UN Report

2007 DV
    DV2007    
    Ka Qaybqaado Tartanka Baqtiyaanasiibka Sharciga Mareykanka ee Sannadkan    


Barnaamijkan loogu qaybinaayo visa-ha dadka ku nool dunida dacaladeeda ayaa waxaa ansixiyay Congress-ka dowlada Maraykanka. Waxaana barnaamijkan loo xilsaaray in ay fuliso wasaarada arimaha dibeda ee Maraykanka oo tixraacaysa  qodobaka 203(c). Sidoo kale waaxda socdaalka Maraykanka oo cuskanaysa qodobka  131, oo soo baxay sanadkii 1990, lambarkiisuna ahaa (Pub. L. 101-649).
Hadaba dowlada Maraykanku waxay ku talo gashay sanadkiiba in ay bixiso 50,000 (konton kun) oo sharciga deganaanshaha dalka Maraykanka (permanent resident visas ).  Hadaba waxaa jira shuruudo lagu xiray qofka doonaya in uu ka qayb qaato barnaamijkan, shuruudahaas oo kala ah:

  1. Qofku waa in uu haystaa shahaado dugsi sare ah, ama wax u dhigma, hadii kale:
  2. Qofku waa in uu leeyahay khibrad shaqo oo uu shantii sano ee ugu danbeeysey uu laba sano oo ka mid ah soo shaqeeyey, isla markaana ay shaqada uu qabtay ay tahay mid u baahneyd ilaa labo sano oo waxbarasho ama tababar ah.

Barnaamijkan waxaan loo ogolayn dadka u dhashay wadamada hoos ku qoran:
CANADA, CHINA (qofka Shiinaha ku dhashay), COLOMBIA, DOMINICAN REPUBLIC, EL SALVADOR, HAITI, INDIA, JAMAICA, MEXICO, PAKISTAN, PHILIPPINES, POLAND, RUSSIA, SOUTH KOREA, UNITED KINGDOM (marka laga reebo Ireland) iyo jasiiradaha hoos yimaada xukuumada wadanka Ingiriiska, iyo VIETNAM. Wadamada Hong Kong SAR, Macau SAR and Taiwan waa loo ogol yahay.

Qofkasta oo ku dhashay Soomaaliya Jinsiyad kasta ha haystee wuu ka qayb qaadan karaa barnaamijkaan. Tusaale: Haddii aad ku dhalatay Soomaaliya balse aad qaadatay dhalashada waddanka Canada, waad ka qaybqaadan kartaa.

Hadaba DV-2007 wuxuu bilaabanaya maalinta Arbacada, OCTOBER 5, 2005 wuxuuna dhamaanayaa ama la joojinayaa, DECEMBER 4, 2005.

Waxaa laga codsanayaa dhamaan dadka ka qayb qaadanaya barnaamijkan in ayna la daahin codsigooda oo ay sida ugu dhaqso badan u soo diraan codsigooda.

Siyaabaha sawirka la isaga qaadayaa waa in ay sidan ahaadaan:

Madaxa

  1. Waa in aad toos u eegtaa Kaamarada
  2. Madaxaagu waa in aanu hoos, kor ama dhinac kale u qaloocin
  3. Madaxaagu waa in uu noqdaa ugu yaraan 50% inta sawirka loogu tala galay( waa in wajigaagu si fiican ugu dhex jiraa meesha sawirka loogu tala galay)

Meesha la isku sawirayo:

  1. Meesha sawirka la iskaga qaadayaa waa in ay tahay meel iftiin caadi ah leh
  2. Lama ogola sawir meel mugdi ah layskaga qaaday

-Kaamiradu waa in ay joogtaa meesha ay ku qoran tahay FOCUS (hadii kale waydii qofka ka shaqaynaya sawirlaha)

-Lama ogola sawir qofku uu muraayado ama ookiyaale gashan yahay, ama wax kale oo indhaha qofka qarinaya.

Sawirada qofku uu gashan yahay ama xiran yahay waxyaalaha madaxa lagu asturo, waa la ogol yahay hadii ay diintaadu sidaa amrayso, laakiin, waa in qofka wejigiisa oo dhan la arki karaa.

