Waxaa ka dhacay magaalada Columbus, Ohio maalintii Jimcaha oo bisha Agoosto ahayd 12ka xaflad lagu soo dhoweeynayey Professor Suleiman Ahmed Guleid oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka.
Professor Guleid waaxaa ku soo dhoweeyey xafladda aqoonyahaano iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Professor Nur Cabdi Hussen, Macallin Cali Mirreh Cawaale iyo Dr. Cabdinur Sh. Maxamed iyo aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka soo qeyb galay xafladaas lagu qabtay dugsiga hoose/dhexe ee International Academy of Columbus. Xafladdaan waxaa soo wada qaban qaabiyey ururada Mogadishu Univesity Foundation iyo Amoud Foundation.
Professor Guleid oo halkaa ka jeediyey khudbad isugu jirtay warbixin la xiriirta dowrka jaamicadaha Soomaliya ay kaga jiraan horumarka waxbrashada dalka, dadaalka ay gaartay Amoud University iyo kaalinta Soomalida deggen dibedda ay ka qaadan karaan horumarinta waxbrashada dalka. Professor Suleiman wuxuu aad ugu nuuxnuuxsady baahida waxbarshada ka jirta dalka iyo dadaalka ay muujiyaan jaamicadaha dalka in ay haqabtiraan baahidaas.
Khubadaa Madaxweynaha ka dib, waxaa dadweynihii ka soo qeybgalay xafladda ay muujiyeen farxadda ay u qabaan dadaalka Professor Suleiman iyo Amoud University ka gaartay horumarka waxbarshada dalka isla markaasana ay qeyb libaax ka qaateen lacag uruurrin (fundraising) loo wada dhan yahay oo halkaas lagu qabtay.
Professor Guleid waxaa kale oo uu ka qeyb galay mart gelin ay u sameeyeen madaxda iyo maamulka Jaamicadda Ohio State University. Professor Suleiman oo ay qado sharaf u sameeysey jaamicadda Ohio State University waxaa uu u gudbiyey warbixin guud ah oo ku saabsan xaaladda waxbarshada Somalia, islamarkaasna ku adkeeyey kaalinta ay jaamicadaha Mareykanka ay ka geli karaan in xiriir wada shaqeeyn iyo aqoon isweydaarsi ay la yesshaan jaamicadda Amoud iyo jaamicadaha kale ee ka furan dalka.
