waxaa ka mid ah taabbagelinta dibuheshiin buuxda oo Soomaaliya ka hanaqaadda. Waayo dibuheshiisiintu waa meesha ugu danbaysa ee cid kasta oo dagaalantaa ay hawsheeda ku soo gebagebaynayso. Islaax waxay aragtaa in la baajiyo waqti iyo xoog badan, hawshana laga bilaabo dibuheshiisiinta, halka markii la soo daalo dibuheshiisiinta loo soo noqon lahaa. Xarakaduna waxay kaalinteeda ka qaadanaysaa ka shaqaynta hawlaha dibuheshiisiinta.
2) Taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo awood leh.
Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay burburtay Janaayo 1991, waxaa bilawday iskudayo sidii dawladdaas dhexe dib loogu soo dhisi lahaa, tiro shirar dibuheshiisiineed ayaa dalka gudihiisa iyo dibadiisaba lagu qabtay. Dawlad la`aan lama ilaalin karo danta guud ee dalka iyo dadka, waxaana halis gelaya qaranimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaaliya. Haddaba, iyadoo laga duulayo ahmiyada dawladnimada iyo dhibaatadii laga dhaxlay maqnaanshaheeda ayay xarakadu mudnaanta koowaad siinaysa wax kasta oo suuragelinaya taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo awood leh, iyadoo lala kaashanayo dhammaan qaybaha bulshada iyo dawladaha saaxiibka ama walaalaha la ah Soomaaliya.
3) Xoojinta midnimada bulshada iyo ka hortegidda waxyaabaha kala qaybin kara
Midnimadu bulshada waxay lama huraan u tahay wadanoolaanshaha iyo horumarka. Sidaas darteed waa in laga wada shaqeeyo ilaalinta midnimada ummadda iyo kobcinteeda. Waa in la abuuraa lana dhiirrigeliyaa waxyaabaha midnimada kobcinaya, sida: isjacaylka, iskaalmaynta, iskaashiga bulshada dhexdeeda ah. Dhanka kale waxaa jira waxyaabo kalaqaybinaya bulshada, burburinna kara midnimadeeda, sida qabyaaladda, eexda iwm. Waxaa lagama maarmaan ah in laga hortago lalana dagaallamo waxyaabahaas dhaawacaya midnimada iyo wadajirka bulshada. Haddaba Islaax waxay rumaysantahay, kana shaqaynaysaa ilaalinta iyo kobcinta midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo la dhiirigelinayo waxyaabaha kor u qaadaya. Sidoo kale, waxay ka shaqeynaysaa in laga hortago waxyaabaha dhaawixi kara midnimada, wadajirka iyo wadanoolaanshaha bulshada.
4) Xoojinta bulshada Rayidka ah
Xarakadu waxay u aragtaa hay`adaha bulshada rayidku in ay muhiim u yihiin horumarka bulshada iyo mashruucyadeeda kala duwan ee nolosha sida:– caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontada iwm. Ururada bulshada rayidku waxay qayb ka yihiin xoojinta iskaashiga iyo wax wadaqaybsiga bulshada dhexdeeda; iyo in bulshada ka qaybqaadato hawlaha danta guud. Waxaa kale oo ay bulshada rayidku asaas muhiim ah u tahay dhisidda iyo dhowridda xorriyadaha, iyo kahortagga kalitalisnimo xagga maamulka iyo siyaasadda ah. Sidaas darteed Islaax waxay aragtaa, kana shaqaynaysaa xoojinta bulshada rayidka ee Soomaaliya.
5) Ka fogaanshaha adeegsiga xoogga si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed
waxaa laga dhaxlay nidaamkii milateriga ahaa, dersi lama ilaawaan ah kolkii uu u adeegsaday awood iyo maquunin ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, Natiijadu waxay noqotay kacdoon shacbi oo ballaaran oo riday nidaamkii burburiyayna dawladdii iyo haybadeedii, waxaana la burburay ilbaxnimadii iyo soojireenkii shacabka soomaaliyeed . Dhinaca dagaaladii sokeeye ee bulshada dhexdeeda ahaa, waa la wada garanayaa khasaarooyinka iyo natiijooyinka foosha xun ee ka dhashay, iyo danbiyadii iyo dhibaatooyinkii argagaxa lahaa oo ay reebeen dagaaladaas.
