5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2024
Taliyaha Ciidanka Asluubta oo si weyn uga horyimid qorshe ay wado Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka
 

Talaado, April, 30, 2024 (HOL) - Taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa uga digay Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya talaabo uu ku sheegay in Wasaaraddu ay ku dooneyso iney ku burburiso ciidamada Asluubta.

Jenaraalka ayaa warkaan sheegay kadib shir sadaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay arrimaha ciidanka Asluubta, wuxuuna si cad sharci daro ugu tilmaamay qorahe uu tilmaamay iney wado Wasaaradda Cadaaladda oo ay waxba kala socon dhamaan taliska.

“Wasaarada Cadaaladda waan idin ogolnahay in wixii aan keenay aad isku sawirtaan balse hana gaarsiinina isku sawiri maysaan in aan idin dhahno. Asluubta anniga ayaa Taliye ka ah, aan la’iisheegin, la’igu marti qaadin saan ayaa jirta imow aan la’idhihin, cidkale aan wakiishto ama anniga aantagee, shirkaas waxa aan u aragnaa qalad, burburin howl qaran ayaan u aragnaa" ayuu yiri taliyaha ciidanka Asluubta Jenaraal Mahad Cabdiraxmaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan in ciidanka Asluubta ay sharci ku dhisan yihiin, islamarkaana hadii la doonayo in la raro uu masuul ka yahay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wixii ku saabsan sharci badalid, wuxuuna ku baaqay in laga fogaado waxyaabaha iska horkeenaya Wasaaradda Cadaaladda iyo ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

“Dadka waxaan ku howlan waxaan leeyahay waa Iska horkeyn Siyaasadeed ee ciidanka iyo Wasaaradda ha iska horkeenina” ayuu yiri Taliye Jenaral Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaano Taliye Shub.