5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2024
Faahfaahino kasoo baxaya dil Muqdisho loogu geystay wiil dhalinyaro ahaa
 

Talaado, April, 30, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Saldhiga degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta kusoo dhigay nin la sheegay inuu ka dambeeyay dil Shalay loogu geystay deegaanka Daarusalaam wiil dhalinyaro ahaa.

Eedeysanaha dilka geystay ee gacanta lagu soo dhigay ayaa Booliisku sheegay inuu ka mid yahay ciidanka ilaalada deegaanka, kaasoo magaciisa lagu sheegay Mahad Cali Maxamud oo da'diisu tahay 26 sano jir.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Tooxow oo da'diisu aheyd 32 sano jir, waxaana dilkiisa uu kusoo beegmay, saacdo kadib markii uu kasoo laabtay aaska xubno ay qaraabo dhaw ahayeen oo ka mid ahaa Shaqaalahii Shirkada Hormuud ee qaraxa lagu dilay maalin ka hor.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilkaan loo geystay wiilkaan dhalinyarada iyo waxa sababay ee dhexmaray ninka dilka geystay iyo marxuumka la dilay.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in eedeysanaha baaris ku socoto, islamarkaana si deg deg ah loo horkeeni doono Cadaaladda.

Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilal sidaan oo kale ah oo ay askarta ciidanka dowladda si macnadaro ah ugu geystaan dadka shacabka ah.