Haddaba annagoo ka faa’iidaysanayna waayo-aragnimadaas dalka soo martay iyo kuwa caalamiga ahba; kana ambaqaadayna fahamka saxda ah ee Islaamka, ayaannu waxaan u aragnaa dhinac kasta oo raba inuu adeegsado xoog si uu u xaqiijiyo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed in uu sii dheeraynayo dhaawaca shacabka dhibaataysan, burbur maahane faa`iido waartana ka soo hoynayn. Waxaa inna soo maray muddo dheer oo aan dhadhaminay in nagu filan oo ah: xoog isu adeegsi, kalitalisnimo iyo ku dhaqanka hababka ku dhisan fogaynta, liididda & kugaboodfalka xuquuqda dadka kale ilaa aan ka waynay qaranimadeenii, dibna u dhacnay. Waa waayo-argnimo qaraar oo inna tusinaysa dhibaatada ay leedahay xoog isu-adeegsiga Soomaalida dhexdeeda ah. Waayo-aragnimadani waxay ina xasuusinaysaa sida xooggan ee Diinta Islaamku innooga digtay dagaalada fitnada ah ee bulshada dhexdeeda. Sidaas darteed, Islaax way diidan tahay, in xoog hubaysan Soomaalidu isu adeegsato si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed.
6) Adeegsiga habka nabadda iyo isqancinta si loo gaaro isbedel waara
Isbeddelka loo baahanyahay ee la tiigsanayo, waa isbeddel ka bilaabanaya dhisidda iyo barbaarinta qofka, kadibna u gudbaya bulshada iyadoo loo marayo dadaallo xoogan oo taxane ah si loo abuuro bulsho ku toosan manhajka Alle S.W. Isbeddelkani waa inuu gaaraa dawladda hay’adaheeda iyo waaxyaheeda kala duwan. Hawshani waxay u baahantahay in la isu geeyo dadaallo badan, la isuna duwo qaybaha kala duwan ee ummadda iyo awoodahooda si loo gaaro ujeeddooyinkaas gogolxaarka u noqonaya helidda nabadgelyo, xasilooni iyo baraare, daawaynana dhaawacyadii dagaaladii sokeeye iyo dhibaatooyinkii ay reebeen. Xarakada Islaax kolkii ay soo if baxday 1978 waxay ku saleysay barnaamijyadeeda, siyaasadaheeda iyo aragtiyadaheedaba hababka degan ee ku dhisan isqancinta iyo wadahadalka, haba kala fogaadeen aragtiyada iyo afkaarta la kala qabo e.
7) Inaan la garabsan dawlado shisheeye oo faragelin Soomaaliya ku sameeya
Laga bilaabo dabayaaqadii toddobaatameeyadii ee qarnigii tagay ayay samaysmeen jabhado Soomaaliyeed oo hubaysan oo mucaarad ah, waxayna gacan weydiisteen dawlado shisheeye oo qaarkood cadawga soomaaliyeed ahaayeen, si ay uga helaan kaalmo dhaqaale, hub & mid siyaasadeedba . Ridistii dowladda dhexe ka dib, waxay bilaabeen kooxaha Soomaaliyeed in koox kastaa garabsato awood shisheeye si ay uga adkaato dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay is hayaan. Waxaana tobaneeyo jeer isbadalay hadba dhinaca la safan cadawga, waxaad arkaysaa koox la safan cadawga, muddo yar dabadeedna ka so horjeeda. Mar labaad ama saddexaad, ama afaraadna ku noqonaysa meeshii hore. Habkanina waa mid ku soo noqnoqda hadba kolkii shucuubtu daciifto oo ay waydo awoodeeda dhabta ah. Cadaw la garabsadaana waa danbi aan la dhaafi karin, waana khiyaano & dayacaad la dayaco dalka, dhinacna libintu ku raaci mayso garabsigaas. Dhinacyadan Soomaaliyeed ee kaashanaya awoodda dalalka dibaddu marna guul ku gaari maayaan, dalkooda iyo dadkoodana dhibaato hor leh ayay u sii gaysanayaan, qaranimadii Soomaaliyana way sii wiiqmaysaa. Haddaba, waa in dhammaan laga waantoobaa in la kaashado awoodda dalalka shisheeye si looga adkaado dhinaca kale ee Soomaaliyeed, taas oo faragelin ku ah arrimaha dalka, isla markaasna aan ka qaybqaadanayn xallinta dhibaatadiisa.
