Shirweynihii Saddexaad ee Ardayda Soomaaliyeed ee Waqooyiga America
Madaxweynihii hore iyo kan cusub

Columbus, OHIO (HOL). Ururka Ardayda Soomaaliyeed ee Waqooyiga America ee marka magiciisa afka qalaad la soo gaabiyo NASSU (North American Somali Student Union) loo yaqaano ayaa horaantii bishan August shirweynohoodii saddexaad ku qabsaday magaalada Columbus ee gobolka Ohio. Kulankan oo sanadkiiba mar la qabto, labadii horena Minnesota lagu qabtay ayaa soo jiitay boqolaal arday jaamacadeed Soomaaliyeed oo Mareynkanka iyo Canada wax ka barta. Aqoonyahano, culimaa’udiin iyo ciyaariyahanno Soomaaliya aad looga yaqaanana shirka weey ka soo qeyb galeen. Saddex maalmood oo shirar, aqoon is weydaarsi, is barasho, sheekeysi, madadaalo iyo ciyaaro isugu jiray kadib, NASSU waxeey dooratay maamul cusub oo sanadka soo socda sii baxnaaniya ururkan curdanka ah, siina amba qaada hadafyo qabyo u ahaa maamulkii hore.

NASSU waxeey laba sano ka hor ku dhalatay gobolka Minnesota, oo eey deggan yihiin ardaydii eey maskaxdooda ka soo maaxatay fikirka ah nidaam ardayeed oo illaa Canada dherer jiidan. Kulan wada tashi iyo tusaaleyn ah ayeey 2003-dii Minnesota ku qabsadeen. Sanadkii 2004-ta, bishii Augusta-na, NASSU ayaa dhidibada loo aasay, iyadoo eey goob joog ka ahaayeen ku dhawaad sideed gobol oo Mareykan ah iyo laba Canada ah.

Maamulkii Hore

Madaxweynihii hore ee NASSU, Mudane C/nasir Geelle iyo maamulkiisa, oo ka koobnaa Madaxeyne ku xigeen, khasnaji, xiriiriye iyo gacan-yare ayaa ururka soo dhaafiyey wareeg adag oo caqabado badan. Dhowr qodob ayeey hadaf ka dhigteen sanadkii eey talada NASSU hayeen:

  1. Sharciyeynta jiritaan-ka ururka iyo xisaab u sameyntiisa.
  2. Ballaarinta xubnaha matala gobollada NASSU ee Mareykanka iyo Canada.
  3. Dibu qaabeynta iyo isku shaandheynta dastuurka ururka ee ceeriinka ahaa.
  4. Xoojinta xiriirka ardayda Waqooyiga America ka dhaxeeya.

Affartaas rajjo-ba waa eey ka dhabeeyeen maamuulkii hore. Si rasmi ah ayuu ururku uga sharciyeysan yahay Mareykanka, isagoo heysta oggolaanshaha hey’ad aan faa’iidoo doon aheyn. Isla markaana leh xisaab bangi oo lagu maareeyo dhaqaalaha loogu arrimiyo ururka. Dhanka ballaarinta, halkii eey 10 gobol ka joogeen shirkii hore, isugeyn 13 gobol oo Mareykan & Canada ah ayaa soo xaadiray shirkan dambe. Halka xubnaha ardayduna uu boqolaal gaarayo. Sidoo kale, maamulkii hore wuxuu ku guuleystay dibu habeynta dastuurka NASSU, is beddelka ugu weynna waa in xilliga uu madaxweynuhu jagada hayn karo laga soo dhimay laba sano oo imminka sanad laga dhigay, taas oo doorashooyin xor ah lagu soo xuli doono marka shirweyne la isugu yimaado sanadkiiba mar. Malaha guusha ugu weyn ee maamulkii hore eey soo hooyeen waxaa ugu badan qodobka affaraad ee xoojinta xiriirka ardayda. Intii eey maamulka hayeen, dhowr kulan ayeey Minnesota, Ohio, Atlanta, Seattle iyo waliba Ottawa oo Canada ah ku qabteen. Ku dhawaad todobaad walba kulamo dhanka teleefonka iyo waliba tiknoolojiyad kale oo casri ah la isticmaalayo ayeey qaban jireen. Intaas waxaa sii dheer in maamulkii hore eey ururka u sameeyeen bar uu ku leeyahay shabakada Internet-ka, cinwaankeeduna yahay www.nassunet.org

Laakiin maamulkii hore kama marneyn caqabado: Tan ugu weyn waxeey aheyd iyagoo filayey in arday intan ka badan eey si firfircoon uga soo qeyb gali doonaan geedi socodka ururkooda.

