5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 1 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Madaxtooyada dalka ku qaabilay Madaxa Hay'adda Sirdoonka dalka Turkiga
 

Arbaco, May, 1, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay  Madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka dalka Turkiga Ibrahim Kalin oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho.

Kulankaan ka dhacay Madaxtooyada dalka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Taliyaha Hay'adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ibrahim Kalin ayaa ka wada hadalay sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya Turkiga iyo Soomaaliya ee muhiimka u ah labada dal oo ay ka mid yihiin dhinacyada amniga, sirdoonka, dadaallada wadajirka ah ee ka hortagga Al-Shabaab iyo horumarinta xasilloonida gobolka.

Booqashada uu ku yimid Muqdisho Madaxa Hay'adda Sirdoonka Qaranka dalka Turkiga ayaa kusoo beegantay, iyadoo dhawaan u soo gaaray Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho Markab dagaal oo ay la socdeen saraakiil sar sare oo Turki ah, kuwaas oo u yimid Muqdisho fulinta heshiiska difaaca iyo iskaashiga dhaqaalaha oo ay wada galeen labada dal bilowgii sanadkaan..

Ugu dambeyntii dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa ah laba dowladood oo uu ka dhaxeeyo xiriir saaxibtinimo oo muhiim ah, waxaana dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka taageerta dhaninacyada bani’aadanimada, Horunarinta iyo tababarada ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.