|
|
Logos,
Those who are doing translation both in Arabic and Somali are under-selling you,as you fit they portrait you. Good for them.
|
|
Logs,
So finaly you admit that you are just hte muslims,that is all.
Your proof to backing the hilarious comparison you made islam with Frankist did not require a Case-arguement from your part.
All you had to do after all is to point out that i commented three times in responding to you.
What is that proof of Logos, is it not prrof that you are borrowing the Donmeh-frankists and applying it to Islam.
|
|
الأستاذ سابا, تعليقك المتكرر لثلاث مرات متتالية دليل قاطع على صحة المعلومات التي أوردتها في تعليقي السابق, أما التقية فبرغم أنكاركم المستميت لها فهناك الكثير من الدلائل عليها من مراجعكم خاصة ما يسمى بالتقية السياسية, و بالمناسبة لست من الحمقى الذين تضحكون عليهم بالخظاب الديني و لا أحتاج للترجمة من الأنجليزية لأنني أستطيع التحدث بالعربيه مما يمتحني فرصة أستثنائية لدراسة و فهم فكركم الهدام عن كثب!! و السلام,!,
|
|
Alislax AKA Akhwaan
Asxaabta iga horaysay ayaa hadal dhamaysay. Soomaali waa idinka daashay, waxayna u muuqata "sincerity" ayaan ficilkiina ku jirin. Sabab ay tahayba meel baad ka liigaysaaan, ama mabda'a aad wadataan baan xaq ku qotomin, ama dadka intii xun baad xanaanaysaan.
20+ ayaad Soomaali ku dhex jirteen, Meel wax lagu barto dhaqtar, Misaajido, Dowlad kasta oo la soo Mac malo qayb baad ka ahaydeen, wax alaale iyo waxaad tarteena ma jirto. Qolyihiina qab qablayaashuna dagaaladda Sokeeye lug weyn baad ku lahaydeen, macnaheedu maaha, qori baad qaadateen oo naf baad goyseen, laakiin caqliga isticmaala sidda dagaal loogu lug yeesho waad taqaaniin Soomaalina waa idinku og tahaye, inkiraad iyo xuub siibasho ma soconaysa sheekh.
Dantu waxaa weeye, "gacmo laaban Xoolo kuma yimaadaan" Dhoodaan baa gartay waxaad garan weydeen
Nabi Muxamed baa loo jeclaa jaah mar la arkaaye (csw) Isagana waxaa lagu jirabay inuu jihaadaaye Idinkuna xornimo saa jirtaad jiif ka damacdeene
Waxaad ku darsateen Isla Qumanaan!!
|
|
@,
Waxa islaamka Taqwa u yaqaan ciyaal 4 jirkaa ku sharxaaya haddii jaahilnimo kaa haayso,laakiin ma filaayo inay jaahilnimo ku haayso ee...
|
|
@,
Wax aan adduunka laga BEEN sheegi karin Islaamkaa ka jira, Taas waa lagu daalay hortaa.
Si toos ah islaaxa iyo waxaad raadsanayso u abbaar,laakiin lagaama yeelaayo hal dhagaxaan laba shimbir ku dilaa.
|
|
To @,
Yaab waaye walaahi,somali waa shaqa tagatay. Maxaa tiri hadal macaanaa dadkii lagu xaday, marka aan ku waydiiyee adiga ma isku diratay hadal macaan iyo HOOS GALIS?!!.
