5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2024
Hoggaamiye Cali Jayte "Dagaalka qabiilka dib noogu dhiga ee aan galno dagaalka Khawaarijta idinko mideysan"
 

Arbaco, May, 1, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha ciidanka difaaca dadweynaha Cali Jeyte Cismaan oo ka mid ah masuuliyiin dowladda fedaraalka Soomaaliya ay u dirtay xal u helida dagaal beeleedyo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe ayaa si adag uga hadlay colaada u dhaxeeysa beelaha Xawaadle iyo Abgaal.

Cali Jeyte Cismaan ayaa ugu horeyn sheegay in colaada u dhaxeysa labadaan beelood iney tahay mid ay hurinayaan kooxda Al-shabaab ee horay looga xureeyay dhulka lagu dagaalamayo, isagoona ka dalbaday waxgaradka labada beelood in dhalinyarada ay u ogolaadaan iney isaga la shaqeeyaan.

"Waxaan doonaya inaad dhalinta i ogolataan oo an ka qeyb galiyo dagaalka Khawaariijta, iyagoo mideysan ayaa dagaalka wada galeyna, alaabteyda waan soo wada qaatay, waxa ii dhimana waxaa ka raba iney ii doonaan Sanbaloolshe iyo Shuute" ayuu yiri Cali Jeyte Cismaan.

Jeyte ayaa sidoo kale sheegay inuu la yaaban yahay sababta ay ku dagaalamayaan labadaan beelood ee walaalaha oo colaadoodu soo laablaabtay marar badan.

"Labadiina beel waxaad isku haysataan waanba fahmi waay beel walba markan hor fariisanay waxay na leedahay walaalahan waxaan ka tabaneyno maleh, hada hadii aad wax tabasho jirin walaalaheena is leedihiin, maxa isku kiin diraya, wiilasha dagaalamaya waxaan leeyahay dagaal hadad qof ku dishan aduun iyo aaqiro leydin haysan baan idin haynahe soo gala waa dagaalka Khawaariijte" ayuu hoggaamiye Jeyte.

Ugu dambeyntii Xaduuda gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laablaabtay dagaal beeleedka u dhaxeeya Xawaadle iyo Abgaal, kuwaas oo iska dilay dad aad u badan oo kasoo kala jeeda labada beel, waxaana dagaaladaas ay saameyn ku yeesheen isku socodka labada dhinac.