Hiiraan online - News and information about Somalia
Home Email Print  




page counter
 

 

Toronto: Ciyaarihii Somali Week oo la soo gabagabeeyey 


Hiiraan Online
Centennial
Park
Stadium
July 13, 2008

 

Kooxda kubadda cagta ee Cardiff  ee dalka Ingriiska ayaa labo (2) iyo eber (0) kaga guuleystay kooxda Wembley ee isla dalka Ingriiska cayaartii kama dambeysta (final)ka ee koobka SOSCA oo sannadkiiba mar  lagu qabto magaalada Toronot ee dalka Canada.

 

Cayaartan oo ay soo qabanqaabiyeen ururka SOSCA ayaa waxaa guud ahaan ka soo qayb galay kooxo gaaray ilaa iyo 16 kooxood oo ka kala yimid Waqooyiga America iyo Yurub.

 

Cayaartan kama dambeysta ah ayaa xiisa gaar ah yeelatay qaybtii dambe  ka dib markii kooxda Cardiff  ay dhaliyeen guulkii ugu horeeyey. Kooxda Wembley oo runtii aad u cayaar wanaagsaa ayaa iska dhumeyey dhowr fursadood oo ay guulal ku dhalin kareen. Laakin wuxuu niyad jab ku dhacay markii laga dhaliyey guulkii labaad cayaartiin ay ku soo gabagabowday 2:1.

 

 

Waxaa xusid mudan cayaartoyga YUSUF oo numberka 4aad difaaca uga ciyaarayey kooxda Wembley oo laysku raacay in uu ahaa cayaartooyga ugu cayaar wanaagsanaa. YUSUF  oo 16 jir ah ayaa mustaqal wanaagsan ku yeelan kara haddii uu sii wada cayaartan kubadda cagta. Guddiga cayaaraha ee SOSCA ayaa YUSUF u gartay in yahay ciyaartoygii ugu difaac wanaagsanaa. Waxaa sidoo ugu guul dhalis badnaa ADAN oo number 9aad uga ciyaarayey koocda Cardiff.

 

Cayaarahan Sannadkaan ayaa waxaa marti ku ahaa macalin Bashir Cabdi Daahir oo deggan dalka Finland kana mid ah dadka sida  aadka ah  ugu ololeeya horumarinta cayaaraha Soomaaliaa.

 

Garoonka Ester Shiner Stadium ayaa waxaa isna halkaas ka dhacayey tartanka kubadda cagta ah oo ay soo  qabanqaabiyeen ururka TODAY. Kooxdii ku cayaareysay magaca Banaadir ee magaaladan Toronto ayaa 3 iyo 1 kaga guuleystay kooxda LONDON STARS. Inkasta oo aysan Hiiraan Online goobjoog ka ahayn cayaarihii ka dhacay garoonkaas, haddane waxaa la soo tabiyey in ay halkaas ka dhacday cayaar xiisa leh oo ay dad badane ka soo qaybgaleen. Waa Sannadkii seddexaad oo laba garoon lagu kala qabanyo cayaaraha kubadda cagta ee sannad waliba lagu qabto magaalada Toronto ee dalka Canada.

 

 

 

Heshiis ay wada saxiixeen ururada TODAY iyo SOSCA.
Dadweynaha reer Toronto oo xiiseey sportiga ayaa walaac ka muujiyey khilaafkan u  dhexeeya labadan urur ee SOSCA iyo TODAY oo laga yaabo mustaqbalka in ay hakad galiyaan cayaarahan xiisaha badan oo looga yimaado adduunka oo dhan gaar ahaan waqooyiga America . 

 

Odayaal  ay ka midyihiin Macalim Bashir Cabdi Daahir, Maxamud  Xasan Qolof,  Liban Gabeyre, Macalin Duke, Macalin Muuse iyo Cumar Ganjab ayaa isku dayey in dhexdhexaadiyaan labada urur laakin weey ku guuldareysteen ka dib markii ay cagajiid kala kulmeen ururka TODAY. Bashir Cabdi  Daahir oo u waramayey  Hiiraan Online ayaa  rajo ka qaba in ay labada urur heshiiyaan maadaam ay labad ururba ay saxiixeen heshiis laysugu soo dhaweeynayo. Ilaa iyo hadda warbixin kama hayno qodobada lagu heshiiyey.

Odayaasha magaalada Toronto ayaa waxaa la gudboon in ay khilaafkan soo afjaraan si ay u ilaaliyaan midnimada iyo wadjirka jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Toronto. Waxay waliba arrintaan kala kaashin karaan xafiiska Duqa magaalada Toronto Mr. David Miller oo marar badan muujiyey sida uu u jecel yahay horumarka jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto.



