Wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Washington D.C    


Axad September 11, 2005.

Guddomiyaha Baarlamaanka, Mudane Shariif Xassan Sheikh Adan

Washington D.C (HOL). Shir ballaaran oo ay soo qabanqaabiyeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee xarunta dalka Mareykanka ee Washington D.C iyo duleedkeeda ayaa galabnimadii Axadda ay ka hadleen wafdi isugu jira xildhibaanno iyo wasiiro ka tirsan DFKMG, uuna hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo imminka booqasho rasmi ah ku jooga dalka Mareykanka.

Boqolaal Soomaali ah ah ayaa soo buux-dhaafiyey hoolkii shirka, si ay u dhageystaan warbixinadii ay soo jeedinayeen xildhibaannada iyo wasiirada martida u ah.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka DFKMG, Mudane Dr. Max’ud C/llahi Jamac (Sifir), Guddomiyaha Baarlamaanka, Mudane Shariif Xassan Sheikh Adan, Xildhibaanada kala ah: Prof. Cabdiraxman Adan (Ibbi), Max’ed Xassan Daryeel, Zakariya Max’ud Xaji, Caasha Axmed Cabdalla, Axmed Cabdiraxman iyo Mustafa Dhuxulow ayaa dhamaantood halkaas warbixino ku saabsan DFKMG ah kulankaas ka soo jeediyey.

Wafdiga ayaa warbixintooda ku qiray in DFKMG ah uu ku dhex jiro khilaaf dilaa ah, oo hadii aan wax laga qaban handadi kara jiritaanka heshiiskii labada sano loo fadhiyey.

Waxeey kaloo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee qurbaha, gaar ahaan kuwa ku dhaqan agagaarka xarunta Mareykanka ee Washington D.C, wafdigu ka codsadeen ineey door wax ku ool ah ku yeeshaan isu soo dhaweynta labada garab ee Jowhar iyo Muqdisho, oo ah fariisimahooda lagu muransan yahay, laguna kala magacaabo.

Dadweynihii ka soo qaybgalay soo dhaweynta , Guddoomiyaha baarlamaanka iyo wafdigiisa

Saddexda maalmood ee soo socota, Isniinta, Talaadada iyo Arbacada ayaa lagu wadaa in wafdigu uu kalamo la yeesho mudanayaal ka tirsan aqallada sare (Senate) iyo kan hoose (House) ee Mareykanka, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo madax kale oo Mareykan ah.

Ilo xogogaal ah ayaa HOL u xaqiijiyey in maalinta Arbacada ah, Bisha September-na ay 14-ka tahay lagu wado in wafdigu uu u soo kicitimo magaalooyinka mataanaha ah ee Minneapolis iyo Saint Paul, oo ah qiblada jaaliyadda Soomaaliyeed ee ugu ballaaran dalka Mareykanka.

Maalinta khamiista ah ayaa, sida qabanqaabiyayaashu HOL u sheegeen, lagu wadaa in wafdigu uu misana kulamo la yeesho madaxda sare ee Gobolkan Minnesota ka tirsan.

Fiidnimada Jimcaha ayaa la qorsheeyey in wafdigan Soomaaliyeedi ay kulan gaar ah la yeeshaan dad laga soo xulay hormuudayaasha, aqoonyahannada, culimaa’udiinka, siyaasiyiinta, odayaashaa, ardayda, dhalinyarada, haweenka iyo madax Soomaali iyo Mareykan-ba isugu jira oo gobolka Minnesota ka tirsan.

Galabnimada Sabtida oo bishan September ay 17-ka tahay-na wafidgu waxa ay goob fagaare ah kula hadli doonaan kumanaan Soomaali ah.

Guddiga qabanqaabada booqashada wafidga ayaa ii sheegay ineey shaqo galinayaan cutubyo ka tirsan ciidamada amaanka ee Gobolkan Minnesota, si ay uga hortagaan “rabshado” laga yaabo in wafdiga la beegsado inta eey Minnesota joogaan. Arrinkan ayaa salka ku haya qalalaase agaasiman oo bishii Maarso ee sanadkan koox dumar ahi ka alooseen shir lagu taageerayey go’aankii Golaha Baarlamaanku ku diideen Ciidamada dalalka Safka hore.

Tan iyo waagaas wixii ka dambeeyey, shirarka siyaasadeed ee gobolkan ayaa lagu arkayey saraakiil Booliis ah oo ilaalinaya habsami u socodka shirarka Soomaalida. Dhoola-tuskan ayeey Soomaali badani u arkaan inuu waji gabax ku yahay jaaliyadda Soomaalida oo, sida laga filayey, aysan aheyn ineey iska qash-qashaadaan shir si nabad-galyo ah ku socda, waliba iyagoo jooga dal aad looga qadariyo xorriyatul-qowl-ka.

Horaanta todobaadka soo socda ayaa lagu wadaa in wafdigu ay New York ku laabtaan, iyagoo deedna u sii huleeli doona Yurub, ka hor intaaney Muqdishu ku biyo shuban.

C/raxman Ceynte
Hiiraan Online
Minneapolis , MN
[email protected]

 






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online