"qaabka loo yaqaan Taqiya", bal noo sharax yaa u yaqaan??. ma waxaad halkaan la timid kuwii Frankist,jacob frank *Zabatei tzvie raacay ee waayahaan muslinka daba taagnaay hadalkooda.
Waa lagula fahmay meeshaad u socoto.
Islaax iyo waxaad rabto si toos eh u abbaar waa waxay yihiinba hadaan ogahay, laakiin sheekada ingiriiska laguugu soo qoray aad dadka af-somaliga ugu tarjumayso, WAX NAGU CUSUB MA AHA.
Maxaa tiri, al-taqiya, bal noo sheeg yaa Muslim Crypto ah aad taqaan??.
|
|
Somalida Intooda badan maahan dad wax aqriya,Inta badan Informationkooda waxay ka qaataan
idaacadaha dalka ka furan oo inta badan u adeega dano shisheeye, ama dano qabiil, marka ma
jiraan qaab kale oo information dhex dhexaad ah ay dakeenu u heli karaan,! Hadii aan
xaqiiqada ka Hadalno, waxaa is waydiin mudan, YAA DARAN ISLAAX IYO HOGAAMIYAYAASHA
QABAAILKA,? jawaabtu waxay ila tahay sidatan : Horta Hogaamiye qabiil qof walba oo somali ah
ayaa garanaaya wuxuu yahay, Qorshihiisa, Iyo meelaha uu lacagaha ka helo, waa arrin la wada
ogyahay, Hogaamiye kooxeed Hankiisa ugu sareeya waa in qabiilka uu ka dhashay Power'ka ugu
wayn helo, in uu Bank Account'kiisa buuxsado si hadii wax u kala socon waayaan uu u
baxsado.Waa Xaqiiqo la wada ogyahay, Laakin Ururada Islaamiga sheegta ee islaax ka mid yahay
runtii waa Ururro dano shisheeye u adeega ayagoo magac muslim iyo somalinimo ku gambanaaya,
Tusaale ahaan Ururka Islaax(Ikhwaan'ka), Qorshihiisa sirta ah waxaa weeye in Somaliya uu
maskaxda ka qabsado,Taas daliil waxaa u ah , in 80% iskoolada dalka ayagu gacanta ku
haystaan, jaamacada Muqdishana ayagaaba dhistay, Dhawaana farac ayay Boosaaso ka furteen,
taas oo ay uga dan leeyihiin in 15-20 sano ee soo socda ay dalka si buuxda gacanta ugu
dhigaan,sababtoo ah hadii ay waxbarashadii oo dhan gacanta ku hayaan,taas micneheedu waxaa
weeye in Ay maskaxdii dalka ay Kor ka qabsadaan,maadaama madaxdii mustaqbalka ee dalka ka
talin lahaa ay iyagu soo saari doonaan, kuwaas oo dano shisheeye iyo ururro aan la garanayn
u adeegi doona,Tusaale ahaan ma la is waydiiyay, Qorshooyinkooda Culus yaa maal galiya?.....
Ururka Islaax anigu waxaan aaminsanahay inuu ka daran yahay Al shabaab ama ururrada kale,
Sababtoo ah Alshabaab waa urur rag tacliintoodu iska liidato hogaamiyaan oo qaabka fikirka
loo qariyo(AL'TAQIYAH) aan garanayn, laakin ururka islaax waxaa ka dambeeya oo riixaaya Urur
waynaha Al Ikhwaan Al muslimiin ee ninka la yiraahdo Mahdi Caakif ee masaarida ah uu u
taliyo, waana la soconaa wuxuu ninkaas fikir ahaan qabo, Qorshahoodana Qorshe Soomaaliya
maslaxo ugu jirto maahan, Somaliyana kuma ekaan doono, Waa QORSHE international ah, !