       
Can't login ?
Account not activated ?? if so please email your account(username,email) info to webmaster@hiiraan.com
Subject = Activate Account
Log In
 
 
Register
Forgot Password

This comments does not reflect HOL.
Report to webmaster@hiiraan.com,if a member(s) misconduct,flaming,ect. .
Subject = Misconduct [username]
Mention what page...
Misconduct members will be blocked.
Rules:
1. Do not post rude comments.
2. Do not repeat. This could lead to blocking your account.
3. Do not be rude to other members.
4. Respect others.

thanks.
 
5 comment(s)
baghdad bob @ 7/19/2008 12:34 PM EST
 They had like 7 different trophies on the table? are they cooling down tempers and giving each tribe its own? lol. well, those complaining about somaliland flag, just see it as a local state flag, mississippi has its own small kind of flag! lol
somqabiildiidka @ 7/17/2008 7:54 AM EST
 owliyo85,

Horta, adoon cadhoon kana xumaan calanka Somaliland waxaan ku xusuusinayaa in ay yihiin Somali dadkani oo marna may diidin Somalinimada.
Lakiin waxay diidan yihiin Siyaasad ahaan. Anigu inkastoon jeclaan lahaa inaynaan ka go'in wadanka Somaliya hadana markaan aad u waraystay ayaga aanaan dalkooda tagay wax badan baa iiga soo kordhay oo maskaxdii aan hore iga qabay wax badan baa iska badelay.
Waxaanad moodaa in ayagu aanay cuqdad ku jirin ee dadkeen koorfurta degeni aanay wali faahansanayn wanaaga, soo dhawaynta, walaaltinimada ay Somalimada u qabaan.

Markaa Koobkani waxuu ahaa mid ka dhaxeeya Somaali, Somalilandna waa dad Somaali ah, waayo,  waxaa laqabtaa koobob carabta ka dhexee, kuwa South Americanka ka dhexeeya iyigoo dhamaantood dowlado kala sheeganaya hadana, maadaama ay asal ahaan meelka soo wada jeedaan ciyaaraha, dhaqanka, hidaha ayaa ka dhexeeya,
oo waaltinimadooda ma ilaawaan.

Markaa Saaxiib, u hanbalyee dhalinta Somaaliyeed ee reer Somaliland ee koobka u kuulaysatay meel walba xumaan iyo nacayb lama galiyee.

dhuungal @ 7/16/2008 1:06 PM EST
 
“Soomaalidu waxay ku maa-maadaa haddii lays dillo, doqontu waxay moodaa in laka tegaayo”


Marka horre waxaan tahniyad iyo hambalyo, u diraayaa dhamaan dadweynaha iyo kooxaha  kasoo qaybgalay
Tartankan sanadeedkan ay isugu miyaadeen.Naadiyada kubada cadta ee SOOMAALIYEED

That includes teams from London, England Canada, united States, Somaliland,
And brothers from Djibouti.>>> we’re all Somalis no matter what flag we wave !






owliyo85 @ 7/16/2008 9:38 AM EST
 Dhaliil iyo Eedeyn ku socta Maamulka Koobka Canada

Waxaan isweydiinaya cida casuntay kooxda Calanka Soomaaliland sidatay waxaa suaal ah maysan ogayn koobka inuu yahay Koob Soomali leedahay mida xigta Somaliland ma aha Dowlad sidee ayaa loogu ogaladay inay sooq aatan calan aan jirin oo kala fogeynaya Ummada Soomaaliyeed Kubada waa arin ka dhaxeysa Bulshada hadii la casumi laha Wadamo kale waxaan onran lahaa waa koob Qaranimo balse Koox ku socta magac Soomaali hadana jeebka kala soo baxday Calan kala goynaya Soomaali taasi waxaa eeda iska leh cida soo casuntay Hanbalayo uma dirayo dhalinyarada la qaday lagana dhaadhiciyay inay Soomaali aysan ahayn waxaa naxdin ah caruurtan sidan u yar cida ku shubtay warkan naxdin ah in Somaliland aysan ahayn Soomaali hadaba cida marti galisay Koobka hadii ay mardanbe falkan oo kale uu dhaco waxaan u gudbin doonaa shacbka Soomaaliyeed in ay jirto arin lagu kala goynayo shacbka Soomaaliyeed taas oo Kubada xageeda ka socta

Guul Soomaaliya
somqabiildiidka @ 7/15/2008 3:40 PM EST
 Hanbalyo, Dhalinta Somaaliyeed ee ka qabaataday ciyaarahan.
Siiba, hanbalyo iyo bogaadin dheeraada walaala reer Somaliland (maadaa ay calanka Somaliland sitaan) sida quruxda badan ee ugu guulaysteen koobka.
Waa wax yaabaha loo baahan yahay in dhalinta Soomaaliyeed lugu guubaabiyo in ay isboortiga badiyaan.


 
:

  


Hiiraan Online 

 

Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 1999-2008 Hiiraan Online