
Jimco Oktoobar 28, Ottawa, Canada - (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Ontario ee Dalkan Canada Mudane Dalton McGuinty uu wehiyo Walaalkii X/dhibaan Daivid McGuinty oo ah mudane ka tirsan Baarlamaanka Dowladda Federalka Canada ayaa Masaajida Al-Huda waxay kula AFUREEN qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa.
Waxaa Mudane McGuinty halkaas ku soo dhaweeyey ku simaha Imaamka Masaajika Suleyman Cismaan Xirsi iyo odayaal ka tirsan jaaliyada Soomaaliyeed. Waxaa halkaas khudbad soo dhaweyn ah ka jeediyey Abdulhakim Sheikh Maxamed Rashaad oo warbixin kooban ka siiyey qorshaha Masjidka cusub ee MASJIDU ASALAAM oo dhawaan laga Furidoono koofurta magaalada Ottawa.
Ka dib waxaa hadalkii la wareegey Mudane Dalton McGuinty oo halkaas kula hadlay jaaliyadii Soomaaliyeed. Mudane McGuinty waxaa uu ka waramay muhimadda ay leedahay isku xirnaashaha iyo jaceyka qoyska isaga oo misaal u soo qaatay qoyska uu ka dhashay oo ka koobnaa 12 qofood. "Waaya aragnimo wanaagsan ayaan ka helay nolosha qoyskeyga taas oo ii sahashay maamulidda 12ka Malyuun ee ku nool gobolkan Ontario" ayuu yiri Mudane. McGuinty.
Mudane McGuinty wuxuu tacsi gaara u diray Muslimiinta isaga oo uga tacsiyadeynayo dhul gariirkii ka dhacay dalka Baskistaan oo ay ku dhinteen dad ka badan 80,000 (Sideetan kun) oo qofood.
Daauud Aden oo ka mid ah ardayda wax ka barata Jaamacadda Carleton Univeristy ee magaalada Ottawa ayaa ka codsaday Mudane McGuinty in dowladda uu madaxda ka yahay wax ka qabato qiimaha lagu dhigto jaamacadaha Ontario oo sii khordhaya maaliba maalinta ka dambeysa. Waxaa sidoo kale halkaas su’aalo ka kala weydiiyey Guddoomiyaha Amino Mohamed iyo Sahra Macalim Dahir oo ka codsaday in dowladda Ontario kaalmeyso ganacsatada yar yare e gobolka.
Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Gobolka Ontario wuxuu soo dhaweeyey furitaanka Masaajidka Cusub oo ay jaaliyadda Soomaaliyeed ka hirgalisay magaalada Ottawa. Masaajikaas oo loogu magac daray (MASJID ASSALAAM) oo ay iibsadeen jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa. Wuxuu Mudane McGuinty ballanqaaday in uu Masaajidka la shaqeyndoono wixii kaalmo ahna ku taageeridoono.
Waxaa sidoo kale jaaliyadda Soomaaliyeed isna la hadlay Mudane David McGuinty oo ballanqaaday in uu la shaqeyndoono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ottawa.
Labadaan Mudane oo wada dhashay ayaa waxaa laga soo doortaa koofurta Ottawa oo ah deegaan ay Soomaalidu ku badan tahay.

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriira telefoonada kala ah:
(613) 244-0331
(613) 884-7490
Ottawanews@hiiraan.com
Hiiraan Online
|