Walaalahay somalida ah waxaan ugula talin lahaa inay ka foodjignaadaan ururadaan magacyada
soo badalanaaya, inay Aqriyaan Fikirka(Ideology) ee ka dambeeya, Hadii aad Fikirka fahantid,
Wax kasta waa kuu kala cadaan doonaan, Yaan hadallada Mac Macaan laguugu sirin, SOOMAALIYEEY
WAA INAAN DHAWR ARRIMOOD OO MUHIM AH IS WAYDIINO, MA WAXAAN DOONAYNAA INAAN DAWLAD SOOMAALI
LEEDAHAY DHISNO, MISE INAAN DAWLAD FIKIR KU SALAYSAN DHISNO,??INAGII AYAABA WAX ISU
OGOLAYNE, SIDEE BAAN U OGOLAAN DOONAA DAWLAD FIKIR KU SALAYSAN?? QOF AAN SOMALI EHEEN MA
LAGA YAABAA INUU SOMALIA MADAX KA NOQDO HADII URURADAAN ISLAAMIGA AH AY QABSADAAN DALKA??
AWOOD MA U LEENAHAY INAAN DHISNO DAWLAD DIINEED?? JAMAACADAHAA ISLAAMIGA AH MAXAY KA QABAAN
TIIRARKA DAWLADDA QAAS AHAAN DASTUURKA IYO CALANKA??JAMAACADAHAAN ISLAAMIGA AH QOFKII AAN
FIKIRKA LA WADAAGIN WAX MA U OGOL YIHIIN?? YAA MAAL GALIYA?? SABABTEE SE U MAAL GALIYAA,!!
Ugu dambayntii waxaan jeclaan lahaa inaan Websiteyadaan idinla wadaago, si aan macluumaadka ku jira uga wada faaiidaysano dhamaanteen. http://www.muslimbrotherhood.co.uk/Home.asp?zPage=Systems&System=PressR&Press=Show&Lang=E&ID=6455 http://www.jamestown.org/terrorism/news/article.php?articleid=2369999 http://www.islamonline.net/servlet/Satellite?c=Article_C&cid=1199279680113&pagename=Zone-English-News%2FNWELayout http://en.wikipedia.org/wiki/Muslim_Brotherhood http://en.wikipedia.org/wiki/Mohammed_Mahdi_Akef
SOOMAALIYA ILAAHAY CADAWGEEDA IYO ILMEHEEDA LUNSAN HA KA QABTO.
|
|
Walaalkey Baadiyow, Kheyr alaha ku siiyo, dadka runta ma jecla laakiin waxaa cadeeysay in Somalia qabiilka *Hawiye* dhulka uu dego iyo kuwa u dhowba laga diiday nabad iyo qaranimo in laga sameeyo. Marka waxaan rajo xumo sida aan aragno iyo in dagaal iyo dhib hor leh in ay u sii tafoxeydanayaan. Qaran diid, muslim diid iyo nabad diidka nagu dhex jira alle ha naga qabto.
|
|
Mr. Baadiyoow, Walaal dadka yaan been loo sheegin , waan ka dharagsanahay waxay yihiin (Ikhwaan al muslimiin) oo magacooda somaliya badashay oo ka dhigay (Islaax) Qaabka ururkaas lagu soo abuurnay waan la soconaa, mida labaad islaax intaysa horta dadka soomaalida ah wax u soo bandhigin, Horta ayaga dhexdooda ha heshiiyaan , Waxaan la soconaa in islaax hada laba garab uu yahay , oo laba nin ay isku haystaan, mida labaad islaax waa garab ka mid ah Ururka ikhwaanka ee caalamiga ah ee uu u taliyo ninka masaawirda ah ee Sheekh Mahdi Caakif la yiraahdo ,ninkaas oo afkiisa laga hayo inuusan aqoonsanayn wax dawladnimo la yiraahdo , uusan qorshihiisu yahay in uu dawlad islaami ah (Khilafah )dhiso, si kastaba ha haaatee, dadka yaan la wareerin , Idinka (Islaax) iyo Kooxaha somaliya isku haysta waxba isma dhaantiin.
|
|
Luckymess,
All somali men want to be in charge for one reason, to quickly enrich themselves and their kins.
