Dilal ay ka geysteen Muqdisho iyo Baraawe
By Mohamed Amin Abubakar

War lagu kalsoon yahay ee aanu ka helney odeyaasha degmada Barawe mar aan khadka telefoonka kula xirriirney ayaa noo xaqiijiyey in bishan Octoobar 21keedii magaalada Barawe si ula kac ah loogu toogtey wiil 23 jir ah oo la oran jirey Maxamed Cabdi (kunyo). Wiilkaas oo sababta loo toogtey ay ahayd isagoo cunto ku cunayey meel luuq ah maalin soon ah.
Wararku waxay sheegayaan in wiilkaas uu ka cararey marku arkey maleeshiyada maxaakiimta oo ku soo fool leh meesha u wax ku cunaayey, dabadeedna mid ka mid ah maleeshiyada maxaakiimta ayaa wiilka dhabarka ka toogtey, isagoo la sheegey in u meesha ku naf waayey.
Marxuumkaas oo isla galabtii lagu aasey magaalada Barawe ayaa waxaa aad uga xumaadey dhamaan dadweynaha ku nool degmada Barawe. Masuu’liyiin ka hadashey arrinkaas ayaa sheegey in falka foosha xun leh uu yahay mid aanan waafaqsaneyn mabaad’ida Diinta Islaamka. Qofka soon u furey dartii diinta ma qabto in loo dilo, waa arrin meel ka dhac ku ah xuquuqda Insaanka.
Maxaakiimta Islaamka oo maamulka Degmada Barawe la wareegey saddex usbuuc ka hor ayaan wax jawaab ah ka bixinin dilkan isaga ah.
Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamka dil ula kac ah u geystaan dad aan waxba galabsan waxayna horay dil ugu geysteen wiil dhalinyaro ah oo badeeco hor iibsanayay agagaarka Shirkadaha Hormuud iyo Amal Express ee magaalada Muqdisho. Wiilkaas waxaa loo dilay sabab la xiriirta in uu gaari gacan uu ku shaqeysanayay uu gadaal u celin waayay.
Sidoo kalena waxay dil ugu geysteen wiil kale oo dhalinyaro ah oo ay ku murmeen iridka Dekedda weyn ee Muqdisho, kaasi oo sida ay hooyadiis sheegtay u foof tegay in uu Dekedda nolol ka soo raadsado. Dhamaan dhalinyaradaas ay maleeshiyooyinka Maxkamadaha dileen ilaa iyo hataan la iskama warsan, waxayna eheladooda uga maqan yihiin si calool xumo ah.
Waxaa jira tacadiyo kale oo ay geystaan Maleeshiyooyinka Maxkmadaha Islaamka oo ay ka mid yihiin in ay dadka waddooyinka isaga garbaashaan iyagoo aanan wax sharci ah u heysan. Si kastaba arrintu ha ahaatee, mas’uuliyiinta Maxkamadaha Islaamka waxaa la gudboon in ay Maleeshiyooyinkooda xakameeyaan waa haddii ay dad u kala cadli soorayaan oo ay Diinta Islaamkana dadka ku dhaqayaan, sida ay sheegtaan.
Mohamed Amin Abubakar
Columbus, Ohio
| Waxaan soo dhaweyneynaa Fikradaha kala duwan ee dadweynaha. Hiiraan Online mas'uul kama ah fikradaha halkaan lagu soo bandhigo - Waad mahadsantihiin |
A.salam.cleykum marka hore ilaha mahada iska leh inoo ogoladey inan is maqalno aman wada hadalno amaba ina tuso dalkena iyo diintena marka an sida leyahay waxa iska jiro dad yar oo an joogin dalka ama anan garan dad kooda ama dadkisa amaba dalkisa dhibka lagu hayey muda badan oolaso dhafey ilahey aya mahada iska leh oo ino so direy amaba garan siiyey raga ama dumarka ka qeyb qatay udhimashada diintoda iyo dalkoda giliyey waqtiga badan oo naf iyo malba lehkuwa kaso horjeda maxkamda islamiga ah ee kajira dalkena hoyo (waxan ilahey uga baryaya inowka dhigo kuwa kaguleysta cadawka dinta dalka)hadii anu so labto ninka kaqoray qoralada xun xun una badalaya kacdon xun ha isku labto hana ka bixiyo raali gelin hadii owyahay (Ethiopian) bartay af somaligana ha iska cadeysto melez zanawiba waxa u wax ku bartay somaliya waxana u kaso qaday kacdonkis somali wana ku casiyey shalay lakin ilaha ka wey iyo (xasbuna laah wanicma wakiil)
|
|
qabsashadii ugu casrisaneyd marbaa soomaaliya rag dangooni ah kaleh xornimo u doodijireen markaii soomaaliya xorowdayna dantooda gaarka ahayd kufushaday. qeybtii maandeeqna lagumawada nooleyne ragbaa gooni ugu noolaa. taa waxaa xigay towradii barakeysney, oo reeraha soomaaliya ugu yaryar ku amar kutaaleeyeen maandeeq caanaheedii koob kushubteen, soomaali inteedii kalana laga wada dhigay ,mid laxirtay, mid la eryay , iyo mid la adoonsaday, xaqiisiina lagu horcunay isgoon raali ka ahayn. Maanta waxa yimid qaar waxba ka duwaneyn kuwii wax boobi jiray isla markaan diina wax ku qaadanaya sidii aan anagu diin lahayn waxna ku qabsankarin. deegaankaagana diin ku dhaqaya kulana leh kiisana dhaqanaya wuxuudoono ku dhaqaya. xukunkii naga dhaxeeyayna ku hantiyay aniga muslin adigana muslin raac, dhistay gole aaynan dooran keensaday taliyeyaal meelwalba u taliya, doorasho iyo wada hadalna diidan. raba waqtiga inay ku lumiyaa itoobiya dowlada ku meelgaarka ah, dekedbaan furnay,iyo wax lamida. dabadana ku wata ciyaal mooryaan u badan wax taba bara iyo dhaqan diina aan lasoo siinin.
