Idaacadda Habeenimo Idaacadda Galabnimo Idaacadda Duhurnimo
Somalihome Online
Somali Peace Process
SomaliUK.com
Soomaali
Suxufi
SUSA Netowrk
STN-TV.NET
Waqooyi Bari Kenya
Widhwidh
Yoobsantimes

Arab News



Mohamed Sheikh oo ku guulaystay billad qaali ah

Xaflad lagu gudoonsiinayay Mohamed sheik billada Brostein ayaa maanta ka dhacday magaalada Oslo. Xafladaas waxaa kasoo qaybgalay hay’ado Norwiji,  kuwo soomaaliyeed iyo dadwayne aad u fara badan.

Biladaan ayaa sanad walba la gudoonsiiyaa shaqsi banaanka keena xaalad adag oo xal u baahan, abuura rajo amaba keena fikrad cusub oo looga hortagayo xaaladaha adag ee soo wajaha bani’aadanka.

Mohamed Sheikh oo yimid Norway 17 sano ka hor ayaa ah nin u dagaalama sidii somaalida degan Norway ay horumar u gaari lahayd.

Helen Bjørnøy oo halkaa hadal ka jeedisay ayaa ka hadashay sababta Mohamed ugu gulaystay biladaan, waxayna tiri, ”Mohamed waa nin leh fikrado cajiib ah oo leh halabuuro dhaxal gal leh. Waa nin adkaysi badan oon daalin ilaa fikirkiisu uu noqdo mid miradhal leh. Waa nin neceb kalinimada waxuuna awood u leeyahay inuu wadashaqayn la yeesho soomaalida iyo Norwijigaba”

Arintaan biladguulaysiga ah ayaa waxay ku soo aaday iyada oo soomaalida Noorway degan ay sumcad xumo utaal ka dib markii nin soomaali ah uu middi la dhexgalay dad noorwiji ah oo saaran bas halkaa oo wiil 23 jir ah oo noorwiji ah ku geeriyooday halka tobeneeyo kalena ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale ayaa laba bilood ka dib lagu soo eedeeyay wiil kale oo soomaali ah oo 35 jir ah inuu dilay gabar noorwiji ah oo jirta 19 sano. Wiilkaas oo war iyo wacadba laga la’yahay ayaa haatan booliiska Noorway ka raadiyaa meel kasta.

Mohamed ayaa tartanka billadgudoosiinta ah waxa kale oo la tartamay 120 qof oo Noorwifi ah. Kol aan soomaalida degan Oslo ka waraysanay sida ay u arkaan in nin soomaaliyeed uu tartan uga guulaysto 120 Norwiji ah ayaa waxay noo osheegeen in Mohamed uu yahay nin u qalma inuu ka guulaysto dad intaa kasii badan, arintaana ay tahay arin soomaalida sumcad u abuuraysa.

Dhanka kale goor aan ka waraysanay dadka Norwijiga sida ay u arkaan biladaan oo kale in nin soomaaliyeed ku guulaystay ayaa waxay noo sheegeen inay arintaan abuurayso iskusoo dhawaasho umada soomaaliyeed iyo tan norwijiga waxayna ku dareen in dadwaynaha norwijiga ahi ogaan doonaan in soomaalidu yihiin dad wanaagsan oo is caawiya.

Xafladaan waxaa heesaha soomaalida iyo dhaqanka soomaaliyeed ka soo bandhigay kooxda iftin ee Norway oon ka xusi karno, Cali Isaaq, Sheikh Cabdi iyo Maxamuud gabyaaye. Waxaa kalo xafladan laga casumay gudoomiyaha iyo gudoomiye kuxigeenada ururka haweenka soomaaliyeed, Ayaan Yasin iyo Kadra Nuur., Uruka SUKAO oo uu gudoomiye ka yahay Abdirasak Abdulle Alasow, Mustafa oo ka socday ururka dhalinyarada ee soomaaliyeed iyo Idil iyo Amiin oo ka socday Raadiye wadani oo ah raadiye cusub oo mar dhow laga furay Oslo

Waxaa warbixintaan Norway nooga soo diray
Hassan Ali, Oslo
[email protected]
Nolosha Soomaalida ee Norway kala soco websidka:
http://www.http://www.norsom.net

Home






 

Contact:[email protected]
Copyright © 2004 Hiiraan Online