5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2024
Kenya oo sheegtay inay qabatay xubin katirsan Alshabaab oo lagu magacaabo Abuu Maahir
 

Arbaco, May, 1, 2024 (HOL) - Hay’adaha amniga ee dalka Kenya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Mustakima Mohammed Ali oo loo yaqaan Abu Maahir, oo la sheegay inuu katirsan yahay kooxda Alshabaab.

Ninkaan ayay dowladda Kenya nolol iyo geeri ku raadinaysay tan iyo 2019, isagoo loo haysto dilka sarkaal bilays ah iyo laba qof oo kale, dilkaas oo ka dhacay Gobolka xeebta ee Lamu.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray ninkaan, isagoo bas ka soo raacay Lamu kuna socday Malindi.

Kenya waxay sheegtay, in Mustakima uu ka mid ahaa argagixisadii ku dhuumaalaysanayay Keymaha Boni ka hor inta uusan u cararin Soomaaliya, ka dib howlgallo ay xoojiyeen laamaha ammaanka Kenya.

“Qabashada haraadiga Alshabaab sida Mustakima waa guul weyn oo laga gaaray argagixisanimada iyadoo dowladdu adeegsato wax walba oo lagu dhimo khatarta argagixisada,” ayaa lagu yiri warkan.

Kenya waxay sheegtay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee Lamu in uu dhaliyay miro horseeday in la dhimo weeraradii argagixisanimo, fulinta mashaariicda iyo dib u habeynta waaxda dalxiiska.