5/15/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 29, 2024
Xubin katirsan guddiga arrimaha dibadda ee Sanate-ka Maraykanka oo ku baaqay in lala macaamilo Somaliland
 

Isniin, April, 29, 2024 (HOL) - Senator Jim Risch, oo ah xubin sare oo ka tirsan Guddiga Xidhiidhka arrimaha Dibadda ee Senate-ka Mareykanka, ayaa ku booriyay maamulka madaxweyne Biden inay la macaamilaan Somaliland.

Jim Risch, wuxuu sheegay in siyaasadda Soomaaliya oo keliya aysan ka tarjumayn xaqiiqada.

"Waxaan ku booriyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka inay la shaqeyso Somaliland oo aysan iska indha tirin horumarka dimoqraadiyadeed," ayuu yiri Senator Risch isagoo intaas ku daray in asxaabtiisa Mareykanka ay ammaanayaan horumarka doorashada Somaliland.

Hadalkiisa ayaa kusoo beegmay ka dib markii Midowga Yurub, Denmark, Germany, Norway, Sweden, iyo Uk ay soo dhoweeyeen ku dhawaaqista rasmiga ee waqtiga Doorashooyinka Somaliland.

Senator Jim Risch, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in caalamku uu la shaqeeyo Komishanka Doorashooyinka Somailand iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada si ay u taageeraan sidii loo gaarsiin lahaa doorashooyin xor iyo xalaal ah oo loo dhan yahay.

Maraykanka ayaa u aqoonsan Somaliland inay qeyb ka tahay  Soomaaliya, inkastoo Somaliland uu kala shaqeeyo arrimaha siyaasadda sida dimuqraadiyaynta iyo horumarinta dhaqaalaha.