My suggestion,why tire yourself by doing the same thing only to get the same result.
Call for the Khaliij Gulf wealthy nations to interfere, only Khaliiji, no poor nation allowed here.
Give them the total charge of the High comission that rules the nation to be.
They should controll all Finance and which minnistery should get what.
Auditing firms that has international Reputes shall handel the auditing, i sugget DELOIT AND TOUCHE.
Every penny shall be accounted for.
While Khaliijis pumb the cash in,and as a result buy properties of their own, we shall get a decent life.
Why do we choose them over others? Firstly,they are not ambitious,they do not need to occupy or take over us, secondly,they have the cash and will not steal from our little change.
Thirdly,the clan dispute of who gets what position will END.
Are you with me on this one. if yes, let us start convincing some FAT khaliijis.
|
|
Our arguments on this forum is too much off the line. It would have been better if we discuss how could Somalia be tamed. What is you opinions guys if I may ask you the following question: How Somalias peace could be restored?
|
|
The first Constitution ever by the way baadiye was the constitution of Maddina,by Prophet Mohamed saw.
|
|
Demoqrasiyada ayba wax fiican moodaan dadka qaar, Democracy,waxay ka dhigan tahay Rule of the MOb, dad kugu amar ku taagleeya inay kaa tiro badan yihiin darteed.
America inkastoo gadaaladan dambe afduub ay Demoqraasiyada ku samaysay, waa CONSTITUTIONAL REPUBLIC, qof walba ha ahaado mid laga tira badan yahay ama mid kale waxaa xuquuqdiisa damaanad qaaday CONSTITUTION-ka.
Bal yaa waydiiya Baadiyahaan maqaalka qoray haddii demoqraadiyad la raaco oo dadka intiisa badan waxay u codeeyeen in caruurtaada iskoolada lagu baro, sida lagaroone loo noqdo!!.
hadda fiiri ,xaqa kaliya uu go'aankaas ku taagan yahay waa iyadoo dadka intiisa badan raaceen!!. Yaa yiri dadka intiisa badan aa Xikmad leh!!.
All good things come in small Packages.
Constitutional Republic waa tan ugu dhaw oo ummad muslin eh ogolaan karto, ee ma aha Democracy!!
|
|
Baadiyow is the better faces of Islaax. Unlike Dr. Abdinur of Ohio, who is also a member of islaax.
Baadiyow has been a leader, military man, and a peacemaker since the 1990s. i have watched tapes of islaax making peace between warring clans in hiiraan region.
Always pluralistic and sincere.
Somali Jecle, aka Gaaljecel!. YOU PEOPLE, need to make islaax more than few clans. You are aware of the fanatics wahaabiya have more reach than you, but your Islaax's actions and messege are far superior to theirs
|
|
Baadiyow bin-joqof,
You hit the nail right on the head.
|
|
Stick Carrot. Walaal adoo mahadsan waxaad sheegtaa bal halka islaax dagaal sokeeya kaga qayb qaadatay, mise eedaadu waa tii qarnkeenii iyo umaadeenii burburisay ee aan xaqaaiqada ku dhisnayn. Al-islaaxse haddi ay wadankan si tartiib ah ku qabsato maxaa dhib ah oo ku jira, waxaab la layahy wax si tartiib ah oo aan xoog ahayn wax ku qabsade. Al-islaax waa hal urur way dhici kartaa in xubin ama xubno sharciga ku xadgudbay kana leexda jidkii nabad ku raadinta xalka soomaliya ururka laga saaro, lakiin taas kama dhigayso urur kala jabay. soomali waxay u baahantahay inta isku fikirka ahba ee qabiilka ka xorowady waa in ururo afkaar ku dhisan samaystaan si urukan dabiiciga ah ee primitive ah waa qabiilke looga gudbo. Tan waxay sahalysaa ugu dambayn in ay ururada fikirka ku dhisani is kashadaa.
