5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 30, 2024
SSC Khaatumo oo ku eedeysay Somailand inay colaad ka hurinayso gobolka Sanaag
 

Talaado, April, 30, 2024 (HOL) - Maamulka SSC Khaatumo ayaa ku eedeeyay Somaliland inay colaad sokeeye ka hurinayaan degaanada gobolka Sanaag, ka dib markii maalmihii lasoo dhaafay halkaas lagu dilay labo qof oo shacab ah oo kasoo jeeday degaanada SSC.

Warsaxaafadeed kasoo baxay SSC- Khaatumo ayaa lagu sheegay, in Somaliland ay ciidamo ku abaabulayso gobolka Sanaag, taasoo ujeedka laga leeyahay uu yahay in colaad la galiyo gobolkaas sida uu maamulka SSC sheegay.

SSC Khaatumo waxay sheegtay, cawaaqib xumada ka dhalata colaaddaas iyo dilalka loo geysanayo dadka rayidka ah, inuu qaadayo maamulka Somaliland.

Sidoo kale, SSC Khaatumo waxay sheegtay inay Somaliland waddo abaabulka duullaan ka dhan ah degaanadooda, taasoo ay sheegeen in aysan marnaba aqbali doonin.