Waxaa kale oo lagaa doonayaa:

  1. Magacaaga oo saddexan: Kan awoowaha, magacaaga kowaad iyo kan aabaha
  2. Taariikhda dhalashada;  Maalinta, bisha iyo sanadka
  3. Lab ama dhedig
  4. Magaalada aad ku dhalatay
  5. Wadanka aad u dhalatay
  6. Sawirkaaga. Waa in aad si fiican ugu fiirsataa qoraalka kor ku qoran ee ka hadlaya sida sawirka la isaga qaado.
  7. Cinwaankaaga boostada oo dhan
  8. Waa in aad sheegtaa hadii wadankan aad ku dhalatay aadan u dhalan dhalasho ahaan.
  9. Xaaladaada guurka: Qof aan weli guursan, qof xaas ah, qof la furay, qof laga dhintay.
  10. Inta caruur aad dhashay oo aan weli guursan, kow iyo labaatan sano (21) ay da’dooduna ka yar tahay. Marka laga reebo caruurta Maraykan sharciga deganaanshaha ku lah ama kan dhalashadaba haysta.
  11. Xaaskaaga (ninkaaga ama naagtaada) magaceeda oo buuxa, taariikhda dhalashada, meesha ay/uu ku dhashay/dhalatay, wadanka uu/ ay ku dhalatay/dhashay, iyo sawirka qofka, waa in aad si fiican ugu fiirsataa qoraalka kor ku qoran ee ka hadlaya sida sawirka la isaga qaado.
  12. Caruurtaada magacyadooda oo buuxa, taariikhda dhalashada, meesha ay ku dhasheen, wadanka ay ku dhasheen, iyo sawiradooda, waa in aad si fiican ugu fiirsataa qoraalka kor ku qoran ee ka hadlaya sida sawirka la isaga qaado.

F.G:
Dhamaan codsiyada waa in si fiican loo soo buuxiyaa meelaha magacayada, taariikhda dhalashada, meesha qofka xaaskiisu ku dhashay/dhalatay, iyo dhamaan caruurta aad dhasheen, iyo weliba kuwa aad korsateen iyo kuwa waalidka mid ka mid ahi uu horey u soo dhalay guurkooda ka hor oo uu qof kale u dhalay, (marka laga reebo caruurta Maraykan sharciga deganaanshaha ku lhh ama kan dhalashadaba haysta). Waa in aad sheegtaa dhamaan caruurtaada oo dhan xataa hadii ayna kula joogin ama ku soo raaceyn.

F.G:
Caruurtaadu hadii ay 21-sano ka wayn yihiin ama ay guursadeen oo xaas leeyihiin (wiil iyo gabar waa isku mid) kuma soo raaci karaan, laakiin keligood codsi gaar ah ayay codsan karaan.

DV_TXT

Hiiraan Online waxay ugu bishaaraynaysaa dhamaan umadda Soomaaliyeed ee ku kala nool wadamada loo ogol yahay sanadkan in ay ka qayb qaataan DV-2007, in ay Hiiraan Online u fududaynayso buuxbuuxinta foomamka oo computer-ka loogu diridoono. Waxaa diyaar kuugu ah xafiiska Hiiraan Online dad khibrad dheer u leh buuxinta foomamkaaga iyo habka loogu diro Computerka.

Qofkii doonaya in hawshaas loo fududeeyo waa in uu soo diro waxyaabaha looga baahan yahay ee kor ku xusan oo dhan.

Hadaba, maadaama ay hawshani u baahan tahay waqti fara badan iyo taxadar, waxay Hiiraan Online dadka ka qaadaysaa lacagahan hoos ku qoran, iyadoo ay ku xirantahay wadanka aad ku nooshahay:

Hadii aad degantahay:

Africa ama Asia, qiimuhu waa $30
Europe, Australia, New Zealand, North America, qiimuhu waa $50

Qiimahan kor ku qoran waxaa lagaa doonayaa marka ugu horeysa oo keliya.

Fiiro Gaar ah:

Hiiraan Online waxa keliya oo ay kuu fududaynaysaa xereenta foomamka laakiin kuuma balanqaadayso in aad ku guulaysan doonto sharciga. Lacagta layska qaadeyna lama soo celinayo marka foomka laguu xereeyo.

Sawirada iyo warbixintaadaba ku soo hagaaji:
Hiiraan Online
312A-2660 Southvale Cres
Ottawa, ON
K1B 4W5
Canada
E-mail: [email protected]





 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online