|
|
Qaladkan iyo mid kaste oo lamidihi maahan mid la biciidsado; ciidanka maxaakimtu si buuxda uguma tababarna howshan... haddana hor umar lataaban karo ayay ku tilaabsadeen. Hor umarka ay sameeyeen uma uu baneynayo qof iyo laba in ay nafta seejiyaan; sidaa darteed maxaakimta masuuliyiinteedu (waan filayaa in ay u toog hayaa) waa in ay xil dheeraad ah iska saaraan.
Qoraalka maqaalkaan waxa oo kaliya oo ku booriyay maxaakinta "xakamayn" saxna uma arko in uu ku mutaysto "Tigre" ku tilmaamis.
|
|
Maxaakiimta haday wax sameeyeen nin Columbus Ohio fadhiya nooma sheegeen, ee wadanka ayaa laga sheegii lahaa. Waxaa kale oo uu qoraaga leeyahay "Waxaa jira tacadiyo kale oo ay geystaan", Haday Jiraan maxaad u sheegi la'dahay?
Been iyo borobaganda Cadow soomaaliyeed soo dhoobdhoobeen ayuu ku hadalayaa. Soomali nuskeed ayaa "Maxamed Cabdi" la yiraahdaa. Marka in aan been Columbus laga soo diro anagana aan aamino waa naseeb-daro iyo Tigre U shaqeyn.
Wallee Hadii Tagrey soo galo Illaaha wayn Kama Dhige e, Waxay xaasuuq gaystaan waad yaab umbaad u dhimanleeheydeen. Bishii u danbeysay soomali galbeed waxay ku dileen 194 qof oo rayad ah! Marka Amaa iska aamus Waa qoraaga Article-kan baan u jeedaa iyo wixi caraweelo, iyo in wadankeena laqabsada uu hadlaya.... Ama Nin ama Naag wadiinkiisii ama wadankeedii khiyaamay ogaada in aad tihiin!
|
|
Maxakiimta waxaan leyahay waxyaba badaan oo fican ayay sameyeen laakin qhalaadhad badaana wey yelan karan.
|
|
Maxkamadaha ogaada waxaa ka buuxa dad criminal ah, inkastoo jiraan kuwa nadiif ah. Marka inay qof ku toogtaan Xalwo iyo rooti ayuuu cunayaa waa wax aan loo dul qaadan karin. Dhibka xag jirnimada weli ma muuqato laakiin way soo ifbaxayaan tartiib tartiib, sheeko ala talibanos.
|
|
KACDOON SIDAN OO KALE MARKUU MEEL KA DHACO MEELKA DHACYO FARA BADAN AYAA ISKA SOOBIXI KARA. IYADOOY SAAS TAHAY AYAA WAXAA LAGA RABAA MAXAAKIIMTA INAY DADKA WAXAASOO KALE AYKA DHACEEN HADAY JIRAAN INAY XUKUNTO. ANNAGOO MAANTA HADDAAN SOOMALI NAHAY NALAGA RABO INAAN GARAB ISTAAGNO MAXAAKIIMTA, MAADAAMA AY U MUUQDAAN YIDIILADA UGU ROON EE SOOMALIYA U SOO JEEDA. WAAD MAHADSAN TIHIIN.
|
|
aniga xita waxan ku raacsanahay nimankan commentigooda sabab ah illaahay wuxuu quraankiisa kariimka ah ku yiri (injaa a faasiqun fatabayanuu antusiibu qowman bijahaalatin fatusbixuu calaa mafacaltum naadimin)marka warka inla hubsado ayaa wanaagsan
|
|
waa brobagandha raghiis ah. maxakimta diinta way kaa dheereyaan.
|
|
qof si xaqdro ah lagu dilay, oo aan maxakamad aany xukumin, ilaahay waa ka cadhooday. hadaba wallow illama eeka inaynu aflagaado u soo jeedino maxakamada, balse waxa ay ku haboon tahay in la baadho arinta. wax war laga dhigana ma aha, waxani waa propaganda, si fikrad xun looga qaato maxakamdaha ayaa loo soo qoray warkan. hadii aad maxakamadaha ka cabanaysid, isku eeg (compare) nabada hada koonfur ka jirta iyo lix bilood ka hor tii ka jirtay. it seems like your only focus to waite untill icu makes mistake and then report it. let's also hear the good news.
|
|
Hagaag,
Hadda ayaad moodaa in Hiiraan Online waddadii saxda ahayd u martay qoraalkan.
Markii hore wuxuu ku soo baxay dhanka wararka inkastoo uusan war ahayne uu aragti u gaar ah qoraaga tahay.
Qoraaga waxaan ku oran lahaa: Marka aad leedahay warar lagu kalsoon yahay, yaa ku kalsoon? Adiga mise inteenna kale? Maxaannu kuugu rumaysanaa? Ma adigoo Ohio Tim Hortons keeda qaxwa ka cabbaya aad doonaysaa inaad wax nooga sheegto Baraawe iyo Muqdishu.
Hadii aad caddayn hayso fadlan soo bandhig ayaa ku oran lahaa.
|
|