Kulankii Taageerada Jaamacadda Camuud oo ka dhacay Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka
Minneapolis, MN - (HOL) Kulan ballaaran oo gundhigiisu ahaa in dhaqaale loo yabooho Jaamacadda Camuud ee magaalada Boorame, ayna isku soo dubba rideen Amoud Foundation ayaa sabtidii bishan August ay lixda aheyd ku qabsoomay hoolka shirarka ee machadka sharciyada ee Walter Mondale oo raacsan Jaamacadda Minnesota. Gogol xaarkii kulanka waxaa daraasad Camuud ku saabsan soo jeediyey Mudane Sacad Ismaaciil Samatar oo qaban qaabiyayaasha kamid ahaa. Camuud waxeey ahaan jirtay dugsi sare oo tayo, sumcad iyo maamuus ku dhex leh Somaliya ka hor intaaneey u xuubsiiban Jaamacad 1998-dii. Saddex professor oo uu ku jiro hormuudka Camuud, Mudane Suleyman Axmed Guled ayaa dhidibada u aasay. Sideed sano kadib, Camuud waxeey hooyo u tahay dhallaanka Jaamacadaha ka burqaday daafaha Somaliya, gaar ahaan koonfurta. Waxeeyna kaloo soo saartaa macallimiinta ugu tayada badan ee Somaliland & meela koonfurta Somaliya ka tirsan dugsiyadeeda wax ka dhiga..( Halkaan ka wada akhriso)

Xaflad soo dhoweyn Madexweynaha Jaamicadda Camuud Professor Suleiman Ahmed Guleid oo lagu qabtay Magaalada Columbus, Ohio
Columbus, OH - Waxaa ka dhacay magaalada Columbus, Ohio maalintii Jimcaha oo bisha Agoosto ahayd 12ka xaflad lagu soo dhoweeynayey Professor Suleiman Ahmed Guleid oo booqasho ku jooga dalka Maraykanka.
Professor Guleid waaxaa ku soo dhoweeyey xafladda aqoonyahaano iyo waxgarad Soomaaliyeed oo ay ka mid yihiin Professor Nur Cabdi Hussen, Macallin Cali Mirreh Cawaale iyo Dr. Cabdinur Sh. Maxamed iyo aqoonyahanno iyo waxgarad kale oo ka soo qeyb galay xafladaas lagu qabtay dugsiga hoose/dhexe ee International Academy of Columbus. Xafladdaan waxaa soo wada qaban qaabiyey ururada Mogadishu Univesity Foundation iyo Amoud Foundation. (Halkaan ka wada akhriso)