Somali: The Yibir of Las Burgabo

 




Welcome to Hiiraan Online, today is
Barnaamijka Xulasha Hiiraan, April 2005
Xarunta Waxbarashada Soomaaliyeed ee Minnesota

Minneapolis , MN (HOL). Xarunta Waxbarashada Soomaaliyeed oo Minnesota ku taalla waxeey kamid tahay xarumaha faraha badan ee Jaaliyadda Soomaalida u adeega ee Gobolkan. Ha yeeshee shaqada eey xaruntani qabato ayeey dad badani ku doodayaan ineey tahay midda ugu muhiimsan ee Jaaliyadda nafciga ugu badan u soo celisa. Somali Education Center waxaa dhidibada si rasmi ah loogu aasay bishii October ee sanadkii 2001-kii iyadoo hadaf sahlan wadata: Si dhallaanka Soomaaliyeed ee ku dhibka qaba maadooyinka English-ka, xisaabaadka iyo Sayniska iskuullada lagu dhigo looga caawiyo. Laakiin affar sano kadib, xaruntu waxeey u xuubsiibatay saldhig aqooneed oo baaxad weyn oo habeen iyo maalin-ba ku howlan ka haqab tiridda Jaaliyadda Soomaaliyeed, oo isugu jira caruur iyo dad waaweyn-ba, maadooyinka aan soo sheegay.


Jaamacad Boqorada Ingiriisku Dhigtaan oo Wiil Soomaali ah Qaadatay.

Eton College oo ay dhigtaan kana soo baxeen ilmaha boqorada sida Princes William iyo Harry, ayaa waxay k amid tahay kolleejooyinka ugu qaalisan dunida. Waxaa aasaasay boqorkii Henery VI sanadku markuu ahaa 1440.

Eton waxeey imminka isu diyaarineysaa ineey soo dhaweyso Cabdiraxman Sudi oo ah wiil Soomaaliyeed.

Cabdiraxman Sudi wuxuu imminka dhigtaa Moat Community College, Wuxuuna ku guuleystay deeq waxbarasheedka Joe Burrell Bursary oo qiimaheedu dhan yahay 27,000 (labaatan iyo todobo kun) oo Giniga Istarliinka ah sanadkiiba, ka gadaal markii uu kaalimaha koobaad ee A-da si isdaba joog ah uga galay dhamaan maadooyinka uu Moat Community College ka qaato. Cabdiraxman Sudi oo 16 jir Soomaliyeed ah wuxuu dhar iskuulkiisa (uniform)-ka ku kici doonaa qiimo ka badan1,000 (Kun Pound).


 

Hiiraan Online











Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online