SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA
Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
SUSA Netowrk

Arab News





SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA

Cabdiwali Heybeh

Waxaa hadda inagu soo fool leh xilligii ciidaha (Holiday Season) ee dalalka Mareykanka , Canada iyo Waddamada Europe. Waxaana lagama maarmaan ila noqatey ineynu is xusuusinno dhibaatooyinka shilalka baabuurka ee xilligan dhaca inta ay la'eg yihiin iyo waxyaabaha sababa shilalkaas. Inkastoo dalalkaas aan kor ku soo sheegay ay ka siman yihiin dhibaatooyinkaas, waxaase ugu shil badan dalka Mareykanka.

Sannadkii aynu soo dhaafney, 2003, waxaa xilligan ciidaha dalkan Mareykanka ka dhacay 42,643 shil oo keenay dhaawac iyo dhimasho. Shilalkaasi waxay dhaceen intii u dhaxaysey wakhtiga November 27 keeda iyo December 31 keeda , 2003. Shilalkaas waxaa keena 41% dadka baabuur wada iyaga oo uu maankoodu doorsoon yahay (khamri ama maandooriyayaal cabsan). Sannadkii 2002 waxaa dalkan ku dhintey dad ay tiradoodu gaadheyso 17,419 qof oo ay khamridu sababteeda lahayd. Taas macnaheedu waa inuu hal qof ku dhinto shil baabuur 30 daqiiqaba. Dhimashada iyo dhaawacaas waxaa dheer, burburka dhaqaale ama hanti ee ay shilalkaasi keenaan. Sannadkii 2000 shilalka dalka Mareykanka ka dhacay waxay geysteen khasaaro hantiyeed oo lagu qiyaasey $103 billion. Haddaba haddii aynu ka fogaano waxyaabahaas maanka dooriya, inkastoo oo fursadda aad shil ku gasho ay yaraaneyso, haddana, xusuusnow in ay waddada kugula jiraan dad maankoodu doorsoon yahay.

Dhibaatooyinka shilalka ay keenaan khamriga iyo maan-dooriyayaasha ay keenaan wakhtigan ciidaha ee innagu soo fool leh, waxaa hadda ku soo biirey dad aan iyagu waxba cabbin laakiin maankoodu uu doorsoon yahay. Waxaa laga yaabaa in ay Soomaalidu ku yar tahay dadka khamriga ama maan-dooriyayaasha isticmaala. Hasa yeeshee waxaa aad mooddaa inuu inagu badan yahay dadka ku sifoobey arrinta labaad. Waa dadka uu maankoodu doorsoon yahay wakhtiga ay baabuurta wadaan. Dadkaasi waa kuwa ku hadla taleefanada ( Mobile ) amaba Koorta aan cidna inagu khasbin ee aan jeebka ku wadano. Imisa jeer ayaad aragtey adiga oo hor taagan meeshii aad u socotey, laakiinse aanan xasuusan meel aad soo martey sababtoo ah waxaad ku hadleysey taleefan ? Waxaan filayaa in aaney tan la yaab ahayn sababtoo ah qalbigaagu ma uu qeybsamayo. Ma qofka aad la hadleyso ayaad ka fakari wixii aad ku odhan lahayd, mise waddada hareerahaaga iyo hortaada waxa maraya ayaad la socon. Waxaan kale oo aan arkey dad iyagu soo gashadey sameecad ay ka maqlaan hadalka taleefanka. Waxaad mooddaa iney kuwaasi is leeyihiin waxay kaa yareyneysaa fursadda aad shil ku geli karto maaddaama ay labadii gacmood kuu bannaan yihiin. Haddaba ku bishaareyso inaad la mid tahay kuwa gacanna baabuurka ku wada, tan kalena taleefan ku haysta. Warbixin dhawaan laga soo saarey cilmi baadhis ay sameysay Jaamacada Harvard ee dalka Maraykanka, waxaa lagu caddeeyey in sannad walba ay dalkan ku dhintaan dad tiradoodu gaadheyso 2,600 qof ayna kuna dhaawacmaan dad lagu qiyaasey 570,000 oo qof shilal ay sababtoodu ahayd dad taleefan ku hadlaya xilliga ay baabuurta wadaan. Waxbixintu waxay intaas ku dartey, in dadka gacanta ku haysta taleefanka iyo kuwa sameecadda ku hadlaya ay shilalkaa gelistoodu ka siman yihiin. Waxaa laga yaabaa in dadka sameecadda ku hadlaya ay kaga roon yihiin kuwa taleefanka gacanta ku haysta marka uu shilku dhaco ka dib sida ay hoggaanka baabuurka u hayaan maaddaama ay labadii gacmood isticmaalayaan.

Shilalku waa qaddar Eebbe keeno, hasa yeeshee waynu ka taxadari karnaa. Haddii aad adigu ka badbaado dhaawac ama dhimasho, waxaa laga yaabaa inaad adigu u geysato dhaawac ama dhimasho dad kale. Haddii aad caymis lahayd waxaa laga yaabaa, inuu lacagta hantida burburtey bixiyo ama wixii dhaawac kharashkiisa bixiyo. Haddiise ay geeri meesha soo gasho, oo aad adigu khaladkeeda leedahay, waxaa laga yaabaa in lagugu soo oogo dambi ah dil uu keeney dayacaaga baabuur wadida (Vehicular Manslaughter). Haddii dambigan lagugu xukumona waxaa laga yaabaa in uu shilkaasi kuu keeno xadhig u dhexeeya 1-10 sano.

Haddaba Rabbi ha inaga badbaadiyee, sidee baan uga taxadari karnaa waxyaabaha keena shilalkaas aan kor ku soo sheegney ? Marka hore, sida diinteenu ina fareyso safarkaa ku bilow ducada aynu baabuurta sudhano oo odhanaysa sida hoos ku qoran:

Marka labaad, waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ka fogaataan waxyaabaha maandooriyayaasha ah wakhti walba khaasatan wakhtiga aad baabuurta waddaan. Waa khamriga, daroogada, iyo taleefannada (Koorta). Haddii taleefan muhiim ah kuu soo dhaco, si xushmad leh ugu sheeg qofka ku soo wacaya inaad waddo ku jirto oo aad ku soo celin doonto marka aad waddada ka baxdo haddii Eebbe yidhaahdo. Fadlan suunka (Caynka) xidha una hoggaansama shuruucda waddooyinka. Rabbi ha inaga badbaadiyo dhibka shilalkaas.

Abdiweli A .Heibeh
Police Officer
San Diego Police Department
San Diego , CA . USA
e-mail: [email protected]

Hiiraan Online











Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online
 

Waqtiga Salaadda

SISAWA
The Right Way to Pray
Somali Sunah
Listen & Read Quran

Benadir_Islam
AFLAX.NET
ISLAM TOMORROW
Iimaam Shaafici
Boqolsoon

Khalid Bin Walid

La Soco Tafsiirka
Ottawa Muslims
Maktabatu Al-Hudda
Islamic City
MSA
IVIEWS.COM
Learn about Islam