SOOMALI HANOOLATO HA MIDAWDO.
|
|
Gacaliye,
Odaygani bad iyo baaxadsoore aanu shaqo ku lahayn buu galay, sababtuna waa xukun jacaylka Cabdillaahi Yussuf. Hadda dembiga oo dhan isagaa la saarayaa, laakiin reer koonfureed hadii la yidhaahdo war idinku sida gobollada kale dawlad soo dhista ka dibna ha laysu yimaado, ma kula tahay inay ku heshiinayaan? Aniga shakhsiyan ilama aha, ra'yigaana keligay ma qabo. Waxaa haddana haboonayd inu Cabdillaahi is casilo arrintana koonfur loo daayo si aan eedi iman. Somalidu horay u tidhi: " Hashii nirigta diidaysaa geed ay ku xoqato ma waydo."
|
|
Aslaaxa su'aal baan weydiinayaa
Soomaaliya dhibta ka jirta hawl bay u baahantahaye, ma waxaad rabtaan inaad tartiib tartiib ula wareegtaan xaaladda Soomaaliya idinkoon ul laba u kala jebin kana qayb qaadan xal u helidda Soomaaliya balse ka mid ah dadkii dagaaladii Sokeeye ka qayb qaatay?
Riyo ayaa ka muuqada ajandihiina riyaduna waana rumowdaa waana lagu hungoobaa. Hungadda u badiya taasaad mudan tihiine.
|
|
Could it go the other way: Dawlad diidku waa Nabad diid?
On the ground, we see the opposition instituting some form of governance to implement Sharia Law. So, we basically can NOT say waa dawlad diid maadaama ay mucaaradku ku doodaan in ay dhisaan dawlad Islaami ah. the title misses the core issue and doesn't correspond to the real issue.
But to say "Dawlad diidku waa Nabad diid" fits here. Why? Because by opposing the TFG (even if it is a puppet), the armed opposition are basically doing HARM to the NABAD. In my opinion. So one can argue the opposition is against PEACE, but to argue that they're against DAWLAD is half-truth (because soo iyaga nimankan ka dhisa maamul meeshii ay qabsadaanba?)
Allow na cafi. Aamiin.
|
|
" clever man ought to so regulate his interests that each will fall in due order. Our greediness so often troubles us, making us run after so many things at the same time, that while we too eagerly look after the least we miss the greatest.”
François de la Rochefoucauld.
These greedy fellas will fall when they swallow more than they can chew. Zaila'i of Kismayu said they are on their way to Mogadishu and Baidao.
|
|
Baadyow Brother Somalidu waxay tiraahdaa " dhegihii alle waansho baa waansama" dadka aad la hadleyso waa dhagax toobin saar ee dhuuq. Dad hunguri ku waashay ayaa ku adeeganaya, dhibaataduna weligeed waa soconaysaa in ilaah meelkale farad uga furo maahee, ama adka dhibka wada oo sano 60-80 u dhexeeya oo dhamaada mahee. Forget that country wuxuu noqday god dad laq ah.
|
|
Dawlad<< I guess he is talking about TFG pupets. If you reject pupet government, you are anti peace? If your arguiment is correct, Somali people were anti peace when they rejected the pupet government in 1950s. SYL were anti peace since they didnot want a pupet Government.
|
|
Meesha sartu ka qudhuntay ayuu tabtay Badiyow. Horaase loo yidhi: Waano abuurbaa baa ka horraysey. Wax kasta ha la qoro, wax kastana ha la sheego, nin dan gaar ah wataa waa "daylo ka dhukan" warkiinna.
|
|
Run ahaantii maqaaladda Badiyow waxay si objective ah mar walba u abaaraan xaaladda rasmiga ah ee ka jirta wadankeenii hooyo. Unfortunately many Somalis can not read and if they read they do not understand. The only think they know is clannish ideology and blaming every one. Bravo Badiyow and keep on writing and enlightening your fellow citizen. yeey jiide looks like those who are obsessed with the hatred of other somalis.
Soomaliya ha noolaato hana israacdo.
|
|
Rubbish YEEY propaganda not worthy of response. But, as usual, I'll say YEEY days R numbered. Run YEEY run b/f it's too late.
|
|