Guddoomiyaha Baarlmaanka Canada oo qaabilay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
From left to right. His Excelency Shariif Hassan, Speaker of somali Parliament Alan Tonks, Member of Parliament for York-South Weston Hon. Peter Milliken, Speaker of the House of Commons Borys Wrzesnewskyj, Member of Parliament for Etobicoke Center Hon. Jean Augustine, Deputy Speaker of the House of Commons

Isniin Sept 27, 2005 (HOL) - Guddoomiyaha Baarlamaanka Canada Mr. Peter Andrew Stewart Millikent ayaa maalintii shalay ku soo dhaweeyey Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Adan Baarlaanka dalka Canada oo loo yaqaan "House of Commons"

Shariif Xasan oo ka qayb galay doodii baarlamaanka Canada ayaa muddo hal saac dhageysanayey sida ay u wada doodayeen mudaniyaasha xubnaha baarlamaanka Canada.

Waxaa doodaas baarlamaanka sidoo kale lagu martiqaaday qaar ka mida jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Canada.

Intii ay doodu socotay ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Canada wuxuu si gaar ah ugu soo dhaweeyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya halkaas oo ay xildhibaanadii baarlamaanka Canada dhammaan u wada istaageen ayaga oo xushmeynayo guddoomiyaha Baarlamaank Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheik Adan.

Waa markii ugu horeysay taariikhada Canada oo guddoomiye Baarlamaan oo Soomaaliya ka socdo lagu soo dhaweeyo Baarlamaanka Canada oo loo yaqaano "House of Commons".

Dooddi barlamaanka ka dib ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Canada wuxuu shir gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka Canada halkaas oo ay ka wada hadleen sidii xiriir gaar ah ay wada yeelan lahaayeen labada Baarlamaan. Fadhigaas waxaa goob joog ka ahaa Ra'iisul wasaare ku-xigeenka dowladda KMG ah Dr. Maxamuud Cabdullahi Jaamac "Sifir", Hon. Jean Augustine, ku-xigeenka guddoomiayah Baarlamaanka, Mudane Alan Tonks oo ah mudane laga soo doorto magaalada Toronto iyo Mudan Borys Wrzenewskyj oo isna ah mudane laga soo doorto magaalada Toronto.

Mudane Shariif Xasan iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa waayahaanba booqasho ku marayey waqooyiga America ayagoo horay u soo maray magaalooyinka New York, Washington, Minneapolis, Toronot iyo Ottawa.

Xalay ayuu Guddoomiyaha baarlamaanka la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada ottawa. Dib ayaan warbixin ballaaran oo ku saabsan booqashada Guddoomiyaha Baarlmaanka uu ku yimid magaaladan Ottawa idiin ku soo gudbindoonaa iyo sawiro aad xiiso badan.

.







 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright � 2005 Hiiraan Online