SHAQSI SOMALIYEED OO XUBIN KA NOQDEY HAY'ADDA ABAALMARINADDA EE NOBEL.
Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
SUSA Netowrk

Arab News

SHAQSI SOMALIYEED OO XUBIN KA NOQDEY HAY'ADDA ABAALMARINADDA EE NOBEL.


C/qadir C. Gutaale

Mire Sheekh Cumar oo in muddo ah ka mid ahaa mas'uuliyiinta maamulka Ciyaaraha Soomaaliyeed ayaa loo doortey inuu noqdo xubin guddiga fulinta ee hay'adda Abaalmarrinada Nobel gaar ahaan qaybteeda Golaha Caalamiga ah ee Talo-bixinta Abaalmarinada Nabadda ee Nobel, (International Nobel Peace Prize Recommendation Forum, INPPRF).

Md. Mire Sheekh Cumar Muddo dheer ayuu la shaqeynayery hay'ado caalami ah oo taageera Nabadda iyo Ciyaaraha. Taas oo keentey in sanadkan 2004, Shir weyne ka dhacey Dalka Hindiya loogu doorto Xubin Gudiga Fulinta ah ee Hay'adda Abaalmarrinada Caalamiga ah ee Nobel.

Md. Mire waxa uu maamulka Isboortiga Somaaliyeed ku soo jirey illaa 1985-kii  kolkaa oo uu ka mid ahaa gudiyaddii Wasaarada Isboortiga ee maamulayey ciyaaraha Gobollada, illaa iyo markaana si buuxda ayuu uga tirsamaa ulana shaqaynayey xiriirada kala duwan ee Isboortiga iyo gudiga Olombikada, waxaana uu ka qayb galey shirar fara badan oo heer caalami ah oo ay isugu yimaadeen xubnaha Xiriirada ciyaaraha Afrika, Aasiya iyo Yurub. Mire waxa sanadkii 2000 Shir ka dhacey Magaalada Addis_Ababa loogu doortey Xubin ka mid ah Gudiga Fulinta ee Xiriirka Kubadda Miiska ee AFRICA, isagoo horena u ahaa xubin gudiga warfaafinta ee isla xiriirkaas.

Golaha INPPRF waa hay'ad caalami ah oo qayb ka ah loona aasaasey inay la shaqayso hay'adda caanka ah ee bixisa Abaalmarinnada Nobel (Nobel Prize Foundation) waxayna wakiilo ku kala leedahay dalal badan ee dunida ah. Wuxuu goluhu talo ahaan ku soo gudbin doonnaa Shaqsiyaadka dunida dacaladeeda ku kala nool ee dadaalkooda iyo naf huridooda ku mutaysta in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel ama soo gudbinta xubnaha musharrixinta billada ah.

  Waxa uu sidoo kale goluhu faafin doonaa farriimaha Hay'adda Nabadda ee Nobel ee lagu dhiirrigelinayo laguna horumarinayo nabad kuwada noolaanshaha dadyowga,Dhowrista xuquuqda aadanaha, Dimoqraadiyada, IWM.

Md. Mire Sheekh Cumar oo hadda ku nool dalka Sweden waxa uu heley aqoonsi caalami ah oo dadaalkiisa iyo hawlkarnimadiisa ah muddooyinkii uu ka soo jirey hawlaha maamulka isboortiga sida iyadoo magaalada Porta-Elizapeth ee dalka K/Afrika lagu gudoonsiiyey Shahaado heer qaaradeed ah iyo laba billadood oo lagu kala guddoonsiiyey magaalooyinka El-Minia ee dalka Masar iyo Pezerte ee dalka Tuniisiya sanadihii 2001 iyo 2002-da.

Ka dhex muuqashada iyo ka mid noqoshada ururrada caalamiga ah ee shaqsiyaadka Soomaalida ah sida Mire Sheekh Cumar ayaan dhihi karnaa waa sharaf iyo maamuus u soo hoyatey guud ahaan Soomaalida, waxaana wax lagu farxo ah maanta laga heli karo ururro kala duwan oo heer qaaradeed ama caalami ah Shaqsiyaad Soomaaliyeed oo hawlkar ah kuwaas oo xubnaha beesha caalamka ee u dhaqdhaqaaqa nabadda iyo arrimaha bulshada u noqon kara xarig ku soo jiida ummadda Soomaaliyeed.

W.Q

C/qadir C. Gutaale

Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online