Maamulka Cusub:

Maamulka Cusub

Madaxweyne waxaa loo doortay Max’ud Cilmi oo reer Ohio ah, horena aad uga dhex muuqday gudaha ardayda Ohio, jagooyin sarsare oo horena ka soo dhex qabtay. Halka jagada madaxweyne-ku xigeenka, oo aad moodo in gabdhaha Soomaaliyeedi eey si gaar ah u daneynayaan, maxaa yeelay sanadkii horena gabar baa haysay, loo doortay Maymun Cilmi Nageye oo reer Kentucky ah. Khasnajiga ama Keydiyaha ururkana Max’ed Cali oo reer Ohio ah, halka xiriirinta ama isku xirka loo doortay Faysal Cabdullahi oo reer Toronto, Canada ah. Dhanka gacan-yarahana waxaa lagu aaminay Mabruuk Xabiib oo iyaduna Kentucky deggan.

Su’aashu waxeey noqon kartaa sidee beey isula shaqeyn karaan dad kala fog? Jawaabtu waa sahlan tahay: Mahadi ha ka gaarto tiknoolajiyada isgaarsiinta casriga ah sida: Taleefonka, Internetka iyo waliba gaadiidka sida fudud Waqooyiga America isaga goosha. Dhab ahaan, shanta hadda la doortay waa eey isaga dhow yihiin kuwii hore oo Minnesota, Boston, Seattle, Atlanta & Ohio ka kala imaan jiray. Ohio iyo Kentucky oo affar kamid ah shanta guddiga fulinta ku jira, 3 saacadood uu safar dhulka ah ayeey isu jiraan. Toronto qofkii ka soo quraacdana Ohio waa uu u soo qado tagi karaa. Taas oo macneheedu yahay in Guddiga Fulintu dhamaadka todobaad walba ay xaalka NASSU ka arrinsan karaan.

Is beddellada ugu weyn ee ka soo dhex burqaday NASSU tan iyo sanadkii hore laba qodob ayaa lagu soo koobi karaa:

  • Maamulkii hore waxeey u badnaayeen arday iyagoo qaangaaray Mareykanka iyo Canada yimid, marka eey English-ka ku hadlayaana laga dareemi karo ajnabinimadooda. Is beddel weyn ayaa taas ku yimid. Dhalinyarada la doortay waxeey u badan yihiin kuwa dugsi hoose illaa sare Mareykan iyo Canada uga baxay. Iyaga iyo qofka Mareykanka ah waa isku lahjad. Firfircooni dheeraad ah ayaana ka muuqata. Lamase hubo inta uu waxqabadkoodu la ekaan doono.
  • Reer Minnesota oo laga waayey raadaarkii hogaanka ururkii eey iyagu soo allifeen markii horeba. In kastoo dhowr reer Minnesota ah isu sharaxeen, ama damceen ineey isu taagaan doorashooyinka jagooyinka sarsare ee NASSU, hadana waxaad moodaa in loo hamuun qabay wajiyo aan Minnesota ka iman, mar hadii madaxweynihii ugu horeeyey iyo labadii shir ee hore eey Minnesota lug ku lahaayeen. Malaha taana waxeey salka ku heysaa habacsanaan gaamurtay oo la soo darista ururadii ardayda ee hore uga jiray Minnesota.

Marti Sharaftii Madasha Ka Hadashay:

Sida shirarkii horeba, kulankanna waxaa dadkii ka soo qeyb galay kamid ahaa:

  • Professor Suleyman Guleid, Horumuudka Jaamacadda Camuud ee Boorame oo booqasho ku kala bixinaya Waqooyiga America.
  • Professor Cabdinur Max’ed oo wax ka dhiga Jaamcadda Muqdisho.
  • Dr. Warsame Cali oo ah seynis yahan ka shaqeeya hey’adda NASA ee culuumta hawada sare iyo dayax-gacmeedyada Mareykanka u qaabilsan.
  • Cabdi Bille Cabdi, Orodyahankii Soomaaliyeed.
  • Shamso Bashir Cali, aqoonyahan iyo macallin Soomaaliyeed.
  • Kaltun Cabdi Karaani, Arday firfircoon oo ka tirsan arday Ohio.

Dhamaan aqoonyahnnadan ayuu hadalkoodu aad u soo jiitay ka soo qeyb galayaashii madasha. Professor Guleid-ka Camuud ayaa hadalkiisu aad u xiiso galiyey ardaydii, markii uu uga sheekeynayey waagii uu ardayga ka ahaa Mareykana, lixdameeyadii, xilligaas oo uu midab takoor-ka Mareykankuna heerkiisii ugu foosha xumaa marayey.

Ardayda Soomaaliyeed ee Atlanta iyo kuwa Toronto ayaa ku loollamaya marti galinta shirweynaha affaraad ee NASSU, sanadka soo socda.

Hiiraan Online
Columus, Ohio
Photos: Courtesy of NASSU

Faahfaahin dheeraad, fadlan kala xiriir :
E-mail: [email protected]
Website: http://www.nassunet.org






 


Hiiraan Online
Contact:[email protected]
Copyright © 2005 Hiiraan Online