5/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 20, 2024
Koonfur Galbeed oo ku guuleysatay iney kala qaado maleeshiyo beeleed ku dagaalamay Diinsoor
 

Sabti, April, 20, 2024 (HOL) - Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed oo uu hoggaaminaayo Wasiirka Wasaaradda amniga maamulkaas ayaa u tagay degmada Diinsoor ee gobolka Baay xal u helida dagaal beeleed ka dhacay degmadaas.

Masuuliyiinta ayaa ugu horeyn kormeer ku tegay goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidanka labada maleeshiyo beeleed ee dhawaan ku dagaalamay gudaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay, iyagoona ku guuleystay iney kala qaadeen maleeshiyaadkii is hor fadhiyay.

Wasiirka Wasaaradda amniga maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabduqaadir Maxamed ayaa sheegay in dagaal uusan u wanaagsaneyn dadka shacabka ah, islamarkaana labada dhinac looga baahan yahay iney nabad ku wada noolaadaan.

Wuxuu ugu baaqay waxgaradka degmada iney xoojiyaan nabada, islamarkaana ay ka shaqeeyaan sidii degmada iyo deegaanada kale ku xeeran uusan markale ugu dhicin dagaal u dhaxeeya dadka walaalaha ah.

Si kastaba ha ahaatee dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa dagaal beeleedyo ay kala dhaceen degmooyin badan oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed, kuwaas oo kala ah Baraawe, Qoryooleey, Wanlaweyn, Diinsoor iyo Buurhakaba, waxaana haatan socda dadaalo lagu xalinayo colaad beeleedyadaas oo geystay khasaarooyin kala duwan oo naf iyo maalba leh.