5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2024
Somaliland oo ka hadashay wakhtiga la dhamaystirayo heshiiska ay Itoobiya la galayso
 

Talaado, April, 30, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa shaacisay in muddo 2 billood gudahood ah lagu dhamaystiri doono heshiiska ay la galayso dowlada Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Ciise Keyd Maxamuud, oo waraysi siiyay warbaahin laga leeyahay dalka Jarmalka, ayaa sida SOLNA qortay  shaaciyay in muddo laba billood gudahood ah lagu dhammaystiri doono heshiiskii is fahan ee ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya 4 bilood ka hor.

"Wasiir Ciise Keyd wuxuu sheegay inay socoto dhammaystirka heshiiska isfahan ee ku wajahan inay JSL ka kirayso Itoobiya 20 km oo xeebteeda ah, taasi oo ay Somaliland dhaafsatay inay Itoobiya aqoonsato madaxbannaanida Somaliland" ayaa lagu yidhi warbixinta SOLNA.

Sida SOLNA qortay, Wasiirka oo u warramay warsidaha  Deutsche Welle ee dalka Jarmalka ayaa inta ku daray in wadaxaajoodyadu u socdaan labada dal isla markaana la dhisay guddiyadii farsamada ee ka shaqeynaya isku-duboridka dhammaystirka heshiiskii ay wada galeen madaxweyne Muuse Biixi iyo Raysal-wasaare Abiy Ahmed.

Dowlada Soomaaliya ayaa iyadu dhankeeda si wayn uga soo horjeedsatay isfahamka Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo Itoobiya uga digtay in ay Somaliland la gasho heshiis anay dowlada federaalka Soomaaliya raali ka ahayn.