Hay'adda Carruuta la waayey ee Canada oo loo yaqaano MCSC, waxay booliska guud ee magaalada Manchester ee dalka Ingriiska ka taageereysaa baaritaanka laba carruura oo kala ah Kaalid Abuubakar oo lix(6) jir ah iyo Axmed Abuubakar oo asna hadda afar (4) jir ah. Labadaa ilmood waxaa aragtidooda u dambeysay 9kii bisha Apriil ee 2010, markii gaadiid dhulka ah ugu safreen magaalada Amsterdam ayaga oo la socda hooyadood (Aniisa Ibraahim). Carruurta aabahood, Cabdul Abuubakar ayaa ilaa waqtigaas raadgoob weeyey.

Waxaa la ogaaday in Aniisa labada wiil ka iska wadaraaceen magaalada Amsterdam oo ay aadeen Franfurt ee dalka Germany, halkaasna ay dayaarad uga raaceen magaalada Toronto ee dalka Canada. Waxayna Toronto yimaadeen bishii Apriil 13keedii sannadkii 2010.

Aniisa iyo labada wiil midna lama oga dhab ahaan meesha ay ku sugan yihiin, waxaase  u badan tahay in ay wali joogaan magaalada Toronto ee dalka Canada kuna dhex-jiraan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Toronto.

Aniisa ayaa waxaa baadigoobaya booliska, waxaana loo haystaa in ay jabisay amar maxkamadeed iyo in si aan qaanuunka waafaqsaneyn ula baxsatay labadaas wiil. Waxaane loo baqayaa nabadgalyada wiilasha oo horayba ay dareen uga qabtay qaybta daryeelka carruurta (Child Protection Unit) ee Ingriiska; iyadoo isla markaasna jirto walwal laga qaybo canuun culus oo dhinaca maqaarka ah oo Khaalid qabo una baahan daryeel caafimaad.

Kevin Marriott oo ah sarkaalka loo xilsaaray baaritaanka carruurtaas ayaa sheegay in uu si hagar la’aan u goobayey carruurta iyo hooyadooda ilaa bishii Apriil, 2010. Kevin ayaa wuxuu wali ku kalsoonyahay in Aniisa joogto magaalada Toronto, sidaa daraadeed loo baahanyahay taageera ka timaada jaaliyadda Soomaaliyeed. Sarkaalkan oo ka tirsan hay’adda dambi barista (CID) ee koofurta magaalada Manchester ayaa wuxuu ka codsanayaa jaaliyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay soo sheegaan warka ay ka hayaan Aniisa iyo labadiida wiil.

Cabdull Abuubakr oo dhalay labadaan will ayaan carruurtiisa arkin tan iyo waqtigaas uuna la il-daranyahay walwal iyo wal bahaar. Wuxuu carruurta hooyadood ka codsanayaa in uu war ka helo xaaladda carruurtiisa.

Qofkii war ka haya carruurtaas iyo hooyadood wuxuu la soo xiriiri karaa hay’adda carruurta la goobayo ee Canada loona  yaqaano MCSC khadkooda telefoonka ee
1-800-661-6160  ama kala xiriir emailkooda oo ah
[email protected]

Sidoo waxaad la xiriiri kartaa Booliiska magaalada Manchester telefoonkooduna yahay +441618566104 ama Crimestopper 0800 555-111