Somali Youth Soccer Association of Ottawa    


Dhallinyada ay da'doodu u dhaxeyso 8 - 13 sanno ayaa muddo laba bilood wuxuu tartan kubadda cagta ah uga socday magaalada Ottawa ee dalka Canada.

Tartankaan oo aad u xiiso badnaa ayaa waxaa ka qayb galay toban iyo lix (16)kooxood oo loo kala qaybiyey (8)Sedeed kooxood oo ay da'doodu tahay 8 ilaa iyo 10 jir iyo (8)Sedeed kooxood oo kale oo ay da'doodu u dhaxayso 11 ilaa iyo 13 jir.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa ayaa si joogta ah uga qayb gali jiray daawashada ciyaarahaan oo la soo gabagabeeyey maalintii sabtida ahayd bishan August 20keedii halkaas oo lagu bixiyey koobab iyo bilado la guddoonsiiyey kooxahii ka qayb galay ciyaarahaas.

Halkaan ka fiirso dhammaan sawiradii laga soo qaaday tartanka kubadda cagta ee dhallanka soomaaliyeed ee magaalada Ottawa

Halkaana ka dhageyso warbixin uu ciyaarahaan ka soo diyaariyey Cabdulqadir Guled (Rasta) - 20 Aug 2005

 

Koobka kowaad oo ah " Champion " oo socday muddu laba bilood ah ayaa waxaa ku guuleystay kooxda ku cayaareysay magac "Filaj A " oo heshay 18 dhibcood (Fiiri Shaxda hoos ku qoran)

Kooxaha Da'doodo tahay (11 ilaa 13 Jir)

 Kooxaha

C

Bd

Br

Lb

Dhibco

 * Filaj “A”

6

6

0

0

18

 South Star “A”

6

5

0

1

15

 J.D.S. Plus “Ledbury”

6

4

0

2

12

 Golden Cut “Jubba”

6

3

0

3

9

 Amal Express “ Overbrook ”

6

2

0

4

6

 Filaj “B”

6

1

0

5

3

 South Star “B”

6

0

0

6

0

Sidoo kale Kooxda ku cayaareysay magac South Star "A" day'dooda (8 - 10 jir) ayaa ku guuleystay ayaga oo helay 19 dhibcood (Fiiri Shaxda hoos ku qoran)

Kooxaha Da'doodu tahay (8 ila 10 Jir)

 Team

C

Bd

Br

Lb

Dhibco

 South Star “A”

7

6

1

0

19

  Dahabshiil “ Overbrook ”

7

5

2

0

17

 Filaj “B”

7

4

2

1

14

 Arta

7

4

1

2

13

 Amal Express

7

2

0

4

6

Golden Cut “Jubba”

7

1

0

6

3

  Filaj “A”

7

1

0

6

3

  South Star “B”

7

0

0

7

0

Tartankii soconayey halka maalin oo runtii aad u xiisa badanaa ayaa waxaa ku kala guuleystay kooxaha kala ah:
JDS Plus (11-13) Jir iyo Kooxda ku ciyaareysa magac Filaj B

Cayaarahaan oo si habsami ah u soo gabagaboobay ayaa waxaa soo qabanqaabiyey xil gaar ahna iska saaray waalidiinta iyo ganacsatada Soomaaliyeed oo ku nool magaalada Ottawa. Waxayna tilmaan ku dayasho leh u tahay dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in caruurtooda ku dhiirigaliyaan ciyaaraha kala duwan.

Guled Axmedey oo ah tababaraha Kooxda Filaj A oo u waramay Hiiraan Online ayaa tartankan ku tilmaamay guul u soo hoyatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Ottawa. Wuxuuna ka codsaday dhammaan waalidiinta iyo ganacsatada ku nool magaalada Ottawa in ay u diyaargaroobaan sidii ay uga wada qaybgali lahaayeen sannadka soo socda (2006) hadii alla idmo.







 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online